Halkan ka daawo Tv china oo Somaliland ka waramaya Somalia’s breakaway Somaliland enclave, a major exporter of livestock to the Gulf States

Publicerad den 28 maj 2013

Somalia’s breakaway Somaliland enclave, a major exporter of livestock to the Gulf States, has hopes to become the regional hub for animal production and exports for the entire Horn of Africa. Now the government’s investing in training vets who’ll help guarantee its quality livestock trade. Clementine Logan has more..

©Somaliland1991

Halkan ka daawo booqashadii ay weftiga Maayarka Hargeysa C/raxmaan Solteco iyo Dr Sacad Cali Shire, Jiciir , Khadra Gaydh ay ku yimaadeen Sweden

©Somaliland1991

Halkan ka daawo Barnaaminjkii Hereri iyo Hargeysa ee wiigan

©Somaliland1991

Halkan ka daawo wareysigii ay Dr. Muha Daahir Faarax Jire la yeelatay gudddomiyaha jaamacadda Hargeysa Dr. CAbdi Xuseen Gaas

Barnaamijka jidka Rejada, oo ay daadihinayso, Dr. Muha Daahir Faarax Jire. Waa waraysi aad iyo aad u qiimo iyo qaayo badan, xiiso badana leh. Sidaa iyo daawasho wacan.

 

Barnaamijka Jidka Rejada oo uu marti yahay Gudoomiyaha

Jaamacada Hargeysa.waxaa inala socodsiinaysa Muha Daahir Faarax Jire.

©Somaliland1991

Halkan ka daawo munaasabadii 18 may 2013 Tv Universal

Halkan ka dhegayso shaqaalaha Tv Universal sida ay iskugu   diyaarinayaan  18 May 2013,  iyo dooda dhex maraysa shaqaalaha dhexdooda.

 

©Somaliland1991

Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Oo Kulan La yeeshay Dhigiisa Dalka Ethiopia, Khadar Xasan Cali Gaas

 

Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Oo Kulan La yeeshay Dhigiisa Dalka Ethiopia


(Hadhwanaagnews) Friday, May 24, 2013

 


Addis-ababa (HWN)-Maareeyaha Tv-ga Qaranka Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis-Ababa maamulahaTv-ga dalka Itoobiya Mr. Ottayo oo ay ka wada hadleen sidii loo samayn

Addis-ababa (HWN)-Maareeyaha Tv-ga Qaranka Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis-Ababa maamulahaTv-ga dalka Itoobiya Mr. Ottayo oo ay ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa iskaashi dhex mara labada Telefishan.

Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Khadar Xasan Cali Gaas oo kulankaasi oo muddo saacado ah socday ka dib u waramayay warbaahinta ayaa sheegay inay ka

wada hadleen maamulaha guud ee TV-ga Qaranka Itoobiya sidii loo mataanayn lahaa labada Telefishan.

“Waxyaabo badan ayaanu ka wada hadalnay gaar ahaan xaga warbaahinta iyo sidii khibrada laba shaqaale laysku way daarsan lahaa waanan isla fahanay arrintaasi,”ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee SLNTV.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku ladhay “Waxa uu Maamuluhu warbixin dheer naga siiyay sida ay u shaqayso Idaacada iyo TV-ga dawlada Itoobiya oo sida kuweena ay mataano yihiin wada shaqeeya oo meel laga wada xukumo.”

Mudane Khadar Xasan Cali waxa uu sheegay in Maamulka Telefishanka Itoobiya ay Tababaro kala duwan siin doonaan hawl-wadeenadda TV-ga qaranka iyo idaacada Radio Hargeysa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo uu isoo tusay qaybaha kala duwan Televesionka Radio-ga, sidoo kale waxa uu iga ogolaaday in shaqaalaha Tv-ga iyo idaacada Radio Hargeysa tababaro ay siiyaan.”

“Waxaan rajeynayaa xidhiidhkan bilowga ahi inuu noqdo mid joogto ah oo labada wasaaradood si toos ah u dhexmari doona”.ayuu yidhi Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Khadar Md. Cali Gaas oo u waramay SLNTV.

Maareeyuhu waxa uu u joogaa dalka Itoobiya shirka Midowga Afrika oo lagu marti-qaaday in Telefishanka qaranka si ay u daboolaan una faafiyaan go?aamada iyo qaraarada ka soo baxa shirka midowga Afrika. Kulankaasi waxa ku wehelinaysay Maareeyaha Weriyaha TV-ga Qaranka ee Itoobiya Muha Faarax Jirre

Mustafe-janaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

Source:  Hadhwanaagnews.com/Office

 

©Somaliland1991

Saraakiil Qado-sharaf Ugu Sameeyay Addis-ababa Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland. Khadar Xasan Cali Gaas

Saraakiil Qado-sharaf Ugu Sameeyay Addis-ababa Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland.


(Hadhwanaagnews) Friday, May 24, 2013


(HWN)-Sarkaal ka tirsan dawladda Itoobiya isla markaana ah qoraa caan ah oo la yidhaahdo Dr. Yohanis Gebre Salase iyo Agaasime Komishanka Midowga Afrika u qaabilsan Beeraha oo reer Kamaroon ah Mr. Tanku Muri, ayaa maanta qado-sharaf

Addis-ababa(HWN)- Sarkaal ka tirsan dawladda Itoobiya isla markaana ah qoraa caan ah oo la yidhaahdo Dr. Yohanis Gebre Salase iyo Agaasime Komishanka Midowga Afrika u qaabilsan Beeraha oo reer Kamaroon ah Mr. Tanku Muri, ayaa maanta qado-sharaf u sameeyay Huteelka Helton ee magaaladda Addis-ababa Maareeyaha Guud ee Telefishanka qaranka Mudane Khadar Xasan Cali Gaas oo socdaal shaqo ku jooga Itoobiya.

Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas oo ka hadlay xafladaasi qado sharafta ahayd ayaa uga mahad celiyay qado-sharaftaasi labada masuul sida wada jirka ah ugu sameeyeen,

waxaanu uga waramay xaaladda guud ee Somaliland iyo horumarka ay ka samaysay dhinaca maamul wanaaga, nabad-gelyadda, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Maareeyuhu waxa kale oo uu xusay in Somaliland iskaashi adag iyo cilaaqaad wax wada qabsi ay la leedahay dalka Itoobiya oo uu ku tilmaamay saaxiib taariikhi ah oo Somaliland garab taagan.

Mr. Khadar Xasan waxa uu sheegay in kasta ay rajaynayaan in uu sii xoogaysto cilaaqaadka Somaliland iyo wadammada dariska la ah.

“Yohanis Gebre Salase waa nin qoraa ah oo maqaalo faro badan ka qoray horumarka Somaliland, waxa kale oo uu ka shaqeeyaa dhinaca waxbarashadda, markaa waxaan ku bogaadiyay qoraalada lagu taageerayay Somaliland ee uu ku baahiyay saxaafadda Itoobiya waxaanan ku dhiiri geliyay inuu sii wado arrintaasi,”ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee Telefishanka qaranka Khadar Xasan Cali Gaas.

Dr. Yohanis Gebre Salase ayaa sheegay inuu si dhow ula socday horumarka Somaliland samaysay iyo xidhiidhka cagaha adag ku taagan ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu xusay in arday badan oo reer Somaliland ah oo deeqo waxbarasho ka helay Itoobiya ay Jaamacadaha Addis ababa wax ka bartaan.

Kulankaasi hadhimo sharafeedka ah waxa kale oo goob joog ka ahaa Maayarka caasimadda Hargeysa Mudane C/Raxmaan Maxamuud Caydiid oo u sii jeeda dalka Sweden iyo Weriyaha TV-ga qaranka ee Addis-ababa Muha Faarax Jirre.

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

Source: Hadhwanaagnews.com/Office

©Somaliland1991