Maanta oo ay ahayd maalintii xuska sanad-guuradii 32 aad ee maalintii dhagax-tuurka

CIMG0528-475x356

Dhallinyaradii dhagaxa tuuraysay ee xabad nool ay la beegsanayeen ciidamadii faqashtu

CIMG0495

CIMG0506-475x356 Kaltuun, oo ah xaaskii hore ee marxuum Cigaal oo ka soo qayb gashay xuskii 32 aad ee dhagaxtuurka.

CIMG0498-475x356 Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Somaliland, SONYO.

CIMG0517-475x356

Wasiirka dhallinyarada Somaliland

CIMG0478

CIMG0494

CIMG0488

Maanta Oo Hargeysa Laga Xusay Maalinta Dhagax Tuurka 20ka February, Isla Markaasna Ah Maalinta Dhanliyarada Somaliland+ Dallada Sonyo Oo Soo Qaban-qaabisay.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 20, 2013
Hargeysa(HWN):-Maanta oo ay taariikhdu tahay 20 february 2013, ayaa ku began Maalintii Dhagax tuurkii Ufo Ee Lagu Xidhxidhay Dhalinyaradii Aqoonyahanada Ahayd Taas Oo Uu Ku Daatay Dhiig badan , Dhanliyaradaasi Oo Xabsiga ay ku jireen .

Hargeysa(HWN):-Maanta oo ay taariikhdu tahay 20 february 2013, ayaa ku began Maalintii Dhagax tuurkii Ufo Ee Lagu Xidhxidhay Dhalinyaradii Aqoonyahanada Ahayd  Taas Oo Uu  Ku Daatay  Dhiig badan , Dhanliyaradaasi Oo Xabsiga ay ku jireen .

Munaasibad Maanta Lagu Dabaaldagayay Sanad Guurada Ka Soo Wareegtay Malinta Dhagax tuurka Dhalinyarada Ufo oo 32 Jirsatay Ayaa Siway Looga Xusay Caasimada Hargaysa Taas Oo Ay Dadwayne Aad U Tiro badan Oo Ay Horkacayaan Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Aadan Iyo Wasiirka Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal Iyo Waliba Marwadii Madaxwayniihii Hore Ee Somaliland Marxuuma Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ,Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani . Iyo Waliba Ciidamada Baanboyad Oo Kaalin Laxaadle Kaqaatay Halkaas Ayaa Ugu Danbay Layskugu Soo Biyo Shubtay Xarunta Taalada Dhagaxruurka .

Hadba Ugu Horayn Waxa Halkaas Ka Hadlay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Sonyo Mudane Mabaarik Ismaaciil Taani ,Oo Kalkaas Ka Xusay Maalintan Iyo Qiimaha Ay Ku Tagantahay Dhalinyarada Somaliland Guud Ahaan Isaga Oo Tacsi U Diraya Intii Ku Geeriyootay Dhagxtuurkaas ,Halkaana Ku Xusay Ninkii Ugu Horeeyay Ee Ku Dhintay Dhagaxtuurkaa Oo Ay Dilee Ciidamadii Arxanka Daraa Ee Dawladii Kalitaliska Ahayd Ee Siyaadbare Hogaminaaya Marxuum Bare .

Gudoomiyaha Oo Waxyaabo Badan Taabtay Ayaa Hadaladiisii Waxa Kamid Ahaa Sidan ? Manta Waa Maalin Wayn Waa Maalin Qaran Waa Maalintii Dhalinyada Jamauuriyada Somaliland, Waa Maalin Aynu Ku Xusayno Dhacdo Muhiima Oo Taarikhii Ah Oo Ah Dhiigii Ugu Horeeyay Ee Loo Shubo Dhibicdii Ugu Horyaasay Ama Dhiigii Ugu Horeeyay Ee Loo Daadiyo Halganka Loo Soomaray Lasoo Noqoshada Xoriyada Somaliland Ee Khasaartay 1960kii, Manta Uu Halgankaasi Keenay In Dhalinyadii Reer Somaliland Ee Wakhtigii Sideeetamaadkii Ku Noolaa Duruufahaa Qalafsan In Ay Maantana Codkooda Cidna Ku Doortaan Cidkalena Ku Ridaan . Dimuquraadiyada Iyo Xoriyad Buxdana Ay Haystaan Iyo Waliba Wax Barasho Hufan Oo Ilaahad Dhugsiyada Hoose/Dhexe Ay Bilaa Lacagyihiin. Taasi Waa Halgankii Ay Dhalinyartu Bilawday Ilaahadan Wuu Sii Socdaa , Xiliigaa Waayo Kala Duwan Oo Qalafsan Ayaa Haystay Dhalinyarada ,Hada Laaakin Way Ka Duwanthay Oo Duruufaha Ku Gadaman Dhalinyaradu Malaha Tii Xilagaa Labilaaba Halganka Tagnay Ee Manta Wax Dhaliyarada Haysata Shaqo La Aan Iyo Waliba Tahriib Iyo Duruufo Kale Oo Ay Dhalinyaradu Doonayaan In Wax Lagala Qabto.

Manta Dalkeenu Wax Uu Haystaa Dawlad Madxbanaan Oo Wax La Qaban Karaysa Una Heelan In Ay Dhalinyaradeeda Wax La Qabato Horuna Mariso In Ay Duruufuhu Xidhaan Mooyaane , Hadaba Waxaan Dhalinyarada U Soo Jeedinayaa In Ay Gacmaha Is Qabsadaan Una Soo Jeestaa Wadan Kooda Iyo Waliba Wadaniyada.

Waxa Kale Oo Halkaas Kahadashay Marwadii Hore Ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahur Oo Halkaas Tacsi Uga Dirtaya Intii Ku Dhimatay Illahay Na Naxariis U Waydiisay Mwax Kale Oo Ay Hambalyo U Dirtay Dhalinyaradii Soo Qabanqaabisay Munaasibadan Hadladeediina Waxaa Ka Mid Ahaa ?Manta Aad Ayaan Ugu Farax Sanahay Iyda Oo Aan Sidii

Hala Ilaaliyo Qarankan Mudada 21 Sano Lasoo Dhisaya Waad Arkaysaan Wax Manta Dunida Ka Holcaaya?

Ugu Danbayntii Wax Lakaas Ka Hadlay Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal Wax Isgana Hadaladiisi Kamid Ahaa?Run Ahaan Farxad Ayay Ii Tahay In Aynu U Dabaal Dagno Malin Qiima Wayn Kule Dhalinyarada Somaliland Iyo Waliba Guud Ahaan Dalkeena .Wax Kale Oo Farxad Inoo Ah In Manta Aynu Ku Dabaaldagno In Dhulkii Aan Cidi Istagi Jirin Ama Laba Qof Kuwad Hadli Jirin Ee Lagu Cabudhin Jiray Laguna Cadaadin Jiray In Manta Aynu Ku Naalonayno Nabad Galyo Iyo Xoriyad ,Waxaan Ila Tahay Shaqsi Kasta Intaas Ayaa Kaga Filan Guusha Aya Maalintani Horseeday Soona Hooysay .

Waxa Aynu Leenahay Dadkii Usoo Halgamay Kuna Geeriyooday In Uu Illahay Naxariistiisa Siiyo ,Kuwa Kale Ee Noolana In Ay Dunida Ku Waaraan Barwaaqo Iyo Caafimaad,Waxkale Oo Aan Halkan Uga Duwaynayaa Dhalinyaradii Ururkii Ufo Ee U Badnaa Dhakhaatiitra Iyo Macalimiinta Oo Ay Qaar Maantaba Noolyihiin In Tiidhimatayna U Naxariisto Intanoola Cisi Iyo Sharaf Ku Noolaadaan,Waxa Kale Oo Aan U Ducaynayaa Madxwaynayaashii Somaliland Ee Geeriyooday In Ay Ayagana Uu Ilaahay U Naxariisto Intii Ay Katageena Iyo Walba Shacabkana Samir Iyo Iiimaan Kasiiyo.

Isga Oo Wasiirku Siiwata Hadlkiisa Waxa Uu Yidhi

“Dhalinyaradii Xiligaa Kaqayb Qaadatay Dhagxtuurka Qarkood Oo Halkan Tagan Kuna Leh Dalka Taariikh Aan Duugoobin,Ayaa Malintaas Wax Ay Rabeen In Hadii Aanay Qori Iyo Xabad Toona Haysan In Ay Dhagax Ku Xoreeyaan Dalkooda Iyodadkoodaba, Iyaga Oo Kala Hortagay Quwadii Xilgaa Dalka Ka Talinaysay.

Wax Hubaala Dhalinyarada Had Hortayda Taagani In Aanay Jirin Xiligii Halganka Loo Gaba Xidhay Oo Aanay Waxba Ka Garanayn ,

Oo Ay Ku Caqliyaysteen Dal Xora ,Waa In Aynu Ilashana Nabd Galyada Iyo Horumarka Dalkeena Dhinacna Aad Uga Soo Wad Jeed Sataan Dhalinyaroy .

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

abdiaziiz@hadhwanaag.org

Source: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: