Amiirad u dhalatay dalka Sacuudiga oo dacawadi kaga socodto dalka Maraykanka waa maxay sababtu?

 

Meshael Alayban.Sawirka haweenayda amiirada ah,  Meshael Alayban. oo da´deedu tahay 42 jir

Haweenaydan, Meshael Alayban.,  oo ah amiirada oo uu qabo  Abdulrahman bin Nasser bin Abdulaziz al Saud, 

Ayaa isaga iyo reerkiisu ay sannadkii hore, 2012,  u guureen gobolka California ee dalka Maraykanka. Haddaba waxa ay sii kaxaysteen shaaqiyadii guriga uga shaqayn jirtay markii ay joogeen dalka Saudi Arabia, gabadhan shaaqiyada oo asal ahaan ka soo jeeda qaarada Africa, khaasatan dalka Kenya, ayaa waxaa la soo gudboonaatay dhibaato iyo tacadid faro badan oo kaga imanayey reerka amiirka iyo amiirada Sucuudiyiinta. Waxaa dhaqan iyo caado u ah in dalalka carabta khaastan Sucuudiga iyo khaliija in ay dadka guryaha uga shaqeeya ay dhibaato xun  soo gaadhsiiyaan, taasoo mararka qaarkood keenta dhimasho. Waxaa sannad walba soo baxda warbixin amuurtan ku saabsan tacadiga ay u geysataan dalalka carabtu dadka ajnabiga ah ee guryahooda uga shaqeeya. Tiradan dadka dhibta ay u geystaan oo inta badan ka yimaada dalalka Aasiya ku yaala.

Sida Filipin, Malaysia, Vietnam iyo dalal kale oo badan. Gabadhan Kiiniyaatiga oo ka waramaysa dhibaatooyinkii ay ku hayeen reer boqor, aaya sheegtay in baasaboorkeedii Kiiniyaatiga ahaa ay reerku ka qaateen oo ka xareeyeen, maalin walbana  ay khasab kaga dhigeen in ay guriga ka shaqayso 16 saacadood, wiig walba oo aanay maalin kaliyana aanay nasanin. (Gumaysi weyn ayey reerku ku ahayeen iyada)

Haddaba gabadhii Kiiniyaatiga ahayd,  ayaa marki ay xamili kari wayday tacadigii ay ku hayeen reer boqor, goosatay in ay shandadeeda qaadato tiiyo aanay reerku ogayn,  ka dibna iskaga tagtay. Waa markii u horaysay ee ay dibad u soo baxdo inti kale waxay ahayd qof guri uun ku jira. Kadibna qof meel taagan oo bas sugaya ayey arrintii u sheegtay oo ka naxay sida ay u eeg tahay iyo diifta ka muuqata, garatayna in qofkan dumari ay dhibaato ka muuqadto, gabadhii ay arrinta u sheegtay ayaa tidhi arrintani waxa ay u  eeg tahay Slave, Gumaysi, Booliskii ayaa loo sheegay, ka dibna Booliskii ayaa gurigii tegay ay degenaayeen reer boqor, waxaana loogu tagay gurigii afar dumar ah oo sidan gabadhan Kiiniyaatiga loo gumaysanayaye oo u dhashay dalka Filipin. Booliskii ayaa soo kaxeeyey haweenaydii amiirada ahayd, waxaan immika ku socodta dacwad oo lagu soo oogay, damiin ayaa lagu sii  daayey, Si aanay dalka uga bixin ayaa lagu xidhay, GPS monitoring katiinada saacada  ah  ee lagala socdo meesha ay joogto, ama ay marayso.  waxaa laga baqanayaa in ay dusto oo  dalka ka baxdo. Haddii ay ku cadaato dacwada uu xeer-ilaaliyuhu ku soo oogay haweenaydan  amiirada ah ee u dhalatay dalka Sucuudiga waxa ay mutaysanaysaa xadhig dhan  12 sanno oo xabsi ah. Intii aan la damiinan ayaa waxa ay ku jirtay oo lagu xidhay jeelka dumarka ee Orange Countys.

Halkan hoose ka daawo warkan!!!!!!!!!!!!!!!

English

A Saudi princess was charged Wednesday with human trafficking for allegedly holding a domestic worker against her will at an Orange County condominium, prosecutors said.

Orange County District Attorney Tony Rackauckas identified 42-year-old Meshael Alayban as a Saudi princess who was charged with one count of human trafficking. If convicted, she faces up to 12 years in prison. (Source: USA Today)

Cadnaan C/raxmaan

Somaliland1991@gmail.com

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: