Xukuumadda iyo Waxgarad ugu Baaqay Dadweynaha inay ka Qaybqaataan Dhismaha Maktabadda Qaranka Somaliland National Library

Hadhwanaagnews) Tuesday, July 23, 2013
Mr. Cabdikariim Maxamed Iid, Sheekh Maxamed Aadan iyo weliba xubno ka mid ah guddi isku xilqaamay dhismaha

Hargeysa (HWN)? Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, muwaadiniin aqoonyahan iyo ganacsato ah ayaa si wadajir ah shacab waynaha ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha maktabadda qaranka (National Library) oo la doonayo in laga hirgeliyo caasimadda Hargeysa.Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashad

iyo Tacliinta Sare iyo Qorshaynta Qaranka ? Marwo Samsam Cabdi iyo Dr. Sacad Cali Shire oo ay wehelinayeen, Maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM Mr. Cabdikariim Maxamed Iid, Sheekh Maxamed Aadan iyo weliba

xubno ka mid ah guddi isku xilqaamay dhismaha rugta Qaran ee buugaagta Somaliland, ayaa shir jaraa?id oo ay shalay ku qabteen xafiiska Wasiirka Waxbarashada waxay ku faahfaahiyeen faa?iidada ay yeelanayso maktabadani iyo halka uu marayo qorshaha dhismaheedu, iyagoo shacabka ugu baaqay inay ku taageeraan wixii awooddada ah dhaqaalaha loo baahan in lagu hirgeliyo.

 

Mr. Axmed Daahir Cilmi oo ka mid ah xubno qurbo-joog ah oo isku xilqaamay dhismaha maktabadan oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey halka uu marayo qorshaha hirgelinteeda o ka socota gudo iyo dibadba.

?Waxaynu u baahanay in qof kasta oo shacabka ka mid ahi is yidhaahdo adiga la?aantaa dhismaha maktabadani ma soconayo haddii aanad ku darin hal doollar, shan doollar, toban doollar ama wax ka badan hirgelinmaayo,? ayuu yidhi Mr. Axmed Daahir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden, ayaa shacabka u soo jeedisay inay ka qaybqaataan dhismaha rugtan oo u muhiim ah dhallinyarada ku jirta jaamacadaha iyo dugsiyada kala duwan, kuwaasi oo ay sheegtay in aanay hadda haysan meel ay wax ku akhristaan oo in badan oo ka mid ahi wax ku akhristaan laambadaha gidaaradda hoostooda la fadhiistaan, maadaama nidaamka dhismaha guryaha dalkeedu kooban yihiin oo aanay carruurtu haysan meelo iyaga uga gaar ah. 

Marwo Samsam waxay ammaantay dhallinyarada reer Somaliland ee keenay fikirka rugtan oo haddii laga dhabeeyo suurtogelin doonta in shacabku hirgeliyaan waxyaabo kale oo badan.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maktabadaha oo ah meelaha aqoonta iyo taariikhda laga dheehdo uu leeyahay dal kasta oo adduunka ka mid ahi, balse ay nasiib-darro tahay in aanay Somaliland iyadu lahayn. Waxaannu shacabka ugu baaqay inay gacan ka gaystaan mashruucan oo faa?iidooyin badan u yeelanaya aqoonta iyo taariikhda waddanka.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa isaguna soo dhaweeyey tallaabadan hirgelinta rugta kutubta, waxaannu sheegay in kaalinta ugu wayn ee hirgelintiisa ay leedahay saxaafadda dalka oo u soo jeediyey in ay u hagar baxaan sidii ay shacabka u gaadhsiin lahaayeen hawlaha dhismaha maktabada iyo faa?iidooyinka ku jiraba.

Sidoo kale, Maareeyaha shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM Mr. Cabdikariin Maxamed Iid, ayaa ku macneeyey rugtan buuggaagta inay fure u noqonayso kobcinta maskaxda, waxaannu yidhi, ?In maskaxda bini?aadamka la koriyo waxa kow ka ah aqoonta, aqoontuna waxay baahan tahay wixii la qoray meeshii lagu kaydin lahaa, dhallinyarada inoo kacaysa iyo dadka waaweynba waxay u noqonaysaa meel ay isugu yimaadaan oo ay aqoonta ku korodhsadaan. Markaa waxaannu halkan ummadda uga jeedinaynaa in hiil iyo hooba la isku barbar taago sidii aynu uga midho dhalin lahayn dhismaha rugta buuggaagta, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu inoo fudueeyo.?

Ugu dambayntii Sheekh Maxamed Aaden Muxumed oo shirkaasi jaraa?id ka hadlay, ayaa sheegay in hirgelinta maktabadani tijaabo u tahay dadweynaha reer Somaliland oo haddii ay ku guulaystaan keeni doonta in la dhiso cusbitaallo iyo mashaariic kale oo ka waawayn.

?Goobta aynu ka hadlaynaa waa halkii aqoontii oo dhan la isugu soo ururin lahaa, buugaagtii inaynu meel isugu keeno oo aynu mustaqbalkeenii halkaa isugu ururino oo aynu ubad iyo umad aqoon leh noqono waa mid waajib ah,? ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

 

Codsi:

Muwaadin waxa lagaa codsanayaa inaad ka qaadato aas-aaska Rugta Kutubta ee Somaliland oo laga dhisayo caasimadda Hargeysa, waxa lagaa rejaynayaa inaad ku tabarucdo wixii karaankaaga ah, sida $ 2,5,10,20,50,100 ama wixii intaa dheer ee karaankaaga ah, waxaad tabarucaadkaaga ku hagaajin kartaa Dahabshiil Acount: HTGD 20360 ama ZAAD-ka oo ah 4248066.

Xigasho: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: