Sawirka Maanta Kaaro Lagu Gubay Xaafadda Xawaadle Caasimadda Hargeysa, Sannadahii 1988-kii Oo 24 Sannadood Ka Dib Dhex Yaalla Halkii Lagu Gubay

Sawirka Maanta Kaaro Lagu Gubay Xaafadda Xawaadle Caasimadda Hargeysa, Sannadahii 1988-kii Oo 24 Sannadood Ka Dib Dhex Yaalla Halkii Lagu Gubay

Posted by on Apr 9th, 2012 and filed under featured, today’s top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Xaafadda Xawaadle oo ka mid ah xaafadahii la dhisay lana aas-aasay dabayqadii 1980-kii isla markaana ay badiba dhisteen muwaadniniintii reer Somaliland ee waagaasi ka shaqaysan jirtay dalalka Khaliijka Carbeed oo xaafadda qayb ka mid ah loo yaqaano “Dehran” oo ah magaalo ku taalla dalka Sacuudiga oo ay dadka reer Somaliland u badanyahiin ayaa xaafadaasi oo ka mid aha kuwa loo soo daawasho tago quruxda guryaha laga dhisay waxay wakhtigaasi nasiibkooda la kulmeen dagaalkii ay ciidamaddii Siyaad Barre cagta ku mariyeen Hargeysa.

Haddaba intii u dhexaysay 1988-kii ilaa 1991-kii Xaafadda Xawaadle oo aan ka fogayn xaruntii Idaacadda Radio Hargeysa waxay bartilmaameed u noqotay weeraradda iyo dagaaladda ka socday Hargeysa waxaanay ka mid ahayd goobahii Ciidamaddii Militeryga Soomaaliya ay sida ba’an dadka ugu xasuuqeen iyagoo isticmaalaayey Taangiyo iyo weliba gawaadhida Militeryga.

Haddaba Gudaha Xaafadda Xawaadle 24 Sannadood ka dib maalmahii qadhaadha ee ay soo martay waxaa dhex yaalla oo ka dhex muuqda mid ka mid Taangiyadii Ciidamaddii SNM ay ku gubeen halkaasi, oo muddadii 21-ka sannadood ahayd ee Somaliland xornimada haysatay uu Taangagaasi oo gudahiisa lagala baxay dhammaanba agabkiisii uu iskaraabkisii weli dhex yaallo Xaafadda, isagoo Taangigaasi dhexdiisana uu noqday goob xashiishka iyo qashinka xaafaddu uu dul wadhanyahay isla markaana ay Dawladda Hoose Hargeysa Dayacday, Muuqaalkaasi ayaanu idinla wadaagayna Daawasho Wacan:

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com

Source.. Halbeegnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: