Madaxweynaha Somaliland oo caawa kula kulmay raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron 17 April 2013

Raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska, David Cameron, oo salaamaya madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,  17 April 2013

Madaxweynaha dalka Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo labadii cisho u danbeeyey joogay dalka Ingiriiska, isaga oo u sii dhaafi doona dalka Maraykanka oo uu ka helay martiqaad rasmi ah. Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka soo kicitimay dalka Turkiga, halkaasoo ay 13 bisha April 2013, maalin sabti ah ku kulmeen madaxweynah federaalka Somalia, Sheekh Xasan. Halkaasoo markiidanbe hesiish ay labada dhinaca isla qaateen lagu heshiiyey oo ay kadibna saxeexeen labda dhinac.

Raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska, David Cameron, oo salaamaya wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Somaliland, Maxamed Cabdillahi Cumar.

Maanta ayey ahayd maalintii la aasay raysal-wasaarihii hore ee dalka Ingiriisaka, haweenaydii la odhan jiray Marget Thacher. Haddaba kulankan oo ah mid taariikhiya ayaa madaxweynah Somaliland kula kulmay raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska, David Cameron, iyo wasiirka arimaha dibedda ee dalka Ingiriiska.

Raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska, David Cameron wasiirka madaxtooyada dalka Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan

Weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Somaliland, waxaa la socday wasiirka arrimaha dibedda, Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waana kulan taariikhiya runtii in weftiga uu hoggaaminayoa madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay caawa kula kulmaan raysal-wasaare, David Camerom aqalka Down Street nr 10, ee looga arrimiyo dalka Ingiriiska

©Somaliland1991

Kulankan waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha JSL.
1.         Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar

2.       Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

3.       Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale,
Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey
1.         Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: