Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Oo Kulan La yeeshay Dhigiisa Dalka Ethiopia, Khadar Xasan Cali Gaas

 

Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Oo Kulan La yeeshay Dhigiisa Dalka Ethiopia


(Hadhwanaagnews) Friday, May 24, 2013

 


Addis-ababa (HWN)-Maareeyaha Tv-ga Qaranka Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis-Ababa maamulahaTv-ga dalka Itoobiya Mr. Ottayo oo ay ka wada hadleen sidii loo samayn

Addis-ababa (HWN)-Maareeyaha Tv-ga Qaranka Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis-Ababa maamulahaTv-ga dalka Itoobiya Mr. Ottayo oo ay ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa iskaashi dhex mara labada Telefishan.

Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Khadar Xasan Cali Gaas oo kulankaasi oo muddo saacado ah socday ka dib u waramayay warbaahinta ayaa sheegay inay ka

wada hadleen maamulaha guud ee TV-ga Qaranka Itoobiya sidii loo mataanayn lahaa labada Telefishan.

“Waxyaabo badan ayaanu ka wada hadalnay gaar ahaan xaga warbaahinta iyo sidii khibrada laba shaqaale laysku way daarsan lahaa waanan isla fahanay arrintaasi,”ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee SLNTV.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku ladhay “Waxa uu Maamuluhu warbixin dheer naga siiyay sida ay u shaqayso Idaacada iyo TV-ga dawlada Itoobiya oo sida kuweena ay mataano yihiin wada shaqeeya oo meel laga wada xukumo.”

Mudane Khadar Xasan Cali waxa uu sheegay in Maamulka Telefishanka Itoobiya ay Tababaro kala duwan siin doonaan hawl-wadeenadda TV-ga qaranka iyo idaacada Radio Hargeysa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo uu isoo tusay qaybaha kala duwan Televesionka Radio-ga, sidoo kale waxa uu iga ogolaaday in shaqaalaha Tv-ga iyo idaacada Radio Hargeysa tababaro ay siiyaan.”

“Waxaan rajeynayaa xidhiidhkan bilowga ahi inuu noqdo mid joogto ah oo labada wasaaradood si toos ah u dhexmari doona”.ayuu yidhi Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Khadar Md. Cali Gaas oo u waramay SLNTV.

Maareeyuhu waxa uu u joogaa dalka Itoobiya shirka Midowga Afrika oo lagu marti-qaaday in Telefishanka qaranka si ay u daboolaan una faafiyaan go?aamada iyo qaraarada ka soo baxa shirka midowga Afrika. Kulankaasi waxa ku wehelinaysay Maareeyaha Weriyaha TV-ga Qaranka ee Itoobiya Muha Faarax Jirre

Mustafe-janaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

Source:  Hadhwanaagnews.com/Office

 

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: