Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Xayiraadii Laga Qaaday Duulimaadyada Qaramada Midoobay, Kana Hadlay Halka Uu Marayo Dhismaha Garoonka Caasimadu.

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Xayiraadii Laga Qaaday Duulimaadyada Qaramada Midoobay, Kana Hadlay Halka Uu Marayo Dhismaha Garoonka Caasimadu.


(Hadhwanaagnews) Monday, July 15, 2013
Hargeysa(HWN):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in xayiraadii laga qaaday duulimaadyadii qaramada midoobey ee ay hore xukuumada Somaliland xayiraada u saartay.

Hargeysa(HWN):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa  shaaca ka qaaday in xayiraadii laga qaaday duulimaadyadii qaramada midoobey ee ay hore xukuumada Somaliland xayiraada u saartay.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayey xafiiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu ka hadlay heshiiska laga gaadhay maamulka hawada Somaliland iyo somaliya.

Wasiirka duulista oo ugu horayntii

ka hadlaya  duulimaadyada qaramada midoobay ee ay xukuumadda Somaliland hore xayiraada u saartay waxa uu yidhi ?heshiiska ka  soo baxay  wada hadaladii turkiga waa mid abuuri karo jawi lagu maamuli karo hawada Somaliland iyo somaliya, kaas oo dan weyni ugu jirto Somaliland, aniga oo ku hadlaya  magaca xukuumada waxaan idiin sheegayaa  in Somaliland ay dib u qiimaysay duulimaadyadii ay xanibtay ee qaramada miboobay, anaga oo ka duulayna heshiiskan hor dhaca ah, baahida loo qabo danaha adeegyada bulshada maanta laga bilaabo waxaanu ku dhawaaqaynaa inaanu dib  u furay duulimaadyadii qaramada miboobay.?

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi

Sidoo kale wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland waxa uu ka war bixiyey halka ay marayo mashruuca dib u dhiska madaarka caasimada Hargeysa oo mudooyinkii u danbeeyey xidhnaa isaga oo sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo furi doono garoonka waxaanu yidhi ?mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa oo ahayd inaanu  furno 20 bishii june dib ayuu nooga dhacay waxaana sababay duruuf farsamo,waxa ku yimid dhibaatooyin doora kuwaas oo ay ka mid ahaayeen roobabkii guga oo ku keenay dib u dhac, iyo karajaradii dhagaxa samaynayey oo ku yaraaday, arimahaas ayaa keenay dib u dhaca balse waan ka raali gelinayaa bulshadii ku tala gashay inay sanadkan ka soo dagto garoonka, waxaanan rajaynaynaa inuu mashruuci si dhakhso ah u soo dhamaado iyada oo dhismaha garoonku gabagabo ku dhaw yahay wakhtigan?ayuu yidhi wasiirka duulista Somaliland.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

 

Xigasho: Hadhwanaagnews

Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: