Qurbe joog badan oo sannadkan u hayaamaya Somaliland

Sannadkan ayaa dad badani oo qaarada Yurub ku nooli ay aad iskugu diyaar garanayaan sidii faamiliyada loo summer gayn lahaa dalkii.

Bisha Juun-Ogos ayaa diyaaradu wada buuxaan, dadku intooda badan waxa ay buukidhka sii samaysteen bishii feb-April 2013 si ay u helaan tigidho jaban, diyaaraduna uga buuxsamin. Waxaa sannadba sannadka ka sii danbeeyaa sii kordhaya tirada dadka qurba jooga ee u hayaamaya dalkoodii hooyo oo aanay muddo arag. Dad qiyaastii lagu qiyaasay kumanaan kun ayaa sannad walba u kulayl (summer) taga dalkii, Taasina waxa ay keentay in dhaqaale badan oo dakhliya  ay soo geliyaan dalka Somaliland. Waxaa dadka yurub ka tagaa inta badan sii raacaa Ethipian Airlines, oo ilaa Berbera geysa rakaabka, maadaamuu weli xidhan yahay madaarkii Hargeysa.

Waxaa dibu dhac weyni oo qayral caadiya ku yimid dhamaysatirkii madaarka sababo aan la garanayn. Wasiirka duulista iyo hawada ayaa hore u sheegay in bishii Juun ee aynu soo dhaafnay bartamaha la furi doono. Immikana waxaa la galay bishii Juli ee 7aad. arrintan dibu dhaca maaha arrin ay soo dhawaynayaan oo ay ku faraxsan yihiin  qurba jooga Somaliland. Waxaa kale oo dhawr goor dadku uga cabanayaa in ay waayaan shandadahooda oo aan la isa soo wada raacin rakaabka iyo shandaduhu, aarintan ay  tahay fadeexad weyn oo ay macmiil badan ku waayi karto  diyaaradda Ethiopian Airlines. Waxaa iyaduna laga yaabaa in duulimaadyo ka furto Somaliland, diyaaradda Turkish Airlines.

Dalkeenna Somaliland waxa uu leeyahay meelo badan oo lagu nasto ama loo daawasho tago. Haddaba haddi aad tegayso dalkii ha mo gaan inaad booqato xeebaha quruxda badan ee Ilahaay dalkeenna Somaliland ku manaystay-

Halkan hoose ka daawo tusaale, video clip xeebaha quruxda badan.

Somaliland1991

Somaliland1991@gmail.com

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: