Madexweyne Siilaanyo Oo La Sheegay In Uu Magacaabayo Gudida Ictiraaf Raadinta Qaranka Oo Ka Shaqeyn Doona Qeybo Kamid ah Shaqada Wasaarada Arimaha Dibada Waa Kuwee Cida Loo Magacaabaya?

Madexweyne Siilaanyo Oo La Sheegay In Uu Magacaabayo Gudida Ictiraaf Raadinta Qaranka Oo Ka Shaqeyn Doona Qeybo Kamid ah Shaqada Wasaarada Arimaha Dibada Waa Kuwee Cida Loo Magacaabaya?


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 25, 2013
Sida ay u xaqiijiyeen Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ilo xogogaal ah oo udhuun daloola Qasriga Madaxtooyada Somaliland gudidan Madexweynuhu u Magacaabayo Siyaasada Arimaha Dibada

 

 

 

Hargaysa(HWN)-Madexwynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),  ayaa la Sheegay in uu dhawaan Magacaabay Gudida Ictiraaf raadinta Qaranka  kuwaas, oo ka Shaqeyn doona Qeybo kamid ah Arimaha Diblamaasiyada  Somaliland ee ay hore u qaabilsnaeyd Wasaarada Arimaha Dibada iyo  Iskaashiga Caalamiga ah, arintan oo kusoo beegantey wakhti uu dalka soo gaadhey ruug cadaa lo Magaacaabay Wasaaradaasi, oo mudo badan lasoo  Shaqeeyay Qaramada Midoobay.Sida ay u xaqiijiyeen Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ilo xogogaal ah oo udhuun

daloola Qasriga Madaxtooyada Somaliland gudidan Madexweynuhu uMagacaabayo Siyaasada Arimaha Dibada qeyb kamid ah gaar ahaan Gudida

Ictiraf raadinta Qaranka waxa kamid ah Pro. Axmed Ismaaciil Samater,

Wasiirkii hore ee Wasaarada Kaluumeysiga Somaliland C/laahi Cismaan

Jaamac(Geel-jire), iyo rag kale oo aan hadalheyntoodu wali soo shaac bixin,

waxaana la filayaa in Magacaabistoodu hada kaamboolka saaan tahey, taas oo

ay Madexeyne Siilaanyo iyo Pro. Axmed Ismaaciil Samater kukala tageen kadib

markii uu kulan gaar ah lasii yeeshay intii aanu ka amababixin Somaliland,

in uu kala Shaqeyn doono Arimaha Diblamaasiyada Caalamiga ah hadii ku

dhaqmo daacadnimo iyo Cadalad uu ku hogaaminayo dalka Somaliland.

Hadalhaynta Arintan ayaa kusoo beegmeysa,wakhti uu dalka dhawaan soo

gaadhey Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada loo Magacaabay Maxamed Biixi

Yoonis, o kasoo shaqeeyay Arimaha baniaadanimada ee Qaramada Midoobay

islamarkaana ah ruug cadaa mudo badan kasoo shaqeeeyay hay,adaasi iyadoo

Madaxtooyadu u aragtey, in aanu waxba kala Socon wakhti xaadirkan

Diblamaasiyada Caalamka heerarkeeda kala Duwan iyadoo, inta ugu badan ee

dadweynaha Reer Somaliland ay aad u hadalhayeen in Xidhiidhka iyo

Cilaaqaadka Wasiirka Cusub ee Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi

Yoonis iyo Madxexweyne Siilaanyo aanu ka fogeyn Qoyskiisa iyadoo sigaar ah

loo Xusey wiil uu Madexweynuhu dhaley oo ka shaqo galiyay daafuur,

haseyeeshee ilaa iyo hada lama oga in arintan uu War ka helay Wasiirku iyo

inkale.

Wixii warar ah intaa kusoo kordha kala Soco hadhwanaagnews.

 

 

 

Wariye C/raxmaan Nuux Axmed (hiiraan)

Hadhwanaagnews Emali:hiiraan2007@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: