Waa in aad loo cambaareeyo guddoomiyaha ururka UCID Faysal Cali Waraabe oo noqday khaayin qaran

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa kulan gaara la yeeshay madaxweynaha dawladda Federaalka Somalia, Sheekh Xasan Maxamuud. iyo raysal-wasaare ku xigeenka DFS, Fowsiya.

Kulankan oo ah mid aad iyo aad u fool xun, in Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, la qaato, kulan noocan oo kale ah. Waxa uu meel weyn kaga dhacay sharaftii iyo karaamadii shacbiweynah reer Somaliland. Waxaana habboon in si weyn loo cambaareeyo, maxkamadda Somaliland la soo taago. Waa Khaayin, khaayimya dadkiisii iyo salkiisi hooyo. Dawladdana waxaa la gudboon in ay tallaabo adag ka qaado, marka uu dalka yimaadona, loo yeedho, tiiyo ay dawladdu canbaaraynayso, si adagna ugu sheegayso waxaa uu ku dhaqaaqay in ay ka soo horjeedo sharciga Dalka Somaliland u yaala, digniin adag siiso.  Waxaa kaloo dawladda la gudboon in aanay ka qayb gelin Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, shirarka qaranku leeyahay ee arrimaha dibedda, sida wada hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia.

Maaha markii 1 aad ee uu waxan oo kale sameeyo Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, waa markii 2aad. Isagoo sannadkii hore Dubai kula kulmay madaxeynihiihire ee DKM ee sheekh Shariif.  Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, waxa la gudboon, sharaf beeshay oo horaad u sharaf beeshay. iska casil xilka ururka UCID.

Waxa lagu xantaa Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, oo warar xaqiiqi sheegayaan,  in uu basaas u ahaan jiray macangagii axmaqa ahaa, General Gaani, ee  laayey shacabka reer Somaliland, ee god madow ku riday dhallinyaradii UFO, .

Waa in shacabka reer Somaliland arrintan khiyaamada qaran ee uu sameeyey Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe kula xisaabtamaan!

maqaalkan waxaa qoray:

Fuáad Cali Axmed, Hargeysa, Somaliland

 

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: