Daawo barnaamijka xiisaha leh waa garoonka kubada kolayga ee Tima Cade Hereri iyo Hargeysa

Waryaha weyn ee Cabdisalaan Hereri oo ah wariye weyn oo caana, aadna looga jecel yahay geyiga ay soomaalidu degto, ayaa marba marka ka danbaysa soo deynaya barnaamij aad  iyo aad u xiiso leh. Barnaamijka waxa uu i xasuusiyey maadaama aan degennaa xaafadda Gacan Libaax ee magaalad Hargeysa. Waxaa jirtay in Basket ka, lagu ciyaari jiray wakhtiyadii 80 sannadkii, waxda gacan LIbaax ee ka soo horjeeda dawladda hoose ee Hargeysa. Waaxdaa wxaa immika laga dhigay geerash ay dawladda Hoose ee Hargeysa leedahay. Anagoo yar yar ayaanu ku ciyaari jirnay marka aanay ciyaaray lodka naga waa weynaa.

Waxaa aan berigaa ka xasuustaa oo kubada kolayga  ee waaxdaas Gacan Libaax, u ciyaari jiray, oo aan aad u sii xasuusanahay waa maareeyaha Tv: Ga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xasan Cali Gaas, oo marna kubadda cagta ku ag ciyaari jiray isaga iy lodkii anga waaweynaa , wadada carwadda ee dhinaca galbeed. Waxaa runtii igu cusub caawa in uu Cabdisalaan Hereri, isan berigaas kubadda  kolayga ku ciyaari jiray waaxda gacan- Libaax. Waxa aan xasuustaa maalin maalmha ka mida 1982 qiyaastii, anaga oo daawanaya ciyaar ka socodtay waaxda Gacan-libaax oo aad u siiso badnayd, oo ay wada ciyaarayeen Gacan- Libaax iyo qolo kale, ayaa anaga oo ciyaartii daawanaya, oo taarabuunka fadhina, maqalnay sawaxan dibada ka yeedhaya, mar kaliya, ayaa dadkii daawanayey ciyaartii xiisaha lahayd iyo labadii kooxood ee wada ciyaaraysay dibedda garoonka waaxda Gacan Libaax dibedda markaliya loo soowada baxay.

Markii aanu dibedii u soo wada baxnay ayaa waxa ay indhahaygu qabteen dhallinyaro tiro badan oo carwadaa dhinaceeda waqooyi oo bannaanbax socoda samaynaya, mudaharaad. In yar  ka dib waxa ay soo mareen wadadii carwada ka qabanaysay dhinaca galbeed, waa dhawr boqol oo dhallinyaro  u badan. Dadkii ka soo baxay garoonkii kubada kolayga iyo ciyaaryahaniintiiba waxa ay ku biireen mudaharaadkii. Tiradii way sii badatay. Waxaana lagu mudaharaadayey dawladdii macangagta ahayd ee Siyaad Barre hogaaminayey. Xusuusnoow akhristoow dhawr cisho ka hor ayey dawladdaa Siyaad Barre rasaas ku dishay arday faro badanoo u badnaa ardeydii dugsiyadda sare dhiganaysay. Waana maalmihii UFO, soo abuurmaysay, SNM. la aasaasay.

Waxaa habbon in dhacdooyinka taariikhiga ah ee dalkenna ka dhacay wax badan laga qoro.  Dhacdadan aan ka sheekaynayo. waxa  imminka ka soo wareegtay muddo 31 sanno.

Cabdiraxmaan Sacad Yaasiin

©Somaliland1991

Daawo sawirrada madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayey oo dalka Ingiriiska ku soo noqday

551293_10151451171518800_1637069715_n-1

946535_10151451181573800_872876816_n

374716_10151451176538800_1792074731_n-1

 

Halkan ka dhegeyso waraysigii VOA Somali la yeelatay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

551293_10151451171518800_1637069715_n-1 Raysal-wasaarihii hore ee dalka Kenya, Roila Odinga oo London kula kulmay madaxweynaha Somaliland, Siilaanyo.

Halkan ka dhegyso waraysigaasi!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

http://www.voasomali.com/audio/audio/279606.html

Halkan ka akhriso waraaq uu wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilahi Cumar u qoray UN

Boobe Yuusuf Ducale iyo Qormadiisii 2aad Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh

weli timahaagu waa madow e?.? Inta uu ilko-caddeeyay oo madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: ?Jihaadka ayaa idin caddeeyay.?

Inta uu ilko-caddeeyay oo madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: ?Jihaadka ayaa idin caddeeyay.? Waxa ay ahayd markii iigu horreysay ee aan noloshayda gacan-qaado lana sheekaysto.

1968 Press Photo Afro-American Institute,  President Waldemar Nielsen and Ibrahim Egal

President Egal

Intii danbe Boorame ayaan kula kulmi jiray oo muddo bilo ah uu ka socday Shirweynihii 1aad ee Guurtidu oo Cigaal loogu doortay Madaxweyne, Meey 1993kii. In badan ayaanu halkaa ku kulannay oo ku sheekaysannay, bal se aan u gudbo dhacdada aan

u socday oo ah mar aanu Addis Ababa wada tagnay bishii Maarj 1993kii.

 

Maarj 1993kii waxa magaalada Addis-Ababa lagu qabtay wareeggii 2aad ee shirar ku suntanaa Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabiyeen Qarammada Midoobay oo beryahaa Xoghaye Guud uu ka ahaa Butrus Qaali oo ku dhex ambaday Qalalaasaha Soomaaliyeed, raad-gadka loo maareyn la? yahayna kaga tegay.  Wareeggii 1aad waxa la qabtay bishii Jeeniweri 1993kii waxaana ka soo qayb galay Butrus Qaali iyo wefdi uu hoggaaminayay, si aan mugdi ku jirinna waxa u muuqatay sida aan qarsoodiga ahayn ee Butrus Qaali u af-duubayay qadiyadda Soomaaliyeed. Shirarkaa waxa isugu iman jiray Ururrada Siyaasadeed ee Soomaaliya, ururka SNM-na waxa uu u tegi jiray goob-jooge ahaan. Labadaa shirba waan ka qayb galay.

 

In yar haddii aynu dib u noqonno, 1991kii markii Somaliland lagu dhawaaqay Cigaal mar ayuu soo gaadhay Burco oo lagu shirsanaa. Isla sannadkaa, Jabuuti waxa uu kaga qayb-galay laba shir oo ahaa dibuheshiisiin Soomaaliyeed oo go?aammadii ugu mudnaa ee ka soo baxay aynu ka xusi karno:

 

  • Dastuurkii 1961kii oo lagu dhaqmo,
  • Cali-mahdi oo loo doortay Madaxweyne ku-meel-gaadh ah,

 

Cigaal shirarkaa ka dib waxa uu ku noqday dalkaa Imaaraadka Carabta oo uu deggenaa, wax hawl siyaasadeed ahna kuma uu lug lahayn. Waxa kale oo jirtay in Cali-mahdi markii uu Muqdisho ku noqday uu dhisay dawlad uu Cumar Carte Qaalib ka noqday Ra?iisal-wasaare, kaas oo Golihiisii Wasiirrada ku soo daray Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Xukuumaddaa Cigaal kama uu qayb gelin.

 

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu yimid Somaliland 1993kii markii uu Shirweynihii Guurtidu ka socday magaalada Boorame, halkaas oo uu mar kale ka bilaabay hawlihiisii siyaasadeed ilaa 3/5/2002da oo uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalkaa Koonfur Afrika.

 

Aan u soo noqdo shirkii 2aad ee Maarj 1993kii iyo Addis-Ababa. Saddex wefdi ayaa Somaliland uga aqyb galay: wefdi SNM ka socday oo aan hoggaaminayay, wefdi Guurtida ka socday oo uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Nuux, marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo rag kalena ka mid ahaayeen oo 20 xubnood ahaa iyo wefdi ka socday ururrada samo-falka oo uu hoggaaminayay Yuusuf Xirsi Galow.

 

Dhaqan ahaan wefdiyada rasmiga ah ee Ururrada waxa la dejin jiray Hotel Ghion. Halkii ayaanu ku degnay. Wefdigii Guurtida waxa lagu dejiyay Hotel Afrique. Waxa aan xusuustaa Cigaal oo galab noogu yimid Hotel Ghion. Waxa uu xidhnaa surwaal boor ah iyo garan bunni madow xiga ah oo ku giigsan. Waxa uu sitay shandad yar oo ?samsonite? ah oo maas ah oo cas. Shandaddaa Boorame waa uu ku haysan jiray, markii uu Madaxweynaha noqdayna xafiiska ayuu ku haysan jiray.

 

Markii uu Hotel Ghion soo galay annaga oo halkaa degganayn ayuu noo yimid. Hawl ayuu Hotel Ghion u yimid waxa aanay la noqotay inta aanu hawl gelin in uu horto na arko oo noo sheego hawsha uu u socdo, ka dibna ku hawl galo waxa aanu ku heshiinno. Wax la yaab leh ma ahayn. Waa siyaasad iyo caadadeed. Cigaal ma uu jeclayn in aanu meel kale ka maqallo waxa uu wado, bal se waxa ay la noqotay oo uu ku hagaagsanaa in uu nala socodsiiyo hawsha uu u socdo. Intayadii halkaa degganayd ee ahayd wefdiga rasmiga ah ee SNM iyo Cigaal ayaanu meel ku wada fadhiisannay. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Waxa uu yidhi:

 

?Adeer, waxa aan halkan galabta u imid in aan arko qaar ka mid ah madaxda wefdiyada Ururrada Soomaaliya oo aanu afka is-gelinno inta aan shirka si rasmiya loo furin. Waxa aan doonayaa in aan ku qanciyo haddii ay ila qaataan in shirkani hawlihiisa ku koobo Soomaaliya oo aan shirkan lagu soo qaadin arrinta Somaliland. Sidaa darteed ayaan idiin ku imid si aan idiin la socodsiiyo oo aanan ugu dhaqaaqin wax aydaan la socon.?   

 

Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo ahaa Guddoomiyaha SNM nala ma socon, aniga oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa markaa ahaa madaxa wefdiga SNM oo si ku-meel-gaadh ah u masilayay Guddoomiyihii SNM oo aan goobta joogin. Waxa kale oo jirtay intii aanaan Boorame ka soo ambo-bixin in Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Guddoomiyaha SNM iyo Madaxweynaha Somaliland uu warqad rasmiya noo soo dhiibay taas oo uu ku soo qoray in uu Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal madax u yahay wefdiyada Somaliland ee shirka ka qayb gelaya.

 

Aynu ku noqonno Hotel Ghion iyo kulankii gaabnaa ee aanu Cigaal galabtaa la yeelannay. Markii uu Cigaal hadalkii ka baxay naxdin iyo khajilaad ayaa nagu habsatay. Da?dayadii iyo da?dii Cigaal ayaanu isu eegay. Waayo-aragnimadiisii iyo taayadii ayaanu isu eegay. Waxa aanu la yaabnay su?aashan uu na weydiiyay. Haddana is-la markiiba waa aanu garawsannay in ay daw ahayd. Markiiba aniga ayaa hadalkii qaatay:

 

?Adeer hawshan aad u socoto waxa aanu u aragnaa mid inoo wada dan ah. Waa hawl aad ku dhaqaaqi karto waxna ka ma qabno. Waxa kale oo aanu kuu sheegaynaa in aanad u baahnayn mar walba in aad noo timaaddo ee marba wixii aad dan mooddo ku dhaqaaq, adiga oo aan nasoo wargelinna ogsoonow in aanu kugula jirno.?

 

Miiskii intii aanaan ku kala kicin ayaanu is-la eegnay madaxda wefdiyada ee uu la kulmayo iyo meelaha ay deggan yihiin. Waxa aan ka sii xusuustaa in aanu is-la qaadannay in la arko: Caydiid, Cali-mahdi, Cabdillaahi Yuusuf iyo qaar kale. Hawshii isaga ayaanu u daynay oo ku dhaqaaqay. Galabtaa aanu Hotel Ghion ku kulannay isaga oo ogsoonaa in aan wefdiyada Somaliland wax kharash ah la soo siin, waxa uu nagu yidhi:

 

?Adeer, laba kun oo Doollar ayay niman aanu xidid nahay sooryo iigu keeneen, ee aan wax idin ka siiyo.?

 

Mar kale ayaanu haddana naxnay. Waxa aan ku idhi:

 

?Adeer, annaga ayaa kaa galaangal roon e?, iska hayso waxba waayi meynno e?.?

 

 

Shirkii ayaa si rasmiya loo furay. Dhaqan ahaan maalintaa furitaanka shirarku hawl ma qabtaan ee wefdiyada rasmiga ah ee dawladaha, Ururrada Goboleed, kuwa caalamiga ah iyo Ururrada Soomaaliyeed ayaa ereygooda yidhaahda. Markii ay kuwii ajnebiga ahaa hadleen, ayaa waxa dhankii wefdiga SNM fadhiyay u soo dhaqaaqay nin reer Simbaabwi ahaa oo la odhan Liyonaardo Kapuungu oo la-taliye siyaasadeed u ahaa Wakiilkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya. Aniga oo madaxa wefdiga ahaa ayuu igu soo dhawaaday isaga oo warqad yar sita. Isaga oo warqaddii ii dhiibay waxa uu ii raaciyay:

 

(la soco??????.)

 

 

 

 

Halkan ka daawo warkii tv:ga qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

©Somaliland1991

Halkan ka akhriso qado sharaftii loo sameeyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa Dinner Discussion with His Excellency Ahmed Mahamoud Silanyo, President of Somaliland

Waxaa shalay qado sharaf loogu sameeyey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayey oo beryahanba ku jiray hawl shaqo qaran, wakhtigan xaadirka ahna ku sugan caasimadda dalka USA (Maraykanka). Haddaba qado sharafka waxaa ka soo qayb galay ganacsato iyo tujaar u dhalatay dalka Maraykanka. Waxaana ay doonayaa in ay dalka Somaliland maal-gashadaan. Haddaba waxaa halkaa lagu soo dhaweeyey oo khudbad ka jeediyey, madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo.
Dinner Discussion with His Excellency Ahmed Mahamoud Silanyo, President of Somaliland Email a Colleague
BCIU is pleased to announce a Dinner with
His Excellency Ahmed Mahamoud Silanyo
President
Republic of Somaliland&

H.E. Hersi Ali H Hassan, Minister of Presidential Affairs
H.E. Mohamed A. Omar, Minister of Foreign Affairs & International Co-operation
H.E. Saad Shire, Minister of Planning & Development
H.E. Hussien A. Duale, Minister of Mining, Energy & Water Resources
H.E. Osman Abdilahi Sahardiid, State Minister of Finance
H.E. Rashid Garuf, US-Somaliland Ambassador

Thursday, April 25, 2013
7:00 p.m. – 9:00 p.m.
Washington, DC

Hosted by 
Milhouse Engineering and Construction

**SPACE IS LIMITED. To register please contact Mac Skelton at 212-490-0460 or m-skelton@bciu.org**

Biographical Details

President Silanyo unseated incumbent Dahir Rivale Kahin in Somaliland’s June 26, 2010 election to become the constitutional head of Somaliland.  President Silanyo earned a master’s degree in economics from the University of Manchester in 1965.  He returned to Somalia to serve the Republic Government’s Minister of Planning, Coordination, and Commerce, and as Chairman of the Republic’s National Economic Board.  He went on to senior leadership positions in the Somali National Movement through the period which led to Somaliland’s 1991 declaration of independence from Somalia in May of 1991 to the present. Prior to his election as President, he served in the Somaliland Government as a Member of the House, Minister of Finance, and Minister of Planning and Coordination.

Date: Thursday, April 25, 2013
7:00 PM – 9:00 PM
Place:
Participation Fee: $0 members or non-members
BCIU Contact: Mac Skelton
Event Description:
Copyright © BCIU, All rights reserved.

Dhirbaaxo weyn oo ku dhacday Cali Galaydh iyo xulafadiisii Somaliland necbayd, Mooshinkii uu soo dhigay ee heshiiskii Somaliland iyo Somalia oo la diiday in laga doodo

shir maanta ka dhacay baarlamanka dawladda Federaalka Somalia oo la doonayey in laga doodo mooshin uu soo mid kamida cadawyga Somaliland

Cali Khaliif Galaydh iyo dhawr uu soo xulafaystay ayaa maalintii uu heshiisku ka dhacay, caasimadda Turkiga ee Ankara, 13 April. Heshiiskaa oo uu Cali Galaydh ku tilmaamay mid dawladda federaalki aqoonsatay Somaliland. Waxaanu ku doodayey in arritnaasi tahay mid khaldan, mooshin uu keeni doono baarlamanka. Haddaba shir-guddoonka baarlamanka Federaalka Somalia ayaa ku gacan-saydhay mooshinkaa uu watay Cali Galaydh.

Dawladda Federaalka somalia, waa in ay talaabbo adag ka qaado dhinaceeda qofka carqaladayna heshiiskii ay wada galeen labada dal  ee Somaliland iyo Somalia.

war amuurtaas ku saabsan halkan hoose ka akhriso anagoo (Somaliland1991) ka soo xiganay Hiiraan Online.com

©Somaliland1991

Guddoonka Baarlamaanka oo sharcidarro ku tilmaamay in laga keeno Mooshin Heshiiskii dhexmaray Somalia iyo Somaliland

Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday mooshin laga keenay heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyagoo sheegay in mooshinkaas uu ka horimaanayo dastuurka dalka, sidaa daraadeedna aan laga doodayn.

Kulan uu maanta yeeshay baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hadalka ka sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, isagoo xusay in xildhibaannadu ay dalban karaan in dadkii ka qaybgalay ay horyimaadaan baarlamaanka, balse aan heshiiskaas laga hadli karin.

“Barnaamijka xukuumadda ee la meel-mariyay 13-kii Novmber 2012, wuxuu xukuumadda siinayaa awood ay ku qabsato howlaha siyaasadda dalka, sidaa daraadeed golaha baarlamaanku ma faragelin karo howlaha xukuumadda ee dhinaca siyaasadda,” ayuu yiri Cawad.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inaysan ka doodi karin war-murtiyeedkii ama heshiiskiii kasoo baxay shirkii Somalia iyo Somaliland wuxuuna xusay in xukuumadu ay xor u tahay inay ku matasho Soomaaliya arrimaha siyaasadda.

“Xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay waxaan ku leeyahay mooshinkan ma ahan mid sharciga waafaqsan sidaa daraadeed loogama hadlayo shirka baarlamaanka arrintaas, balse waxaad xaq u leedihiin inaad u yeertaan qaar ka mid ah xubnihii ka qaybgalay si aad su’aalo u weydiisaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay dhawaan u gudbiyeen baarlamaanka ka hadalka heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somailand, kaas oo ahaa mid iskaashi oo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in la wadaago deeqaha dibadda laga helo iyo ka shaqeynta ammaanka.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah u diidaan mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, waxaase jirta in dhawaan uu guddoomiyaha baarlamaanka ku wargeliyay xildhibaannada in dib loogu soo laabto ka hadalka qodobkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

Madaxweynha Somaliland iyo weftigii u hogaaminayey oo la kulmaya wasiir ku xigeenka arrimaha Dibeda ee USA (Maraykanka)

 

Waftigii madaxwayne silanyo Hogaaminaayey oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry


 April 26, 2013
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) Wuxu la Kulmay Madax sar-are oo State

 Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) Wuxu la Kulmay Madax sar-are oo State Department-ka ah, oo ay ka mid ahayd. Marwo magaceeda la yidhaahdo Wendy Sherwin oo ah sarkaalada ku xigta Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry.

lankaasi uu Madaxwaynaha iyo weftigiisu la yeesheen Madaxda sar-sare ee State Department-ka ayaa madaxweynuhu ugu horayn Waxa uu kala hadlay dawlada Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan, khaasatan dhinaca nabad-gelyada waxaanu waydiiyay mar hadii dawlada Maraykanku ay aqoonsatay Somaliya, inay arrintaasi wax saamayn ah Ku leedahay

xidhiidhka labada waddan ee Somaliland Iyo USA? Iyo in dawlada Maraykanku ay Somaliland ka caawiso sidii Somaliland uga heli lahayd xubin sharafeed ururada IGAD, AU, UN Iyo Kuwa kaleba.

Dawlada Maraykanka oo ay u hadlayeen Marwo Shermin Iyo Mudane Don Yamamto oo ah madaxa qaybta Africa, waxay waftiga madaxwaynaha u xajiiyeen in xidhiidhka Somaliland iyo USA aan wax isbedel ah aanay Ku keeni doonin aqoonsiga ay USA aqoonsatay Somalia. Waxay kaloo waftiga ay u sheegeen inay diyaar la yihiin heshiis dhinaca nabad-gelyada ah oo cusub, kaas oo ay Somaliland diyaar ula yihiin ka maraykan ahaan. Kaas oo wakhtiga dhow la suurto gelin-doono.

Waxay kale oo Marwo Shermin ay u sheegtay waftiga in Maraykanku ka caawin doono Somaliland doorashada soo socota Iyo waliba caawimadii sannadlaha ahayd ee ay hore u bixin jireen oo ay Kor u Qaadi doonaan hada. Waxay kale oo ay sheegtay shower-teen in ay ka qayb qaataan sanduuqa Somaliland.

Markii shirku dhamaaday Madaxwaynaha Iyo waftigiisa waxa loogu samaayay Wasarada Arrimaha Dibada qado sharafeed ay ka soo qayb galeen shaqaale sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada qaybteeda Africa.

 

Rashid Nuur Gaaruf

Wakiilka Somaliland ee USA

©Somaliland1991

 

Sawirka maanta daawo abuurta Ilaahay swc Cir+Cadceed+ Daruuro+Buuro+Bad+Dad

Waxa aanu maanta akhristayaashada us oo xulnay sawir aad iyo aad u qurux badan oo aad inoogu iftiiminaysa abuurta awood ee  uu Ilaahay leeyahay swc (subxaana wata caalaa)

Sida aad sawirka ka aragtaan.  Cir+Cadceed+ Daruuro+Buuro+Bad+Dad

Cir+Cadceed+ Daruuro+Buuro+Bad+Dad

©Somaliland1991

Daawo barnaamijka Hereri & Hargeysa waa magaalada Xiis iyo Maydh waa barnaamij xiiso leh daawasho wacan

©Somaliland1991

Somaliland backs international intervention in troubled Somalia (BBC News)

Somaliland backs international intervention in troubled Somalia

Cannot play media. You do not have the correct version of the flash player. Download the correct version

23 April 2013 Last updated at 11:13 GMT Help

Somalia and Somaliland have been attending reconciliation talks brokered by Turkey, which is trying to extend its influence in the horn of Africa area by helping diplomatically and giving aid.

Somaliland broke away from the rest of Somalia in 1991 but while it has been far more stable than its southern neighbour, its independence has not been internationally recognised.

Its President, Ahmed Silanyo, spoke to the BBC’s Mark Doyle about relations with Somalia.

Source: BBC News

©Somaliland1991

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa dadkii ku geeriyooday shil-baabuur

IMG_9771

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa dadkii ku geeriyooday shil-baabuur oo maanta (24.04.2013) ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Gabiley kaas oo keenay qasaare xoogleh oo naf iyo maalba leh, kuna geeriyoodeen tiro dhan sideed  (8) ruux , kuna dhaawacmeen todoba (7) ruux o kale.

 

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa dadkaasi ku geeriyooday shilkaasi inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka bexeena Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

 
Inta ku dhaawacantayna waxa uu madaxweyne ku xigeenku u rajeeyey inuu ALLE ka shaafiyo dhaawaca soo gaadhay.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
       Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Photo source: GabileyNews

 ©Somaliland1991

Halkan ka daawo video + sawirro shil baabuur oo ila 8 qof kud hinteen qaar kalena ku dhaawacmeen oo duleedka Arabsiyo ka dhacay

Faahfaahin Dheeraad Ah: Shil Baabuur oo oo Sababay Dhimashada 7 Ruux iyo Dhaawac Badan oo Saaka ka Dhacay Tuulada Carro yaambo ee Degmada Arabsiyo.

IMG_9771

Shirkani oo ay ku geeriyoodeen 7ruux oo kala ah 4haween ah iyo 2 caruur, iyo 1nin…… Daawo Sawiradda

Gabiley(GNS) shilbaabuur oo aad u naxdin badanaa ayaa maanta ka dhacay tuulada caro-yaabo ee katirsan degmada arabsiyo ee gobolka gabiley. Abaaro 12:40 saacada geeska africa markii ay ahayd ayaa shilkani ka dhacay.
IMG_9769
shilkani oo ay sababeen labo baabuur oo isku dhacay oo uu mid ahaa baabuur xamuul oo sidey raashin mucaawano ah ee dalka Turkigu ku caawiyey Somaliland kuna sii jeedey gobolka gabiley, halka gaadhiga kale uu ahaa gaadhi dhayne ah oo muus kasoo qaadey degmada Tog-wajaale,kuna sii jeedey caasimada hargeysa.

Read the rest of this entry »

Halkan ka daawo warkii maanta 24 April 2013 tv:ga qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

©Somaliland1991

Halkan ka daawo Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo booqday senat-ka USA iyo wasaaradda gaashaandhiga ee Pentagon

Washington,D.C(SLNTV):madaxwaynaha somaliland oo ku gudo jira kulnaka uu la yeelanayo madaxda marayknaka, ayaa maanta waxa uu aqalka baarlamaanka ee capitol hill kula kulmay senator iyo Saraakiil ka tirsan xarunta ciidamada ee Pentagon-ka. Kulankan oo aan saxaafadda loo diiday in ay wax ka soo tebiyaan.

Source: SLNTV

IMG_1128

IMG_1127

IMG_1123

771

Somaliland1991

Shirkadda soo saarta saliida iyo batroolka ee DNO International oo Somaliland la gashay heshiis ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay heshiiskaasi

IMG_1093

Shirkaddan DNO ee soo saarta saliida iyo bartoolka ee laga leeyahay dalka Norway, ayaa heshiis maanta la gahsay dalka jamhuuriyadda Somaliland. Heshiiska oo ka dhacay caasimadda dalka Maraykanke, ee Washington D.C.  Waana heshiis taariikhiya oo ay kala saxeexdeen Somaliland iyo shirkadda DNO. Haddaba markii uu heshiiskaasi ka  dhacay Washington ayaa shirkadda DNO, war-murtiyeed ay ka so saartay heshiiskan. waanakan isagoo ku qoran af-ingiriisi

©Somaliland1991

DNO International Signs Production Sharing Contract in Somaliland

DNO International Signs Production Sharing Contract in Somaliland

Oslo, 23 April 2013 — DNO International ASA (“DNO International”), the Norwegian oil and gas company, announced today that it has entered into a Production Sharing Contract (PSC) covering Block SL18 onshore Somaliland.

The President of Somaliland, Ahmed M. Mohamoud Silanyo, and DNO International’s Executive Chairman, Bijan Mossavar-Rahmani, attended the signing ceremony in Washington, D.C. yesterday.

“This 12,000 square kilometer block adds substantial exploration acreage to DNO International’s portfolio and in an area that is both prospective and undrilled,” said Mossavar-Rahmani.  He added that Somaliland falls within the Company’s geographic and geological comfort zones. “We have been active across the Gulf of Aden in Yemen since the late 1990s.”

The Company has initiated studies on Block SL18 ahead of an extensive seismic program planned for 2014.

— DNO International ASA is an Oslo-listed, Middle East and North Africa focused, oil and gas company holding stakes in 18 licenses in various stages of exploration, development and production both onshore and offshore in the Kurdistan Region of Iraq, the Republic of Yemen, the Sultanate of Oman, the United Arab Emirates, the Tunisian Republic and Somaliland. http://www.dno.no

Oslo, 23 April 2013

DNO International ASA
Corporate Communications

Queries: Tom Bratlie (tom.bratlie@dno.no or tel: +47 905 21 904)

This information is subject of the disclosure requirements acc. to §5-12 vphl (Norwegian Securities Trading Act)

©Somaliland1991

Halkan ka daawo video+sawirro Somaliland oo heshiis la gashay shirkadda soo saarta baatroolka iyo saliida 24 April 2013

Washington,D.C(SLNTV):Xukuumada Somaliland oo heshiis la gashay shirkad shidaalka soo saarta oo laga leeyahay wadanka Norway heeshiiskan oo ka dhacay Magaalada Washington ee wadanka maraykanka , dhinaca xukuuumada waxa u sexeexay wasiirka macdanta, Tamarta iyo biyaha.

Source: SLNTV

 

IMG_1093

IMG_1102

 

IMG_1112

IMG_1114

 

 

Ethiopia will withdraw its troops from Somalia soon (Reuters)

Ethiopia says preparing to pull troops out of Somalia


Tuesday, April 23, 2013
By Aaron Maasho

Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn attends the African Peer Review Mechanism (APRM) at the African Union (AU) headquarters in Ethiopian capital Addis Ababa January 26, 2013. REUTERS/Tiksa Negeri
Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn attends the African Peer Review Mechanism (APRM) at the African Union (AU) headquarters in Ethiopian capital Addis Ababa January 26, 2013.
Credit: Reuters/Tiksa Negeri


(Reuters) – Ethiopia will withdraw its troops from Somalia soon, its prime minister said on Tuesday, voicing frustration with the Mogadishu government and African Union peacekeeping forces that are also battling Islamist militants there.

After waging an ill-fated war in Somalia in 2006-2009, Ethiopia in 2011 once again rolled troops into Somalia to fight al Qaeda-allied al Shabaab, opening a third front alongside Kenyan troops and an African Union mission.

At the time Ethiopia pledged to stay in the war-ravaged country until Somali government could ratify a new constitution and its ragtag military was able to fend off the Islamist threat on its own.

However, last month Ethiopian troops unexpectedly withdrew from Hudur, the capital of Bakool province near the Ethiopian border, enabling al Shabaab to retake the dusty town.

Hailemariam Desalegn, who replaced Ethiopia’s long-serving Prime Minister Meles Zenawi in September, stopped short of announcing a full withdrawal but voiced concern with the pace of progress in Somalia, recovering from two decades of civil war.

“It has taken them (African peacekeepers and Somalia) a year already and they repeatedly assure us each month but fail to deliver so we pulled out,” said Hailemariam, referring to pledges by African Union’s Amisom force to replace Ethiopian troops.

“The main issue now is to accelerate our complete withdrawal towards our border. This is what we are fulfilling,” he told Ethiopia’s parliament.

Hailemariam said Addis Ababa was paying for its military mission in Somalia from its own coffers and Western diplomats say financial issues are one of the main reasons behind Ethiopia’s discontent, along with strained relations with Mogadishu and Amisom.

African countries which sent troops into Somalia under the Amisom banner are compensated by the African Union but Ethiopian troops do not operate within that framework.

Al Shabaab has been greatly weakened since late September when Kenyan troops forced it to withdraw from the port of Kismayu, its last major urban stronghold.

But analysts say they doubt Ethiopia is set for a full withdrawal and Hailemariam suggested Ethiopia could continue its fight against al Shabaab, but in other parts of Somalia.

“Somalia is one of Ethiopia’s main security interest zones, so I don’t think they would change policy drastically,” said one Nairobi-based Western diplomat.

“It’s in Ethiopia’s own interest that Somalia stays intact and that gains achieved are not lost once again.”
(Additional reporting by Drazen Jorgic; Editing by Robin Pomeroy)

Source: Reuters

©Somaliland1991

Halkan ka daawo sawirrada madaxeynaha Somaliland Axmed M.M Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey Atlantic Council

 

©Somaliland1991