Daawo barnaamijka xiisaha leh waa garoonka kubada kolayga ee Tima Cade Hereri iyo Hargeysa

Waryaha weyn ee Cabdisalaan Hereri oo ah wariye weyn oo caana, aadna looga jecel yahay geyiga ay soomaalidu degto, ayaa marba marka ka danbaysa soo deynaya barnaamij aad  iyo aad u xiiso leh. Barnaamijka waxa uu i xasuusiyey maadaama aan degennaa xaafadda Gacan Libaax ee magaalad Hargeysa. Waxaa jirtay in Basket ka, lagu ciyaari jiray wakhtiyadii 80 sannadkii, waxda gacan LIbaax ee ka soo horjeeda dawladda hoose ee Hargeysa. Waaxdaa wxaa immika laga dhigay geerash ay dawladda Hoose ee Hargeysa leedahay. Anagoo yar yar ayaanu ku ciyaari jirnay marka aanay ciyaaray lodka naga waa weynaa.

Waxaa aan berigaa ka xasuustaa oo kubada kolayga  ee waaxdaas Gacan Libaax, u ciyaari jiray, oo aan aad u sii xasuusanahay waa maareeyaha Tv: Ga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xasan Cali Gaas, oo marna kubadda cagta ku ag ciyaari jiray isaga iy lodkii anga waaweynaa , wadada carwadda ee dhinaca galbeed. Waxaa runtii igu cusub caawa in uu Cabdisalaan Hereri, isan berigaas kubadda  kolayga ku ciyaari jiray waaxda gacan- Libaax. Waxa aan xasuustaa maalin maalmha ka mida 1982 qiyaastii, anaga oo daawanaya ciyaar ka socodtay waaxda Gacan-libaax oo aad u siiso badnayd, oo ay wada ciyaarayeen Gacan- Libaax iyo qolo kale, ayaa anaga oo ciyaartii daawanaya, oo taarabuunka fadhina, maqalnay sawaxan dibada ka yeedhaya, mar kaliya, ayaa dadkii daawanayey ciyaartii xiisaha lahayd iyo labadii kooxood ee wada ciyaaraysay dibedda garoonka waaxda Gacan Libaax dibedda markaliya loo soowada baxay.

Markii aanu dibedii u soo wada baxnay ayaa waxa ay indhahaygu qabteen dhallinyaro tiro badan oo carwadaa dhinaceeda waqooyi oo bannaanbax socoda samaynaya, mudaharaad. In yar  ka dib waxa ay soo mareen wadadii carwada ka qabanaysay dhinaca galbeed, waa dhawr boqol oo dhallinyaro  u badan. Dadkii ka soo baxay garoonkii kubada kolayga iyo ciyaaryahaniintiiba waxa ay ku biireen mudaharaadkii. Tiradii way sii badatay. Waxaana lagu mudaharaadayey dawladdii macangagta ahayd ee Siyaad Barre hogaaminayey. Xusuusnoow akhristoow dhawr cisho ka hor ayey dawladdaa Siyaad Barre rasaas ku dishay arday faro badanoo u badnaa ardeydii dugsiyadda sare dhiganaysay. Waana maalmihii UFO, soo abuurmaysay, SNM. la aasaasay.

Waxaa habbon in dhacdooyinka taariikhiga ah ee dalkenna ka dhacay wax badan laga qoro.  Dhacdadan aan ka sheekaynayo. waxa  imminka ka soo wareegtay muddo 31 sanno.

Cabdiraxmaan Sacad Yaasiin

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: