Magaalada qadiimiga ahee Bulaxaar oo laga furay Iskuul Boordhin ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSl Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo wefti ay hoggaaminaysay oo ka tirsan xukuumadda JSL iyo qaybaha bulshada

 

Wasiirka Waxbarashada oo ugu horayn munaasibadan ka hadashay inay dhagax-dhigayso dugsigan

Weftigan oo wasiirka Waxbarashada ay ku weheliyeen Wasiirka Madaxtooyada JSl Mudane Xirsi X. Cali Xasan, Suldaan Siciid Maxamuud Maxamed, iyo dadweyne ayaa waxa ku soo dhaweeyay xarunta guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Saaxil , maamulka degmada Bullaxaar Bullaxaar oo uu ugu horreeyay Guddoomiyaha degmada Maxamuud Qawdhan Ayax, madax-dhaqameed, odayaal iyo dadweyne ka soo jeeda degmada Bullaxaar.

Wasiirka Waxbarashada oo ugu horayn munaasibadan ka hadashay inay dhagax-dhigayso dugsigan oo ay Wasaaradda iska kaashanayaan Jaaliyadda degmada Bullaxaar ee dalka UK, isla markaana uu dhismaha dugsigan boarding-ka ahi waxka tari doono mustaqbalka carruurta yaryar ee ku tabaalaysan dhulka gubanka ah. Wasiiraddu waxay sheegtay inaanay wasaarad ahaan iyagu dhisin dugsiyada boarding-ka ah balse ay wasaaraddu bixin doonto macalimiinta, qalabaynta dugsiga iyo dhammaan wixii agab iyo adeeg ah ee dugsigu u baahanyahay. Waxa kale oo ay Wasiiraddu sheegtay inaan la dhagax dhigayn oo kaliya balse sidoo kale bixiyeen qandaraaska dhismaha dugsiga oo shirkiddii ay siiyeen immikaba bilaabayso dhismaha dugsiga Bulahar Boarding School Construction.

Waxay ugu dambayntii u mahadcelisay wasiiraddu jaaliyadda u dhalatay Bullaxaar ee soo caawisay dhismaha dugsigan, waxanay dhiirigelisay iskaashiga iyo waxwada qabsiga bulshada.

Wasiirka Madaxtooyada JSl Mudane Xirsi X. Cali Xasan oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa ugu horayn u mahadceliyay jaaliyadda bullaxaar ee dugsigan ku soo tabarucay dhismihiisa, isla markaana ballanqaaday inay xukuumadda JSl taageri doonto mashaariic horumarineed oo ay ugu horrayso bannaynta boqcaddii bullaxaartii hore oo kaymo garan-waa ahi ka baxeen, isla markaana ah ay tahay goob taariikhi ah oo ay ku aasanyihiin aasaar badan oo qadiimi ahi. Wasiirku wuxu sheegay inay eegayaan sida ay boqcaddan bullaxaartii hore qarisay kayntu iyo sida loo banayn karo.

Waxa isna munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Mudane Cali Maxamed Cilmi oo sheegay inay degmada Bullaxaar nasiib u yeelatay inay noqoto degmadii u horraysay ee yeelata dugsi boarding ah gobolka Saaxil, waxanu u mahadceliyay jaaliyadda reer bullaxaar ee maalgelisay dhismaha dugsigan, waxanu dhiirrigeliyay waxwada qabsiga iyo iskaashiga bulshada ee horumarinta dalka.

Waxa iyaguna munaasibaddan ka hadlay maamulka degmada Bullaxaar, qaar ka mid ah madax-dhaqameedada iyo odayaasha degmada Bullaxaar xubno ka mid ah kuwaasoo u mahadceliyay jaaliyadda u dhalatay degmada Bullaxaar waxqabadkan soo maalgelisay iyo weftiga ka Wasiiraddu hoggaaminaysaba.

Si kastaba ha noqotee, waxay tani noqonaysaa waxqabadkii ugu weynaa ee dadweynaha u dhashay Bullaxaar soo taraan degmadooda iyo dadkooda baahan, sidoo kalena markii ugu horraysay ee wefti miisaankan lihi u tagaan Bullaxaar waxqabad noocan ah.

Waxa la aas’aasay dugsiga Boarding ka Bullaxaar sannadkii 1959-kii, waxana ka baxay ama waxku bartay rag badan oo aqoonyanno meelo kala duwan jooga iyo qaar badan oo hormoodka iyo siyaasiinta dalka ka mid ah. Wuxu xidhnaa ama aanu jirin muddo ku dhaw afartan sannnadood.

Dugsiga Bulaxaar Boarding wuxu aad ugu rayn doonaa boqolaal iyo kumayaal carruurta ayniga dugsiga gaadhay ee dadweynaha xoola dhaqatada iyo danyarta ah ee degmada Bullaxaar ee aanay hore ugu suurtagalayn inay carruurta u reeban waxbarashada, waxanay taasi sababi jirtay in xilliga barwaaqada dhulku yahayna ay ardayda dugsiga korodho, marka laga guuro gubankana ay yaraadaan.

Dhinaca kale, magaalada Bullaxaar waxay ka midtahay deegaanada ugu qadiimisan ama taariikhda fog ee JSL sida Saylac oo kale, waxanay wakhti ka mid ahayd dekedaha dalka jiray iyo magaalo xadaarad saraysa iyo ganacsi leh oo gacanka aad ugu xidhnayd.

Haseyeeshee, dabaylo aasay magaalada kadib, waxa dhacday inay dadkii uga soo guuraan magaalada Hargeysa balse sida uu wasiirka Madaxtooyadu sheegay waxa ku aasan taariikh badan iyo aasaar qadiimi aah halkii ay ku taallay Bullaxaartii hore ee aasantay oo dhul illaa 3km2m, kuna dhaw halka ay xarunta degmada Bullaxaar immika tahay.

Gabiley News Desk


Published: 2013-02-19

Source: GabileyNews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: