Madaxtooyadda Somaliland oo bixisay Wado weyn oo badhtamaha Hargeysa ah xil Golaha deegaanku ku foognaayeen Baloodho kale

Hargeysa(Waaheen) Xaafadda India Line ee magaaladda Hargeysa oo uu Daahir Rayaale qaybo ka mid ah guryahaas Iibiyay ayay mantaMadaxtooyadda Somaliland bixisay mid ka mid ah jidadka Waaweyn ee xaafadahaas oo ah sekedo iska soo horjeeda.

Ilaa hada lama oga sababta Dhismahaas Madaxtooyaddu u ogolaatay, hase yeeshee warfidiyeeno Waaheen ka tirsan oo goobta booqday ayaa ugu tagay Maayarka Hargeysa oo la dhakafaarsan talaabadan madaxtooyaddu ku soo bixisay dhulkan, waxaanu Waaheen u sheegay inaanu waxba ka ogayn dhismahan ee uu imika uun isagoo shaqada ka soo rawaxay ku war helay.

hindi1

Maayarka oo Waaheen weydiisay sharciyadda dhulkan lagu bixiyay waxa uu ku jawaabay “ ma ogi oo imkaan anba arkayaa waan soo rawaxay oo waa labadii hadana waxaanaa dhacay, waa goor danbe oo xafiisyadii ana weydiin lahaa waa laga rawaxay” ayuu yidhi

Mar la weydiiyay in dadka dhulkan dhistay xafiiskiisa soo mareen waxa uu yidhi “ intii aan xafiiska joogay dhulkani imuu soo marin, waa shacab Area, markaa cida masuuliyadda leh ayaan weydiinaynaa, waxa kaloon hubinaynaa cida sharciyadda u soo samaysay” ayuu kaga baxay.

Dhulkan la dhisay waxa uu ka danbeeya dhismihii ilmo Indhadeero ee uu dhawaan madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici xadhiga ka jaray, kaasoo ahaan jiray guryihii uu Daahir Rayaale bixiyay ee Xisbiga Kulmiye markii uu Mucaaradka ahaa ku dhaliili jiray dhawaana ay ku faaneen, laakiin waxa dadweyne goobta la dhisay ku amakaagsaaa ay la yaabeen Daahira Rayaale Sekedao dhisan buu bixin jiraye sababta Madaxtooyaddu sekedaha Wadadii u dhaxaysay ay u soo bixisay.

hind4

Dhismaha Dhulkan wadada ah ayaa waxa uu ka hor imanayaa Digreeto Madaxweyn Axmed Siilaanyo dhawaan ka soo saaray dhulka Dawladda, taasoo uu ku sheegay in aan la kala Ibsan Karin, la dhisan Karin isla markaana aan si kale looga faa’iidaysan Karin. Marka ay sidaas tahay su’aasha meesha taalaa waxa ay noqonaysaa digreetada Dhulkan lagu fasaxay maxaa loo cuskaday, madaxweynuhuse ma ogyahay.

Dhinaca kale, Sekeda kale ee soo Eegaysa jidkan Madaxtooyaddu manta bixisay wax aka socda Dhisme kale, oo dad goob joog ahi Waaheen u xaqiijiyeen in ay dhisanayaan Ilma Indhadeero kaasaoo ah isla guryaha Hindia Line-ka, kaasoo u muuqda in ay Iibsadeen Xukuumadduna u fududaysay, waana Guri ka mid ah Sekedda oo wajahada eegaya.

hindia2

Mid ka mid ah shaqaalaha Dhulka dhisay oo goobta ku sugnaa oo Waaheen u waramay ayaa sheegay in Sodon wastaad saaka la galiyay dhulkan isla markaana ay Tobankii barqanimo ka faraxasheen “ dhulka waxa Seesanaya Ismaaciil Yare Seedigii, sharcibaanu u haystaa, saaka ayaanu ku galnay sodon Wastaad iyo Kuuligoodii galin horeba waanu ka faraxalanay” ayuu yidhi

Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa lagu Eedeeyaa inuu yahay kii ugu Liitay ee soo mara Caasaimadda, waxaanay wararka suuqa Hargeysa lagu faaqidaa sheegaan in ay u gacan galeen Madaxtooyadda oo laga maamulo, go’aan kasta oo ay qaadatao aanay ka hor iman Karin, taasina tahay sababta manta Wado intaas leeg Madaxtooyaddu si badheedh ah u soo siiso shakhsi Shicib ah

 Xigasho: Waaheen

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: