Magaalada Hargaysa Oo Si Heer Qarana Loogu Aasay Maayirkii Caasimada Hargaysa Marxuun Eng Yuusuf Warsame Siciid.

8 bishii  April 2013 maalin isniina

Magaalada Hargaysa Oo Si Heer Qarana Loogu Aasay Maayirkii Caasimada Hargaysa Marxuun Eng Yuusuf Warsame Siciid.

(Hadhwanaagnews) Monday, April 08, 2013
Hargeysa(HWN):- Waxa Maanta Si Heer Qarana Loogu Aasay Magaalada Hargaysa Maayirkii Caasimada Hargaysa Marxuun Eng Yuusuf Warsame Siciid Oo Maalintii Sabtidii Ku Geeryooday Cisbitaalka Ku Yaala Magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta .

Hargeysa(HWN):- Waxa Maanta Si Heer Qarana Loogu Aasay Magaalada Hargaysa Maayirkii Caasimada Hargaysa Marxuun Eng Yuusuf Warsame Siciid Oo Maalintii Sabtidii Ku Geeryooday Cisbitaalka Ku Yaala Magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta .

Munaasibada Aaska Marxuunka Ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyne Ku Xiggeenka J.S.L Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici), Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka Qaarkood,  xildhibaano,  Culimo Awdiin, Xubnaha Golaha Deegaanka Caasimada Iyo Magaalooyinka Dalka Qaarkood Iyo Dadweyne Kale Oo Aad U Tiro Badan .


0in 10pt”>Marxuun Yuusuf Warsame Siciid Oo Lagu aas-aasay Xabaalaha Xeedho ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa madaxdii iyo dadweynihii kala duwanaa ee ka qayb-galay ay ka warameen taariikh nololeedkiisii Iyo  kaalintii uu ku lahaa horumarka dalka.

Marxuun Yuusuf Warsame siciid Maayirkii Caasimada Hargaysa waxa uu ka mid ahaa Mudanayaashii golaha deegaanka ee dhawaan ku soo baxay doorashadii golayaasha deegaanka ee dabayaaqadii sannadkii hore dalka ka dhacday iyadoo duqa caasimada Hargeysa  loo doortay bishii December ee sannadkii Hore balse wax yar ka dib doorashadiisa ayaa waxa si kadisa ah ugu soo booday xanuunkan uu hadda u geeryooday.

Marxuun Yuusuf Warsame Siciid waxa uu sannadkii 1946 ku dhashay Magaalada Hargaysa isagoo waxbarashadiisii dugsiga Hoose Dhexe ku dhamaystay dugsiga Sheekh Bashiir  ee magaalada hargaysa intaasi ka dib waxa uu galay dugsigii farsamada gacanta ee Magaalada Burco

Waxa uu marxuunku ifka kaga tagay hal xaas iyo afar carruura oo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood.

Eebe Ha U Naxariisto Marxuun Yuusuf Warsame Siciid.

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

C/casiis Caydiid Cilmi(Yamani)

abdiaziiz@hadhwanaag.org

Xigasho: hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: