Daawo riwaayadan cusub ee xiisaha leh Waraabe Dharle oo Hargeysa lagu sameeyey

Madashii Xalay & Murugadii Is-qoorsatay Markii La Daah-Furay Filim Cusub Oo La Yidhaa WARAABE-DHARLE Oo Uu Curiyey Abwaan Axmed Aw-Geeddi

Halkan hoose ka akhriso maqaalkan xiisaha leh ee ka hadlaya riwaayadan cusub ee Waraabe Dharle!!

http://www.hadhwanaag.com/detail.aspx?id=102237

Hadhwanaagnews) Saturday, June 15, 2013
Hargeysa (HWN):- Jawigu mar-kaliya ayuu si siman isu bedelay, waxaana la galay xaalad murugo iyo qarracan kadib

 

Dumarka oo ilmo is biinaya ..

Hargeysa (HWN):- Jawigu mar-kaliya ayuu si siman isu bedelay, waxaana la galay xaalad murugo iyo qarracan kadib Jaqaaqdii ka yeedhay ilmihii yaraa een habeenna jirin ee hooyadii dhashay Ey-da u dhigtay, dooxana ku tuurtay.

Goobtu waa Imperial Hotel waana xalay Cawayskii, Marti-Sharaf rag iyo dumarba leh una badan dhalinyaro ayaa hoolkii hoose iyo qaybtii sareba buux-dhaafiyey. Waxaa kaba sii daran inta qoortu dheeraatay ee tuban ilaa iyo daaradda.

abwaanka sameeyey riwaayadan. Abwaan Axmed Aw-Geeddi (Dheeraad)


0in 0in 10pt” align=justify>Waxa la iskugu yimi ee la iskugu habar-wacday waa Filim cusub oo xalay la daah-furay lana yidhaa Waraabe-Dharle. Kaasoo saamayn laxaad leh ku yeeshay isla markaana quluubtoodii iyo dareenkoodiiba hantay oo gilgilay bulshadii goobta isugu timi.

Filimka waxaan ku sifeeyo oo magaciisaa Waraabe-Dharle aan u dhaafo garan maayo. Waxaanu ka hadlayaa dhibaato baaxad leh oo beryahan dambe aad ugu soo badatay bulshadeena raad xunna ku reebta. Taasoo si gaar ah u saamaysay aadna u biyo-dhigatay da´yarta.

Sifaha dhaqan ahaan iyo diin ahaanba qaldan ee xaaraanta ah ee Ragga iyo Dumarku ama aan idhaahdo Wiilka iyo Gabadhu isugu tagaan una kala sinaystaan iyo waliba cawaaqib-xumada gadaal soo baxda ayuu filimku suureeyey awooddana saaray.

Haasaawe been ah iyo halaasi aan jirin oo Wiil la yidhaa Waraabe-dharle ku hodayo inan shabbad ah ayuu filimku ku bilaabmay. Waxayse xaaladdu qiiro-qiiro iyo qirin-qiir gashay markii talo ku ciirtay inantii ee ay qaadday Uur xaaraan ah, Hoy-na u noqotay Qoomamo iyo Ciil.

Murugadaasi xanuunka badan waxaa u sii dheer weji-gabaxii iyo dafiraaddii qayaxnayd ee kaga timi Wiilkii gunta ka riday ee Uureeyey, beentana ku habi jiray. Waxay is-qarisaba markay cir iyo dhul qaban-weyday ayey hadana sii dabbaalatay uur-kutaallo xanuun badan weligeed-na aan ka go?ayn, kadib markii ay dooxa ku tuurtay Eyda-na u dhigtay ilmihii ay garcatay.

Filimku wuxuu marayaa xaalad adag, aadna u yax-yax badan, waxaanay dadkii faraha badnaa ee daawanayey ay shucuurtoodii noqotay oo ay gashay hiimsa-hiimse iyo hoos u gunuunuc. Qaarkoodna intay xamili waayeen ayey ilmadu hibitiqlaysay.

Iyadoo xaaladdu ay halkaa marayso ayuu Filimkii isu bedelay dareen farxad iyo yididiilo abuuray, soona nooleeyey dareenkii daqiiqado ka hor dhulka yaalay. Waa wiil iyo gabadh ku gaashaaman dar-daarankii diintooda iyo dhaqankooda. Laasimayna habkii raallida laga ahaa, ee loo marayey Guurka xalaasha ah.

Wiilkan iyo Gabadhani waxay cagta saareen sidii lagu aflaxaayey If iyo Akhiraba, waxaanay isla qaateen Guur ay waalidiintoodiina u bandhigaan, sidii diintu inna fartayna lagu ballaysimo. Halkaasina waxaa kasoo widh-widhay nolol lagu wada farxay, ifafaalaheeduna aad u fiicanyahay.

Filimkani oo ku bilaabmay qosol ay ku laabudantahay qajilaadi, ayaa intiisii badnaydna waxuu isu bedelay xaalad aad u culus oo taabatay qof waloo daawanayey. Isagoo gunaanadkiisiina ku af-jaray ray-rayn iyo nolol wanaagsan.

Haddii la soo kobo farriinta culus ee Filimkani xambaarsanaa ayaa ahayd sidii looga dheeraan lahaa Sinada looguna dhiiran lahaa Guurka xalaasha ah. Waxaanu Filimku uu si gaara dhallinta ugu boorinayaa inay ka dheeraadaan xod-xodashada iyo Shukaansigaba. Isagoo Filimku digniin culus u diraya hablaha kuna baraarujinaya inay ka waantoobaan haasaawaha beenta ah ee kaga imanaysa Ina Rag.

Madasha oo ahayd mid aad u camiran, ayaa waxaa markii uu Filimku dhammaaday hadallo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan. Waxaana ka mid ahaa Abwaan Axmed Aw-Geeddi oo ahaa hal-abuurkii curiyey Filimkan loogu wan-qalay Waraabe-Dharle.

Abwaanku wuxuu madashii uga mahad-celiyey Jilayaashii Filimka, Soo saarihii iyo guud ahaan dadkii ka qayb-qaatay soo bixista filimkan. Waxa kaloo uu u mahad-celiyey gebi?ahaanba marti-sharaftii xafladda isugu timi.

Abwaanku waxa uu ka sheekeeyey filimka iyo curintiisa wixii ku dhaliyey waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya uu yidhi “Dariiqaad martaba ilma-yar baa yaalla, Gurigayga agtiisa, ayaa ninbaa wuxuu la kulmay gabadh ordaysa, wuxuu u qaatay inay Ciyaala-suuq soo eryatay, inyar markuu socday wuxuu la kulmay ilma yar oo jaqaaqda haya, oo meesha ay dhigtay,  dabeed wuxuu is yidhi malaha hadaad qaado adaa sitay baa lagu odhan doonaayoo, xaafadihiibuu ku garaacay, intuu xaafadaha ku maqnaabaa loo yimi ilmihii yaraa oo Ey cunayso…”

Abwaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waa xaqiiq kuwo fara badan oo suuli lagu riday, kuwo fara badan oo wadada la dhigay oo gaadhi jiidhay, kuwo bac lagu riday oo Bas lagaga dhex tagay iyo kuwo fara badan oo guri la hor-dhigay oo nasiibkooda subixii lagu soo toosay iyagoo nool…”

Abwaan Axmed Aw-Geeddii waxa uu sheegay qisada filimkani ka hadlayaa inay tahay dhibaato mujtamaceena ku dhacday. Waxaanu aad uga dardaaray dhallinta, isla markaana hablahana uga digay inay iska jiraan Siraha dhagaraysan ee ragga. Waxaanu yidhi isagoo la hadlaaya dumarka:

Fiidmeer ha noqon inan yaroo fududi waa Ceebe

Raggu waa faduuliye hadduu maago farawgaaga

 Farsamooyin badan-buu yaqaan bahalka foofaa.

Abwaan Axmed Aw-Geeddi waxa uu tilmaamay cawaaqib xumada ka dhalata haasaawaha beenta ah ee lagu hodo dumarka, waxaanu sheegay in aan indhaha laga qarsan Karin qof nool oo maalin walba la tuurayo, taasoo ka dhalan karta Cuqubo, Isir baaba?, Sharaf beel, Ceeb, Takoor, Cuqdad iyo Cadawtinimo.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta Qoraa C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa ku ammaanay curiyihii Filimka, Soo saarihii iyo Jilayaashiiba sidii qiirada lahayd ee lala ooyey ee filimkan ay u dhiseen.

Boobe waxa uu ka sheekeeyey dhibaatada uu filimkani ka hadlayo iyo sidii ay usoo taxnayd tan iyo waa hore, isagoo tusaale u soo qaatay Ruwaayaddii SHABEEL-NAAGOOD ee Abwaan Xasan Sh. Muumin (IHUN).  Ruwaayaddii EED HOOYO LAGA GALAY oo uu curiyey Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Maansadii Abwaan Hadraawi ee INDHA-BADAN, kuwaasoo uu sheegay inay dhammaantood ka hadlayaan isla dhibaatada uu filimkani WARAABE-DHARLE ka hadlayo.

Qoraagu waxa uu iftiimiyey sida lagaga gaashaaman karo dhibaatadaasi, waxaanu dhallinta xasuusiyey kuna baraarujiyey inay ka waantoobaan ficilladaasi foosha xun. Isagoo ku baraarujiyey maxkamadda ugu weyn ee la taagi doonaa inay tahay Maxkamadda Ilaahay.

Marwo Faadumo Saciid oo ka mid ah madax xisbiga UCID ayaa iyaduna goobta ka hadashay, waxaanay ammaan ballaadhan u soo jeedisay Curiyihii Filimka. Iyadoo digniin iyo dardaaran gaar ah-na u dirtay hablaha, waxaana hadalladeedii ka mid ahaa “Waxaanan idin leeyahay habloow, macdanta yare ee uu Ilaahay SWT innagu mannaystay ee meeshaad ogtihiin innoo galiyey si dhayal-dhayal ah ha u dhiibina…cid kaloo idiin xafidaysaa ma jirtee, ha dhiibina, xafida haddaad doontaan quful ku xudha…”

Masuuliyiintii kale ee goobta ka hadlay hadallada dardaaranka iyo digniinta isugu jirana jeediyey waxaa ka mida Agaasimaha HAVOYOCO Mr Cumar Sh. C/laahi Ciise, Xildhibaan C/raxmaan Cartan, Sacdiya Muuse iyo C/laahi-Ubax oo ka mida qurba-joogta Somaliland.

Waxaa hoosta laga xarriiqay in dhibaatadan oo beryahan dambe soo badatay ay qayb-libaax ka qaadato aaladahan casriga ah ee Isgaadhsiinta. Kuwaasoo fududeeyey xaqiijinta hadimooyinkan. Waxaana la isla qaatay sidii feejig-naan loogu yeelan lahaa aaladahaasi.
 
Filimkan waxaa gacan ka geystay, soona agaasimay xafladda Hay´adda HAVOYOCO, waxaa hambalyo iyo bogaadin gaar ah loo gudbiyey Hodan Nuux oo magaca Filimka heshay, Iyo Jilayaashii filimka oo kala ahaa C/raxmaan-dheegsan, Kamaal Xasan Isaaq, Ifraax Axmed iyo Amran Mahad. Sidoo kalena waxaa aad loogu mahad-celiyey Maxamed Aw-Aaden oo Filimka sameeyey soona saaray. Waxa kale oo loo mahad-celiyey kooxda qalaama-rogadka ee Circus Somaliland.

 

 HALKAN GUJI OO DHAGAYSO

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abuhurayra)
abuhurayra@hadhwanaag.org

Hargeysa, Somaliland.

ndly Link

Xigasho. Hadhwanaagnews

Somaliland1991@gmail.com

Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: