Waryaha madaxtooyada Somaliland ee tv: ga qaranka u soo warama Wariye Maazim Ahmed Awale

Wasiirka Arimaha Dabada Somaliland Oo Ka Dhawaajiyay Waajibaadka Shaqo Ee Weriye Maazim Ahmed Awale.

 

Wariye Maazim Ahmed Awale oo waa nin da’yar oo ka hawlgala tvga dawlada ayaa tanyo intii ….

Hargeysa GNS)- Hadalkan ayaa wasiirka kaso baxay afkiiisa mar uu isla wariyaas uu siinayay waribixin ku saaabsan dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyay ee waftiga madaxwaynaha .
559732_3922152191900_1516372604_n
Wariye Maazim Ahmed Awale oo waa nin da’yar oo ka hawlgala tvga dawlada ayaa tanyo intii madaxweyne siilaanyo uu qabtey talada dalka mudadaas ayuu Maazim si joogto ah usoo gudbin jirey wararka Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxtooyada.

balse waa markii ugu horeysay ee wariye ka tirsan Warbaahinta ku hadasha afsoomaliga uu si gaar ah u raaco Waftiga Madaxweyne Siilanyo wax ka baxsan qaarada Africa, iyadoo sidaas ay jirto ayaa hadana safarkan uu ahaa mid ka duwan safaradii hore ee Madaxweyne Siilaanyo dalka dibada uga bixijirey hase yeeshee aan laga heli jirin warar isdaba joog ah iyo dhaqdhaqaaq kasta oo Ay sameeyan balse marka ay dalka dib ugaso laabtaan ay warbaahinta soo hor fadhiisan jireen iyago ka sheekeeya wixii uso qabsoomeyiy cidii ay la kulmeen iyadoo sawir iyo cadeyn toona laga heyn sida badan.
166770_3928474149945_330926939_n
Wariye Maazim waxuuu ku guuleystey in talaabo talaabo uu uso gudbiyo warbixinaha waftiga Somaliland ee Turkiga isaga oo kali ku ah duubista kamarada, editing-ka wararka iyo codayntoodaba, waxa lagu xasuusta wariye Maazim warbixinihii uu kaso diyaariyey safaradii Madaxweynu ugu kala bixayay munaasibadii madaxbadanaanida Koonfurta Sudan, wadamada dariska ah Sida Jabuuti, Itoobiya iyo safarkii dhamaan gobolada Somaliland.

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii masuuliyiinta waftiga ay ogaadeen muhiimada ay leedahay warbaahintu iyo muhiimada ay leedahay in lahelo warkasta oo ku saabsan safarada Madaxweynaha, waxa la rajeynaya in Maazim Ahmed Awale uu noqon doono wariyaha Madaxweynaha ku wehelin doona safarkasta oo uu wadanka dibada ugabaxo.
578138_3928474869963_862437092_n
Gabiley News Desk
Contactgabiley@yahoo.com
Hargrysa office


Published: 2013-03-16

Source: Gabileynews.

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: