Madaxweynha Somaliland iyo weftigii u hogaaminayey oo la kulmaya wasiir ku xigeenka arrimaha Dibeda ee USA (Maraykanka)

 

Waftigii madaxwayne silanyo Hogaaminaayey oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry


 April 26, 2013
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) Wuxu la Kulmay Madax sar-are oo State

 Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) Wuxu la Kulmay Madax sar-are oo State Department-ka ah, oo ay ka mid ahayd. Marwo magaceeda la yidhaahdo Wendy Sherwin oo ah sarkaalada ku xigta Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry.

lankaasi uu Madaxwaynaha iyo weftigiisu la yeesheen Madaxda sar-sare ee State Department-ka ayaa madaxweynuhu ugu horayn Waxa uu kala hadlay dawlada Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan, khaasatan dhinaca nabad-gelyada waxaanu waydiiyay mar hadii dawlada Maraykanku ay aqoonsatay Somaliya, inay arrintaasi wax saamayn ah Ku leedahay

xidhiidhka labada waddan ee Somaliland Iyo USA? Iyo in dawlada Maraykanku ay Somaliland ka caawiso sidii Somaliland uga heli lahayd xubin sharafeed ururada IGAD, AU, UN Iyo Kuwa kaleba.

Dawlada Maraykanka oo ay u hadlayeen Marwo Shermin Iyo Mudane Don Yamamto oo ah madaxa qaybta Africa, waxay waftiga madaxwaynaha u xajiiyeen in xidhiidhka Somaliland iyo USA aan wax isbedel ah aanay Ku keeni doonin aqoonsiga ay USA aqoonsatay Somalia. Waxay kaloo waftiga ay u sheegeen inay diyaar la yihiin heshiis dhinaca nabad-gelyada ah oo cusub, kaas oo ay Somaliland diyaar ula yihiin ka maraykan ahaan. Kaas oo wakhtiga dhow la suurto gelin-doono.

Waxay kale oo Marwo Shermin ay u sheegtay waftiga in Maraykanku ka caawin doono Somaliland doorashada soo socota Iyo waliba caawimadii sannadlaha ahayd ee ay hore u bixin jireen oo ay Kor u Qaadi doonaan hada. Waxay kale oo ay sheegtay shower-teen in ay ka qayb qaataan sanduuqa Somaliland.

Markii shirku dhamaaday Madaxwaynaha Iyo waftigiisa waxa loogu samaayay Wasarada Arrimaha Dibada qado sharafeed ay ka soo qayb galeen shaqaale sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada qaybteeda Africa.

 

Rashid Nuur Gaaruf

Wakiilka Somaliland ee USA

©Somaliland1991

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: