Muuse Dalmar, sow lamaan kulmin qalanjadii hablaha ee aan in badan ba hablaha gayaankay ka dhex goobayay. Alla wacanaa oo wanaagsanaa marka Rabi kula kulmiyo mid aad u xulatay inay noqoto xidigtii rajada iyo mataantii noloshaada.

Gayaan kala garasho duwan. Qalinkii/ Muuse Maxamuud Ciise ´´Dalmar´´

 

waxayna ku beegnayd labadii bisha Julaay. Waxa aan markaasi ka soo kacay uun hurdo

Ayaan waliba tilmaan lehe waxa ay ahayd sabti ulo badan. Waa hubaal in maalin waliba ayaantii Ilaahay tahay, laakiinse tani aniga waxa ay ii ahayd maalin amranayd. Waxa ay ahayd sabti tilmaaman oo Khadarkii nolosha ee aan muddoba raadinayay aan si dhib yar leh ula kulmay . Dadku kala nasiib badan oo waayaha iyo wakhtigaa ruuxna xidha qofna saacida’e, maalintani waxa ay ahayd maalin baal dahab ah ka gashay buugga xusuus qorka noloshayda. Alla nasiib badnaayee. Oo waayo? Oo waayadeed, sow lamaan kulmin qalanjadii hablaha ee aan in badan ba hablaha gayaankay ka dhex goobayay. Alla wacanaa oo wanaagsanaa marka Rabi kula kulmiyo mid aad u xulatay inay noqoto xidigtii rajada iyo mataantii noloshaada. Gaabsiguna waa xaaraane mid aad mustaqbal iyo guur ula holoto. Oo ileen nin faro madhani fariid maaha’e ay kuugu beeganto wakhti farahaagu dufan leeyihiin oo aad waysada u biyaysatay guur iyo inaad reer yagleesho.

Goobtu waa Hargeysa, waxayna ku beegnayd labadii bisha Julaay. Waxa aan markaasi ka soo kacay uun hurdo indho-casaysi ah ama nasasho yar oo gaaban oo aan qaatay qadada kadib. Maaddaama oo aanan ka mid ahayn inta geedka cagaaran u fadhiisata ee wakhtigooda makhaayadaha iyo gidaarada ku qaadata, waxa ii caado ah in aan qadada kadib iska nasto. Haddaba anigoo markaasi uun isku diyaarinaya salaaddii casar oo wayso u fadhiya ayuu telefoonkayga gacantu soo dhacay. Mise waaba saaxiibkay Ducaale, bariido kadib waxa uu I xusuusiyay balan aanu lahayn salaada casar kadib. Waxa uu igu wargaliyay in uu gaadhi cusub macradka kala soo baxay sidaasi darteed aan loo baahnayn in aan gaadhigayga soo kaxaysto maaddaama aanu kiisa qaadanayno. Waxa kale oo uu ii sheegay in aanu isku raaci doono jaamacadda Hargeysa, halkaas oo uu kula balansan yahay mid ka mid ah macallimiinta jaamacadda oo uu muraad u leeyahay. Hawraarsan iyo guddoon iyo waa inoo iyo bacda salaadda casar iyo masjidka hortiisa ayaanu isku nabad galyaynay.

Salaaddii markii aanu ka soo baxnayba waxa aanu u kacnay dhankii jaamacadda Hargeysa. Tiraba waxa ay ahayd markii labaad ee aan jaamacaddaas gudaheeda galee, waxa ay ii lahayd xiiso gaar ah. Waxaanan indhaha la raacraacayay qoraallada iyo magacyada ku xardhanaa gidaarrada dhismaha weyn ee jaamacadda. Indhahaygu maysan ahayn kuwo qoraallo uun ku feegane waxa aan meesha ka madhnayn in aan kolba qooraansanayay hablo tiro badnaa oo aad quruxda yaabto. Waa ubaxii waddanka iyo barbaar wakhtigoodii joogta’e waxa ay ahaayeen gabdho dhallinyar ah oo indhihii mar eegaa daymada cajiibka ah caashaq ku abuurmayo. Waxa ay isugu jireen kuwo hor tuban fasaladoodii oo markaasi uun ka soo baxay waajibaadkoodii waxbarasho iyo kuwo aan badnayn oo si teelteel ah u fadhiyay oo wax ku akhrisanayay goobaha fadhiga loogu talo galay ee jaamacadda ku dhex yaala.

Dhal magaalo ayaan waligayba ahaa oo dad badan baanu is muuq iyo magacba naqaanaaye judhiiba waxa aan la kulmay dhallinyarro ardayda jaamacadda dhigata ah oo aanu ehel iyo asxaabba nahay. Wakhti aanu ardaydaasi ku sii wada sheekaysano ma aanan hayne salaan kadib waxa aan iska sii watay hawshaydii iyo in aan isha soo mariyo kuliyad kasta oo jaamacaddu ka kooban tahay. Intaa kadib waxa aan u kacay dhankii maktabadda jaamacadda oo aan runtii xiiso gaar ah u hayay bal in aan arko sida ay u qaabaysan tahay maktabaddu iyo waliba inta buug taala. Maktabadda jaamacadda oo ahayd mid si fiican u habaysan ay markaasina dhex fadhiyeen arday badan oo wax ku akhrisanaysay, ayaan isha wada mariyay khaanadihii ay buugaagtu ku jireen. Hore waxa aan u arki waayay wax buugaag ah oo afsoomaali ku qoran oo khaanadaha maktabadda yaala. waxa aan is waydiiyay in ayna maktabaddu buugaag afsoomaali ah haysan iyo in ay meel kale oo gaar ah u samaysay. Jawaabta anigu isma siin karayne waxa aan u holaday in aan waydiiyo wiil fadhiyay xafiiska maamulka maktabadda oo ku agyaalay kadinka laga soo galo maktabadda. Sidaa markii aan dhankiisii ugu dhaqaaqay ayaa anoon shan talaababa qaadin waxa aan isha ku dhuftay buug soomaali ah oo ay akhrisanayso gabadh fadhiday miis dhinaca bidix igaga beegnaa. Qalanjadan buugga ku raaxaysanaysa oo ay indhahaygu ku dhaceen judhii aan maktabadda soo galay, markaasi oo aan aad uga ashqaraaray asturnaanta iyo quruxda dabiiciga ah ee Rabi ku manaystay, kuna dhiirran waayay inaan la hadlo ayay tani fursad kale ii siisay in aan si uun u daandaansado anigoo su’aalaya buuggaas ay akhrisanayso iyo xagga ay yaalaan buugaagtii kale ee af – soomaaliga ku qornaa. Waxa aan u dhashay furfurnaan iyo bashaashnimo oo Raxmaanku waa uu i baray hadal iyo sida gabadh loola haasaawee, markiiba kaftan aan turxaan lahayn iyo isbarasho xiiso badani ku dheehan yahay ayaa na dhex martay aniga iyo gabadhii. Magaceedii waxa ay iigu sheegtay Degmo. Buugaagtii af Soomaaliga ku qornayd ee aan gooranba raadinayayna waxa ay Degmo ii sheegay in ay yaalaan xafiiska maamulka maktabadda, halkaasi oo dan la mooday in lagu xafido kadib markii buugaag badani ku lumeen khaanadaha maktabadda. Waxaanay intaas ii raacisay in qofkii buugaagta soomaalida doonayaa uu ka soo qaadan karo maamulka maktabadda si uu marka uu akhristo ugu celiyo. Iyada oo ay i deeqday jawaabtii Degmo haddana waxa iga dagi wayday sababta ay khaanadaha maktabadda ugu sharaxan yihiin kumanaan buugaag ah oo afaf qalaad ku qorani, halka tiradii yarayd ee buugaagta af soomaaliga ku qornaydna meel qarsoon oo miiska hoostiisa ah la dhigay.

Dhabanka, indhaha aad kuwii deerada mooddo, sunayaasha qaydka leh, afka dhuxusha ah, sanqaroorka dheer, jooga iyo laxaadka dhammayska ah ee Rabi ku manaystay waxa u sii dheer xishood iyo edab aad ka garan karto sida aanay marnaba indhaha kuu siinayn.Markasta inta ay afka gacanta saarto oo ay faryada gacanta bidix cidideeda qaniinto ayay hoos u foorarsanaysay. Maaddaama oo aanu ku dhex jirnay xarun aqooneed nooma aysan suuro galayn in aan sii haasownee waxa aanu is waydaarsanay nambaradii telefoonada. Wallow ay yara jeed jeedsatay oo ay ku adkayd Degmo in ay telefoonkeeda ii qorto haddana hadal badnidayda iyo waxay ahaydba mooyee inta aan buug yar iyo qalin aan haystay jeebka kala soo baxay ayaan warqad yar ugu qoray nambarkaygii si aan nambarkeeda u helana inta aan warqad cad u dhiibay ayaan ka codsaday in ay telefoonkeeda gacanta ii qorto maaddaama oo aan xiisaynayo in aanu xidhiidh telefoon yeelano. Markii aanu telefoonadii is waydaarsanayna waxa aan u nabad galyeeyay si xiise iyo caashaq bilow ahi ku dheehan yahay. Iyana waxa ay ii macasalaamaysay si xishood iyo ilnugayl badani ka muuqday.

Aniga iyo Degmo waxa noo bilaabmay isbarasho iyo haasaawe hor leh. Waa dhallinyarro caadkeede waxa aanu dhan walba u qaadnay ka sheekaynta iyo falaqaynta badweynta nolosha. Markii aan u soo bandhigay in aan mustaqbal iyo guur ka rabona waxa ay ii sheegtay Degmo in aanay iyadu hadda diyaar ahayn hawshaas maaddaama oo ay wali ku gudo jirto waxbarashadeedii. Waxaanay ii sheegtay in ay rabto in jaamacadda dhammaysato ka dibna ay waddanka Masar u tagto waxbarasho si ay shahaadada sare ee Mastarta halkaasi ugu soo diyaariso iyada oo baranaysa cilmiga caafimaadka. Walow aan jecelahay cilmiga, lana rabay Degmo in ay hesho aqoon iyo darajo sare, haddana ma aanan soo dhawayn rabitaankeedii, waxaanan isku dayay in aan ku qanciyo sida ugu wanaagsan ee aanu reer ku wada yeelan karno.

Haddaba maaddaama oo ay Degmo suugaanta Soomaalida u jeclayd sida aan anigu u xiiseeyo si la mid ah, haasaawahayaga waxa aanu isku waydaarsanay hab-suugaaneed. Sheekadii oo dhammaystiranina waa tan ee ila wadaaga.

Daahir

Adoo duunyo iyo ubad

Rabbi kuugu deeqoo,

Xoolo badan dareershoo,

Degmo nabad ah joogoo,

Roobkiina kuu da’ay,

Haddii beel dagaalíyo,

Duumada wax laysiyo,

Abaar daran haleeshoo,

Dooloo qaxay saa,

Daryeel aad u fidisiyo,

Kaa doonto gacan siin,

Hiddaheena duuggiyo,

Diintuba siday tidhi,

Ma dawayn lahayd kow?

Mise doqon sideedii,

Ayaad aayar diri layd?

Degmo

Waa ayaamo duniduye,

Nimay diifi haysana,

Lama diri karaayoo,

Rabaa deeqda bixiyee,

Daryeel baan u fidin laa.

Daahir

Kaa diiftu haysaa,

Degmooy aniga weeyoo,

Jacayl bay duleeyoo,

Igu shiday dab kululoo,

Dacaam wixii la quutiyo,

Duxda iyo sharaabkii

Uga go’ay daraaddaa,

Dawadaydu waa adi,

Haddii aad I diidana,

Iilkaan daraadaa,

Deg deg aan u galayaa.

Degmo

Xabaashaad dultaalee,

Xafaarkii dalooshiyo,

Kafantani diyaarka ah,

Culimadan digriyaysee,

Ducadana akhrinaysiyo,

Dumarkaa dhankoodii,

Is diree shaqeeyee,

Axankiyo dusuuddii,

Dabka saaray galin hore,

Caqligaygu diidyoo,

Daahiroow jacaylkuba,

Inuu yahay dilaa jira,

Imuu farin damiirkuye

Filimada hindigu diro,

Miyaad daawataayoo,

Shaarub-khaan dirkiisii,

Beerlaxawsi dumar iyo,

Dayashada riqiiska ah,

Miyaad igu dayaysaa?

Daahir

Bi’iwaaye dumaroow,

Da’ yaraantu inay tahay,

Cudur aan dawo lahayn,

Dad horaa caddeeyoo,

Diiwaankay ku qoran tee,

Ma og tahay Degmooy hee?

Mulacii ciyaal dabay,

Isagana dil bay u ahayd,

Da’yartana ciyaariyo,

Qosol bay ka daarnayd,

Anna dulucda sheekada,

Haddaan hoos u soo dego

Waxan uga dan leeyahay,

Dookh iyo jacaylbaa

Garbo duub i xidhayoo,

Cilmi kii dilee helay,

Ayaan deris wadaagnoo,

Deeqna waa ta Eebbee,

Degmooy wadajirkeenaa,

Aan danaynayaa yoo,

Ubax baan diyaarshoo,

Dookhaad casuuntee,

Hayga didine ila qabo.

Degmo

Diktoorkii faraadina,

Ayaa duuga fiixdoo,

Nabarrada dabiibee,

Dawo waa ta Eebbee,

Halkii kuugu daranee,

Ku daloosha ii sheeg.

Daahir

Haddii doob gayaaniyo,

Guur doon filkaagoo,

Daris iyo xigaal tiin,

Gabadh yahay ku doortoo,

Daadihi jacaylkiyo,

Ku yidhaa Degmooy nabad,

Miyaad diidi layd kow?

Mise doobi xoorliyo,

Degmo lagu nagaadiyo,

Deeqsiinta hadalkiyo,

Salaan diiran iyo haa,

Ayaad bidi lahayd door?

Degmo

Deyrtii horeetaan,

Dugsigii dhammeeyoo,

Sida waar da’daydaan,

Inaan dibada aadoo,

Mastar aan diyaarshiyo,

Cilmi doonayaayoo,

Gugan walaal haddeer da’ay,

Uma ahi diyaar guur.

Daahir

Inaad derajo sare iyo,

Cilmi doontay garanaye,

Yaa yidhi Degmooy buug,

Iyo guur is diidoo

Alla waa dab iyo dhagax?

Degmo

Dulmar hooyadaybaa,

Dugsigay dhiganaysiyo,

Iyadoon duruus bogan,

Dadab aabbahay Nuur

Dermo kula cawaysoo,

Danabyay korinaysee,

Tahli waydii deelkii,

Anna doorka maanta ah,

Hooyaa danbaabtee,

Diiwaankaan dhiganayiyo,

Dayn maayo qalinkoo,

Doonistaydu waxay tahay,

Cilmi inaan durduurtoo,

Aakhiraa danbaysee,

Danyartiyo miskiinkiyo,

Darbijiif indhooliyo,

Inta uu jahligu deggay,

Deeqsiiyo ubadkoo,

Dalkaygana ku saacido.

Daahir

Daayin baan ku dhaartee,

Waxaad tahay darmaan yahay,

Dumar xulashadoodii,

Aniguna dantaa qaran,

Kugu raacay daalkee,

Adoo diinta faafshoo,

Dul ka xaadis maahee,

Cilmigani dunida yaal,

Danbarsaday dhammaantii,

Lammaanihii is doortiyo,

Daris aynu noqonee,

Dersiguu intuu jiro,

Is durroo hor joog soo,

Ubadkiyo dhalmada diid,

Daacad baan hungoobine,

Ducadana dheh aamiin.

Degmo

Darraad kii I gaadhiyo,

Igu kicisay doogtoo,

Nabaraa I damqanayee,

Dabiib laabtiyo kashkani.

Daahir

Dayax iyo cadceedeey,

Derbi dhaxanta celiyiyo,

Doog iyo ugbaadeey,

Tigidh baan diyaarshoo,

Dalxiis baan qorsheeyee,

Aynu raacno Daalloo,

Dubay aynu aadnoo,

Suuq Dahab dhexdiisiyo,

Daaraheeda dhaadheer,

Damaashaadno quruxeey.

Degmo

Aynu raacno doontee,

Balankeenu Deeqoow,

Waa inoo duruustiyo,

Guri laba daryaale ah.

Dhammaad

W/Q Muuse Dalmar

xajidalmar@gmail.com

http://www.musadalmar.wordpress.com

Stockholm, Sweden.


Published: 2013-04-12

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: