Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadlay Halka Ay Marayso Hawsha Dhismaha Madaarka, (Hadhwanaagnews)

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadlay Halka Ay Marayso Hawsha Dhismaha Madaarka,Go,aankii Lagu Joojiyey Duulimaadyada Qaramada Midoobay Iyo Arimo Kale+Sawiro

(Hadhwanaagnews) Saturday, June 01, 2013
Hargeysa(HWN):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ka hadlay halka ay marayaan hawlaha madaarka caasimada Hargeysa oo galay wajigii ugu danbeeyey ee dhismaha.

Halkan ka daawo

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in haatan la gaadhay wajigii ugu danbeeyey ee dhismaha madaarka, isaga oo ugu horayntiina ka hadlaya dhismaha madaarka iyo halka ay wax marayaan waxa uu yidhi ?Waxa aynu

maanta goob joog ka nahay wajigii ugu danbeeyey ee madaarka caasimada oo aanu bilawnay iyada o dhismaha madaarku soo maray  laba waji oo waaweyn Midi waxa uu ahaa kii u horeeyey  ee lagu samaynayey sarfayga, isla markaana lagu calaamadinayey goobaha wax laga qabanayo, wajiga labaadna waxa uu ahaa ranwaygii hore ee ka koobnaa 2.4 oo la googooyey meelihii uu ka daacay oo dhan meelihii bayskiisa dhagaxa ahaa lumayna dib loo soo kiciyey, ranwaygaas oo dawlada ingiriisku dhistay sanadkii 1958.?

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka sheegay inuu dhismaha madaarku hada galay wajigii ugu danbeeyey ee dhismihiisa waxaanu yidhi ?Wajiga sadexaadna waxa weeye kan hada socda oo isku siman oo isku cel celiskiisu yahay 7.5cm kaas oo ah shaqadii ugu adkayd ah iyada oo shaqaba shaqadii ay ka horaysay ay ka adkayd,Maanta waxa la bilaabay mashruuca madaarka qaybta ugu danbaysa  oo ah dabaqii labaad ee la saaray oo ka kooban 4cm, kaas oo ka dhakhso badnaan doona kuwii hore, marka koowaad waa mid siman, waanu ka yar yahay kuwii hore qaabka loo samaynayaana wuu ka khafiifsan yahay kuwii hore,mashruucanu waxaanu rajaynaynaa inuu wakhtigii loogu tala galay ku dhamaado.?

Wasiirka duulistu waxa uu sheegay inay ka hor yimaadeen caqabado badan oo aan la dhaafi Karin kuwaas oo dib u dhigay inuu mashruucani si dhakhso ah ku dhamaado isaga oo tilmaamay waxyaalaha ka hor yimid ayaa waxa uu yidhi ?Waxa dib u riday mashruucan oo aanu rajaynaynay inaanu wakhti hore dhamayno, iyada oo dawlada iyo kanbanigaba ay dantu  ku jirto inuu dhamaado wakhtigii  loogu tala galay, balse caqabado badan ayaa naga hor yimid oo aan la dhaafi Karin kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wakhtiyadii roobka oo keenay inaan wakhti badan la shaqayn, waxa ka mida karasharkii magaalada ee dhagaxa lagu samaynayey oo soo wada saari waayey qadarkii dhagaxa ahaa ee loo baahnaa taas oo keentay in wakhtigii laban laab noqdo, guud ahaan marka laysku daro mashruucu waxa uu u socdaa sidii loogu tala galay.?

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka loo maamulo dhaqaalaha ku baxaya mashruucan, isaga oo tilmaamay inay dawlada Kuwayt gacanta ku hayso dhaqaalaha ku baxaya mashruucan waxaanu yidhi ?Mashruucani waxa uu soo maray nidaam habaysan , mashruucana dawladii lahayd ayaa xisaabsanaysa, lacag naloo dhiibayna ma jirto, lacag nalaga xisaabinayaana ma jirto, kanbanigana waxa la xisaabtamaysa dawladii mashruucan bixisay, marka uu kanbanigu sameeyo shaqo 10% ama 5% ah ee ay eegaan engineer-ada ka socda dawlada Kuwayt ee aanu anaguna eegno ayaa lacagta loo soo daayaa, xisaabtana mashruucana si wanaagsan oo sadex geesood ah ayaa loo maamulayaa.?

Ugu danbayntii wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxaa uu ka hadlay go,aanka ay xukuumada Somaliland ku joojisay duulimaadyadii qaramada midoobay isaga oo tilmaamay inuu go,aankaasi ahaa mid sax isla markaan wafti ka socda qaramada midoobay ay todobaadkan gudihiisa iman doonaa dalka iyada oo laga wada hadlayo wixii jira, wasiirka oo arimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi ?Go,aankii xukuumada Somaliland ay ku joojisay duulimaadyada qaramada midoobay sidii ayuu u taagan yahay waanu dhaqan galay, go,aan sax ah ayuu ahaa oo maaha mid aanu ka qoomamaynayno ee waa go,aan sax oo aanu qaadanay wakhtigii loo baahnaa, wax xaal ah kama bixinayno ee anaga ayaa nalooga garaabi doonaa,waftiga ka socda qaramada midoobayna todobaadkan ayey imanayaan dalka waanu wada hadlaynaa, Somaliland-na gar ayey joogtaa go,aankuna waa halkisii,Gargaarka ay fuliyaan hay?adaha qaramada midoobay maaha mid saamaynaya duulimaadyada la joojiyey, qaramada midoobay shaqadooduna ma istaagi karto ee duulimaadyada kale ee socda ayey raacayaan, shaqo xumaanaysa oo xukuumadu aaminsan tahayna ma jirto,  go,aanka aanu qaadanay waa sax oo maaha mid xaal laga bixinayo,.? Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

 Xigasho: Hadhwanaagnews

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: