Boobe Yuusuf Ducale iyo Qormadiisii 2aad Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh

weli timahaagu waa madow e?.? Inta uu ilko-caddeeyay oo madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: ?Jihaadka ayaa idin caddeeyay.?

Inta uu ilko-caddeeyay oo madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: ?Jihaadka ayaa idin caddeeyay.? Waxa ay ahayd markii iigu horreysay ee aan noloshayda gacan-qaado lana sheekaysto.

1968 Press Photo Afro-American Institute,  President Waldemar Nielsen and Ibrahim Egal

President Egal

Intii danbe Boorame ayaan kula kulmi jiray oo muddo bilo ah uu ka socday Shirweynihii 1aad ee Guurtidu oo Cigaal loogu doortay Madaxweyne, Meey 1993kii. In badan ayaanu halkaa ku kulannay oo ku sheekaysannay, bal se aan u gudbo dhacdada aan

u socday oo ah mar aanu Addis Ababa wada tagnay bishii Maarj 1993kii.

 

Maarj 1993kii waxa magaalada Addis-Ababa lagu qabtay wareeggii 2aad ee shirar ku suntanaa Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabiyeen Qarammada Midoobay oo beryahaa Xoghaye Guud uu ka ahaa Butrus Qaali oo ku dhex ambaday Qalalaasaha Soomaaliyeed, raad-gadka loo maareyn la? yahayna kaga tegay.  Wareeggii 1aad waxa la qabtay bishii Jeeniweri 1993kii waxaana ka soo qayb galay Butrus Qaali iyo wefdi uu hoggaaminayay, si aan mugdi ku jirinna waxa u muuqatay sida aan qarsoodiga ahayn ee Butrus Qaali u af-duubayay qadiyadda Soomaaliyeed. Shirarkaa waxa isugu iman jiray Ururrada Siyaasadeed ee Soomaaliya, ururka SNM-na waxa uu u tegi jiray goob-jooge ahaan. Labadaa shirba waan ka qayb galay.

 

In yar haddii aynu dib u noqonno, 1991kii markii Somaliland lagu dhawaaqay Cigaal mar ayuu soo gaadhay Burco oo lagu shirsanaa. Isla sannadkaa, Jabuuti waxa uu kaga qayb-galay laba shir oo ahaa dibuheshiisiin Soomaaliyeed oo go?aammadii ugu mudnaa ee ka soo baxay aynu ka xusi karno:

 

  • Dastuurkii 1961kii oo lagu dhaqmo,
  • Cali-mahdi oo loo doortay Madaxweyne ku-meel-gaadh ah,

 

Cigaal shirarkaa ka dib waxa uu ku noqday dalkaa Imaaraadka Carabta oo uu deggenaa, wax hawl siyaasadeed ahna kuma uu lug lahayn. Waxa kale oo jirtay in Cali-mahdi markii uu Muqdisho ku noqday uu dhisay dawlad uu Cumar Carte Qaalib ka noqday Ra?iisal-wasaare, kaas oo Golihiisii Wasiirrada ku soo daray Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Xukuumaddaa Cigaal kama uu qayb gelin.

 

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu yimid Somaliland 1993kii markii uu Shirweynihii Guurtidu ka socday magaalada Boorame, halkaas oo uu mar kale ka bilaabay hawlihiisii siyaasadeed ilaa 3/5/2002da oo uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalkaa Koonfur Afrika.

 

Aan u soo noqdo shirkii 2aad ee Maarj 1993kii iyo Addis-Ababa. Saddex wefdi ayaa Somaliland uga aqyb galay: wefdi SNM ka socday oo aan hoggaaminayay, wefdi Guurtida ka socday oo uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Nuux, marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo rag kalena ka mid ahaayeen oo 20 xubnood ahaa iyo wefdi ka socday ururrada samo-falka oo uu hoggaaminayay Yuusuf Xirsi Galow.

 

Dhaqan ahaan wefdiyada rasmiga ah ee Ururrada waxa la dejin jiray Hotel Ghion. Halkii ayaanu ku degnay. Wefdigii Guurtida waxa lagu dejiyay Hotel Afrique. Waxa aan xusuustaa Cigaal oo galab noogu yimid Hotel Ghion. Waxa uu xidhnaa surwaal boor ah iyo garan bunni madow xiga ah oo ku giigsan. Waxa uu sitay shandad yar oo ?samsonite? ah oo maas ah oo cas. Shandaddaa Boorame waa uu ku haysan jiray, markii uu Madaxweynaha noqdayna xafiiska ayuu ku haysan jiray.

 

Markii uu Hotel Ghion soo galay annaga oo halkaa degganayn ayuu noo yimid. Hawl ayuu Hotel Ghion u yimid waxa aanay la noqotay inta aanu hawl gelin in uu horto na arko oo noo sheego hawsha uu u socdo, ka dibna ku hawl galo waxa aanu ku heshiinno. Wax la yaab leh ma ahayn. Waa siyaasad iyo caadadeed. Cigaal ma uu jeclayn in aanu meel kale ka maqallo waxa uu wado, bal se waxa ay la noqotay oo uu ku hagaagsanaa in uu nala socodsiiyo hawsha uu u socdo. Intayadii halkaa degganayd ee ahayd wefdiga rasmiga ah ee SNM iyo Cigaal ayaanu meel ku wada fadhiisannay. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Waxa uu yidhi:

 

?Adeer, waxa aan halkan galabta u imid in aan arko qaar ka mid ah madaxda wefdiyada Ururrada Soomaaliya oo aanu afka is-gelinno inta aan shirka si rasmiya loo furin. Waxa aan doonayaa in aan ku qanciyo haddii ay ila qaataan in shirkani hawlihiisa ku koobo Soomaaliya oo aan shirkan lagu soo qaadin arrinta Somaliland. Sidaa darteed ayaan idiin ku imid si aan idiin la socodsiiyo oo aanan ugu dhaqaaqin wax aydaan la socon.?   

 

Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo ahaa Guddoomiyaha SNM nala ma socon, aniga oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa markaa ahaa madaxa wefdiga SNM oo si ku-meel-gaadh ah u masilayay Guddoomiyihii SNM oo aan goobta joogin. Waxa kale oo jirtay intii aanaan Boorame ka soo ambo-bixin in Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Guddoomiyaha SNM iyo Madaxweynaha Somaliland uu warqad rasmiya noo soo dhiibay taas oo uu ku soo qoray in uu Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal madax u yahay wefdiyada Somaliland ee shirka ka qayb gelaya.

 

Aynu ku noqonno Hotel Ghion iyo kulankii gaabnaa ee aanu Cigaal galabtaa la yeelannay. Markii uu Cigaal hadalkii ka baxay naxdin iyo khajilaad ayaa nagu habsatay. Da?dayadii iyo da?dii Cigaal ayaanu isu eegay. Waayo-aragnimadiisii iyo taayadii ayaanu isu eegay. Waxa aanu la yaabnay su?aashan uu na weydiiyay. Haddana is-la markiiba waa aanu garawsannay in ay daw ahayd. Markiiba aniga ayaa hadalkii qaatay:

 

?Adeer hawshan aad u socoto waxa aanu u aragnaa mid inoo wada dan ah. Waa hawl aad ku dhaqaaqi karto waxna ka ma qabno. Waxa kale oo aanu kuu sheegaynaa in aanad u baahnayn mar walba in aad noo timaaddo ee marba wixii aad dan mooddo ku dhaqaaq, adiga oo aan nasoo wargelinna ogsoonow in aanu kugula jirno.?

 

Miiskii intii aanaan ku kala kicin ayaanu is-la eegnay madaxda wefdiyada ee uu la kulmayo iyo meelaha ay deggan yihiin. Waxa aan ka sii xusuustaa in aanu is-la qaadannay in la arko: Caydiid, Cali-mahdi, Cabdillaahi Yuusuf iyo qaar kale. Hawshii isaga ayaanu u daynay oo ku dhaqaaqay. Galabtaa aanu Hotel Ghion ku kulannay isaga oo ogsoonaa in aan wefdiyada Somaliland wax kharash ah la soo siin, waxa uu nagu yidhi:

 

?Adeer, laba kun oo Doollar ayay niman aanu xidid nahay sooryo iigu keeneen, ee aan wax idin ka siiyo.?

 

Mar kale ayaanu haddana naxnay. Waxa aan ku idhi:

 

?Adeer, annaga ayaa kaa galaangal roon e?, iska hayso waxba waayi meynno e?.?

 

 

Shirkii ayaa si rasmiya loo furay. Dhaqan ahaan maalintaa furitaanka shirarku hawl ma qabtaan ee wefdiyada rasmiga ah ee dawladaha, Ururrada Goboleed, kuwa caalamiga ah iyo Ururrada Soomaaliyeed ayaa ereygooda yidhaahda. Markii ay kuwii ajnebiga ahaa hadleen, ayaa waxa dhankii wefdiga SNM fadhiyay u soo dhaqaaqay nin reer Simbaabwi ahaa oo la odhan Liyonaardo Kapuungu oo la-taliye siyaasadeed u ahaa Wakiilkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya. Aniga oo madaxa wefdiga ahaa ayuu igu soo dhawaaday isaga oo warqad yar sita. Isaga oo warqaddii ii dhiibay waxa uu ii raaciyay:

 

(la soco??????.)

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: