Doorka ay telefoonada gacantu ka ciyaaraan duubista dhacdooyinka dunnida ka dhaca

Bal nala daawada qiso ka dhacday dalka Maraykanka, khaasatan gobolka California, magaalad Hawthorne. Tan iyo laga soo bilaabo wixii ka danbeeyey 90 nadii waxaa soo badanayey iibsiga ay dadku iibsdan telefoonka gacanta lagu qaato (Mobile) ka. Noocyadii hore may lahaan jirin qaybta sawir qaadista ama duubista, hase yeeshee mobiladii danbe ee casriga ahaa ayaa aad loogu sameeyey kamarad sawirka qaadis/duubis ba leh. Waxaana dadka dunnida intooda badani wda sitaan noocan leh sawir qaadis/Duubis. Waxaana ay sahashay in ay dadku sawir ka qaadaan ama duubaan dhacdooyin cajiiba, sida matala, dad wax dhacaya, dilaya, shil  iwm. Dhacdada aad maanta idiin soo xulnay waxa dhacdo lagu duubay Mobile, telefoonka gacanta lagu qaato.

Waxa aad hore u soo daawateen muuqaalkii hore oo ka hadlayey,  laba dumara oo ka tirsan ciidamada tarafikada dalka China oo gacan iskula tegay mar ay baabuurta kala hagayeen, dhacdadaas oo lagu duubay Mobile, telefoonada gacanta, oo adduunka meelo badan laga daawaday,  ka dib markii la geliyey You Tube-ka. Waxa kaloo laga yaabaa  in aad daawateen dhacdadii dhawr wiig ka hor ka dhcaday magaalada Dubai, ninkii carabka ahaa, carabkii dhergay, ee cigaalka ku garaacayey wadada dhexdeeda ninka miskiinka ah ee hindiga, . dhacdadaas oo iyana qof gaadhis fuushanaa kaga duubay mobilkiisa gacanta. waxaana dhacday in sawir qaadahaas o isna hindi ahaa markii danbe xabsiga loo taxaabay.

Dhacdadan aad immika daawan doontaan waa dhacdo dalka Maraykanka ka dhacday oo lagu duubay mobile, telefoonka gacanta. Bal nala daawada. video oo ay daawadeen markii You Tubka la soo galiyey in ka badan 1 miljan qof

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: