Halkan ka daawo wariye dalmareen Turkiya oo Somaliland soo booqday

Waa film aad iyo aad u xiiso badan

 

©Somaliland1991

Sawirka maanta Somaliland1991 (Aaminaanta)

©Somaliland1991

Wariye Ducaale (HCTV) oo waraysi xiiso leh la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland

©Somaliland1991

Booqashadii uu dalka ku yimid Safiirka dalka Holland u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somalia

 

©Somaliland1991

Sawirka maanta Somaliland1991Waa magaaladda Hargeysa oo roob ka dayo

Foto: somaliland socotee

Foto

©Somaliland1991

Wasiirka ariimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo shir jaráaid shalay ku qabtay Hargeysa

Somaliland1991

Madaxweynaha Somaliland Oo La kulmay Safiirka dawlada Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Hadhwanaagnews) Wednesday, August 21, 2013
Madaxweynaha Somaliland Oo La kulmay Safiirka dawlada Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

IMG_1030

Hargaysa (HWN):-Safiirka dawlada Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Joust Strangers iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayay ayaa maanta madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada.

 IMG_1045

Kulankaasi dhex maray madaxwaynaha Somaliland iyo weftiga ka socday dalka Holland oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda uga waramay wasiirka Arrimaha dibada iyo is-kaashiga caalamaiga ah ee Somaliland

IMG_1043

Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaasi goob joog ka ahaa iyo safiirka dawlada Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Joust Strangers oo si wada jir ah shir jaraa?id ugu qabtay xarunta madaxtooyada.

Maxamed Biixi Yoonis Waxaanu sheegay in shirkaasi ay kaga wadahadleen waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii ay dawlada Holland wax ula qaban lahayd Somaliland gaar ahaana dhinaca horumarka.Waxaanu yidhi ?Aniga oo ku hadlaya af-ka madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaan halkan uga mahad naqayaa Safiirka dawlada Netherlands u qaabilsan Somliland iyo Soomaaliya iyo xubno la socday oo halkan maanta (shalay) aanu ku shirnay, shirkaasi oo ahaa shir aad iyo aad u wanaagsan, waxyaabo badana waanu kaga wadahadalnay, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii aan ka wadahadalnay sidii aanu wax u wada qabsan lahayn dawlada Holland, gaar ahaana xagga mucaawimada iyo horumarka, waxyaabaha ugu badan ee ay hore dawlada Holland inoogu qabatay waxaa ka mid ah labada dhisme ee goleyaasha guurtida iyo wakiilada oo ay ka qayb qaadatay dhismahooda iyo mashaariic kale oo yar-yar?.

 IMG_1044

wasiirka Arrimaha dibada iyo is-kaashiga caalamaiga ah, waxa kale oo uu sheegay in ay safiirka iyo weftigiisa u soo bandhigeen sidii ay dawlada Holland Somaliland uga taageeri lahayd maalgashiga iyo horumarka isla markaana ay dawlada Holland uga mid noqon lahayd dawladaha dhaqaalaha ku bixiya sanduuqa horumarinta Somaliland.Waxaa kale oo uu wasiir Biixi tilmaamay in ay safiirka iyo weftigiisa ay waydiisteen sidii ay dawlada Netherlands deeqo waxbarasho u siin lahayd ardayda Somaliland taasi oo ay ka aqbaleen sida uu sheegay wasiirku iyo sidoo kale in ay dawlada Holland ka caawiso Somaliland adeegyada dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaana biyaha iyo waxyaabo kale.

 IMG_1017

?Imikana waxaanu u soo qadinay safiirka iyo weftigiisa la socotay sidii aanu wax u wada qabsan lahayn, una wada shaqayn lahayn, waxna noo tari lahayd dawlada Holland, gaar ahaana maalgelinta iyo horumarka sidii ay nooga caawin lahaayeen, kana soo qayb galaan sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanu safiirka waydiisanay deeqo waxbarasho, kuwaasi oo uu noo sheegay in ay na siin doonaan iyo in ay xagga biyaha iyo meelo kaleba wax nagala qabtaan, Wadahadaladiina imika weli way socdaan arrimo noocaasi ah ayaanu ka doodnay, waxaa kale oo aanu ka wadahadalnay sidii aanu u sii xoojin lahayn xidhiidhka iyo is-kaashiga naga dhexeeya? ayuu yidhi wasiir Biixi.

Dhinaca kale safiirka Holland u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa Somaliland, isaga oo tilmaamay in kulankaasi uu la qaatay madaxwaynaha Somaliland iyo wasiirka arrimaha dibada ay iskula soo qaadeen arrimo ku saabsan siyaasada, iskaashiga labada dal u dhexeeya oo la sii xoojiyo iyo sidoo kale dhinaca horumarinta.

Mr. Joust Strangers, waxa kale oo uu sheegay in ay kaga wadahadleen in ay shirkadaha dalka Holland ay maalgashi ka samayn karaan Somaliland. Waxaanu intaasi raaciyay safiirku in ay u soo bandhigeen madaxwaynaha deeqo waxbarasho oo ay dawladiisu u fidin karto ardayda reer Somaliland.

Isaga oo arrimahaas ka ahdlayana waxa uu yidhi ?Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Somaliland imaado, shirkani aanu ku yeelanay xarunta madaxtooyada madaxwaynaha Somaliland, wasiirkiisa arrimaha dibada oo ay xubno kale oo wasiiro ahina goob jog ka ahaayeen, waxaanu ka wadahadalnay arrimo ay ka mid ahaayeen waxyaabo la xidhiidhay siyaasada, iskaashiga dhinaca horumarinta, iyo sida ay ugu fududaanayso ama ay ugu suurto gelasyo in shirkadaha Holland ay maalgashi ka samayn karaan Somaliland.

sidoo kale waxaanu u soo bandhignay in aanu u fidin karno deeqo waxbarasho ardayda Somaliland, taasi ay fududahay in ay ka codsan karaan deeqo ardayda reer Somaliland dawlada Holland. waxaa jira qaybo ka mid ah bulshada reer Somaliland oo kumanaan ah oo degan kuna nool dalka Holland, waxaanan u malaynayaa in bulshadaasi ay gacan ka gaysan karaan fududaynta arrintaasi, waxaanay sidoo kale qayb wayn ka qaadan karaan xidhiidhka u dhexeeya labada dal?.

Hadhwanaagnews.com

Hargaysa/Somaliland

Hadhka02011@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo kormeer ku soo maray dhismaha loo dhisayo xarunta agoomaha Somaliland

©Somaliland1991

Askari Musharkiisa Iyo Xoogiisa Ku Dhisay Saldhiga Booliska Iyo Marsada Dagmada Saylac,

 

©Somaliland1991

Daawo dhacdadan naxdinta leh nin meyd sida oo isagii oo meydkii sid a ciidamadda Masar toogteen

 

Digniin haddii aad tahay qof si ku noqonaya daawashada

muuqaalkan ha daawanin!!!!!!!!!!!!!!!

©Somaliland1991

Halkan ka daawo tuug soomaali ah oo dumar wax ka xadaya

 

©Somaliland1991

Aan ku hambalyayno in ay maalin iideed oo farxadeed ka farxisay ciidammo 22 sannadood samrayay oo heegan ahaa. Boobe Yuusuf Ducaale

Aan ku hambalyayno in ay maalin iideed oo farxadeed ka farxisay ciidammo 22 sannadood samrayay oo heegan ahaa.

Garbihii arradnaa in kastoo, badankood asturmeen, haddana? Hargeysa, 13/8/2013ka,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, http://www.dharaaro.com

Haa….Immika ayaad mooddaa in la soo miiraabay. Hal-hays ayaynu u leenahay cirkii ayaa soo yeel-yeelanaya. Waa marka ay daruuruhu samaysmayaan ee ay is-raadsanayaan si ay u darrooraan. Macallin Gaarriye, murti-dhaadhigii xeel-dheeraha ahaana waxa laga hayaa: “Garoon aan biro lahayn ayaynu ku ciyaaraynaa, markaas ayaan la kala garanayn ka gool dhaliyay iyo ka aan waxba dhalin.” Malahayga guddi garsoor iyo siidhi-walena garoomaddaasi ma ay lahayn.
Haa…..Hadda ayay xukuumaddeenni derbi-ka-adag wax weyn ku soo dartay waddooyinkii shan shanta Kiiloo mitir ahaa ee aynu dhagax-dhiggooda iyo furitaannadooda ku dhego-barjownay. Mar mar ayaad is-odhanaysay kharashka xafladahaa laba-eefka ah ku baxa ayaaba shan kiiloo mitir oo kale noqon lahaa. Waa waxyaabaha ay dadku ku sheekaystaan, iyaga iyo Allahood e’.
Haa……Waa run. Tallaabo togan oo ididiilo leh weeyaan darajooyinkan la bixiyay. Waa ay inaga raageen. Waa la sugay oo la saadiyay. Ciidammadaa u baahnaa….Qarankaa u baahnaa…….dawladnimadaa u bahnayd……..dhiirri-gelinta iyo abaal-marinta ayaa u baahnaa…….horumarkeenna iyo ammaankeenna ayaa u baahnaa.
Haa…..Waa run. Aan hambalyayno xukuumadda, Talisyada Ciidammada iyo Guddidii Qiimayntaba. Wax hore loogu dhici waayay ayay ku tallaabsadeen. Dhiirranaan iyo ku-dhac ayaa meesha ku jira. Haddii qalad dhacayna waxa keenay ku-dhiirrashada, haddii kale sideedii ayay iskaga degemsanaan lahayd.
Haa…….Hadda xisaabtan ayaa taagan. Waa la dallacayaa…….Waa la casilmayaa…..Hadba waa sida qofku u tamariyo iyo hadba sida togan ee loo qiimeeyo. Ma aan sheegin eex iyo qaraabo-kiil lagu tallaabsado. Wax wal oo lagu dhaqaaqaba wax baa ka dhasha. Yaan la diidin haddii uu saluug yimaaddo, waayo wax inagu cusub oo aynu ka maagaynay 22kaa sannadood ayaa dhacay.
Haa…..Waa run. Xukuumadda waa aynu ku hambalyaynaynaa tallaabadan geesinnimada leh ee ay qaadday ciidammadana garbahoodii ku arrad tirtay. Waa guul maantaba haddii ay garbahooda daawanayaan oo aanay hoos u foorarin. Waa guul u suntan xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo ee cabashada badan dulqaadkuna ku yar yahay ee garan weyday Hubaal tilmaan iyo tusaaleba sii oo ha laba-diblayn. Alla waynu qarsanaynaaye, warqaddaa yare e Hubaal maxaa inaga gaadhay. Godka aynu ku dhacnay sida aynu iskaga soo faqnaa, dheer oo dhib leh.
Aan ku hambalyayno xukuumadda darajooyinkan ay bixisay. Aan ku hambalyayno in ay maalin iideed oo farxadeed ka farxisay ciidammo 22 sannadood samrayay oo heegan ahaa. Mid ka mid ah ciidammadaa dallacay oo laba xiddigood ku soo hagaageen, ayaa meel uu ka soo helay garan mayo e’ tilifoon ii soo diray habeen hore. Ku-ye: “Ma Mujaahid Boobaa?” Anna degdeg ugu idhi: “Haa”. Ku-ye: “Neyruushkii ayaa naga kacay oo laba xiddigle ayaan noqday.” Aniguna waan hambalyeeyay, waxaanan kula dardaarmay in uu darajadaa dhaqankeeda iyo milgaheeda yeesho.
Aaan hambalyayno xukuumaddeena moodaysa in aynu jecel nahay dhibteeda iyo xumaanteeda. Xaasha! Sow tii loo soo wada joogay waxa xukuumad la’aan inaga soo qabsaday. Xaasha! In ay dhacdo, dhugucdo, dheellido iyo dhutiso midnaba ma rabno. Aan hambalyayno. Aan ku hambalyayno kartida ay u yeelatay in ay Jamhuuriyadda Somaliland gudaheeda hal maalin oo iid ah ka wada bixiso darajooyinkii. Aan nidhaahno: Hambalyo…Hambalyo. Bal hadda aynu ka dhur-sugno inta ay ku qaddo bogaadintaas niyadda naga ah.
Qawad iyo saluug waa iska jiraa. Ciidammada Qaranka iyo asluubta sidaa carrabka looguma hayo. Waa Bilayska meesha afka laga dhigi la’ yahay. Kolka horeba ciidammadu ma sinnayn. Ciidanka Qaranku wuu ka horreeyay kuwa kale oo waa kii gartay in uu leyli sarkaal ciidammada ugu diro dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Tallaabadaasi ciidanka wax weyn ayay u tartay. Qaranka naruuro ayay u noqotay, Ciidammadiina hankoodii iyo hiyigoodiiba kor ayay u qaadday oo waa taa manta qaar badani garbahoodii daawanayaan ee aan arkayn waxa hor socda ama ka hor imanaya. Qaar muraayadahan la isku daawado ku hor qallalayna waa la sheegayay. Alleylehe inteeda ayay ku sugtay.
Waxa la yaab leh wixii Talis Bilays ina soo maray ee UNDP-dan ku dul kuftay tababar weydiisan waayay. Haddii dalalka qaarkood laga waayay Ictiraafkii ma tababar gaaban oo bilo iyo sannado ah ayaa laga waayay. Ninkii jiray wuxu yidhi: “Haddeer waa la joogaa, hadhow waa la nool yahay.” Waa halkii reer Berbera e’ Taliska Bilayska Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ku leenahay: “Habeen kaama tegin.” Innamada ha kaga masuugina e’ leyli sarkaal iyo tabarba u dira, haddii kale ciidan dhismayaa ma jiro oo laf ayaad toobin ku haysaan.”
Meelaha saluuggu ka muqdaa waa tusaalayaal nool oo aan la dafiri karayn. Waa cadceed shinkeed soo baxday oo aan sacab lagu qarin karayn. Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa wiil dhallinyaro ahaa oo Dugsiyada Sare ku jiri jiray oo SNM ku soo biiray. Toban sannadood oo sidkood go’ay ayuu ka dhex dagaallamayay. Unug wuu dagaal geliyay. Hurin ayuu dagaal geliyay. Koox ayuu dagaal geliyay. Laga yaabee in uu Ururna dagaal geliyay. Waa muddo toban sannadood ah gudahood. Markii dalka la xoreeyay, dal-jirkaa dahsooni wuxu ka mid noqday ciidammadii Bilayska ee Jamhuuriyadda Somaliland. 22kaa sannadood ee dalka lagu jiray intaaba wuxu ahaa oo marba mid haystay mid ka mid saldhigyada Hargeysa mug weyn. Kama dallaco, hoosna ugama dhaco.
Dal-jirkaa dahsooni, maalintii dhaweyd ee derejooyinka la bixinayay ayuun baa la yidhi: “Sarkaal ma mudnid.” Hadda waa wiilkaa dedaalay ee 32kaa sannadood ku soo jiray kaalintaa hoggaamineed ee dhibteeda iyo dhowrteedaba lahayd. Waxba isagu lama hadhin. Lama gacan-qaban oo waayo-aragnimadiisii si cilmiyeysan oo ‘Akaademiya’ looguma rogin sida saaxiibbadiisii ciidammada Qaranka laga yeelay. Waa la hagraday oo immikana la hilmaamay.
Sideedaba noloshu waa laba, aan mid saddexaad lahayn: Waa Fiiro iyo Fal (Theory and Practice). Dal-jirradan cabanaya qaarkood waa kuwaa 32ka sannadood ee Falka ama waayo-aragnimada ah tirsanaya, wax la yareysan karana ma aha. Hadda dee da’ ayaan joogaaye, beryihii aanu ilkaha sare qabnay af-jabhadeedkayagii waxa lagu odhan jiray, sida ay ila tahay: “Xaggee laga dheelaa.”
Gebegebada sheekada:
Hambalyadu waa halkeeda, dedaal se ina faran. Malaa waxa fiican in aynu halkan si farshaxannimo ah ugu adeegsanno Islaantii ninku sheegay in si wanaagsan loo aasay ee kii kale ee la socday yidhi: “Waa haddii axanku raaco.”
Sheekadeennan aynu ku soo qaadannay darajooyinka la bixiyay ayaynu ka dardaarmaynaa oo leenahay: “Waa haddii wixii ay mudnayd raacaan.” Oo maxaa raacaya. Bal kaskayga gaaban aan idiin taxo:
1. Waa in ay xukuumadduu wixii gunno iyo xuquuq kale darajada raaci lahaa dhakhso u bixisaa, haddii kale darajo-bixintii ayaa macno beelaysa. Weliba wasaaradda maaliyaddu waa in ay ka dedaashaa in ay ciidammadaasi xuquuqdooda helaan. Yeynaan arkin Janan ama sarkaal sare oo budulka ku asqoobay, afar-qaadka socodka, illeyn ciyaalkan yar yar ee Kastammada joogaaba ma lugeeyaan e’,
2. Waa in ay saraakiisha iyo guud ahaan ciidammaduba isu dhigaan ciidammo anshax iyo akhlaaq leh. Darajooyinka lagu talay waa in ay abaalkooda mariyaan oo aanay meel baas iyo reero muskood la fadhiisan oo mijin jaad ah suuqa la meeraysan,
3. Inta cabanaysa waa in cabashadooda la dhegaystaa. Waa in la abuuro halkii ay cabashooyinkooda soo marin lahaayeen iyo ciddii go’aanka ka qaadan lahayd. Ma aha in la reereeyo. Ma aha in la beeleeyo. Ma aha in madax-dhaqameedyo ka adeegaan. Ma aha in la urureeyo. Ma aha in siyaasiyiintu la foof-tagto. Waa arrin ciidan ee ha loo daayo qofka cabanayo iyo cidda uu u cabanayo,
4. Xukuumadda iyo Talisyadu waa in ay iska kaashadaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta guud ee ciidammada gaar ahaan saraakiisha si ay u fahmaan xilalkan cusub ee fuulay iyo culayska ka dhalanaya darajadan la siiyay,
5. Ugu dambaynna dadkayagii waaweynaa waxa nagu batay su’aalihii ku saabsanaa darajooyinka, maxaa yeelay ilaa afartan-jirradu aqoon uma laha darajooyinka mana ay arag. Sidaa awgeed agabka war-baahinta waa in loo mariyaa barnaamajyo loogu sharxayo darajooyinka iyo sooyaalkoodii dheera,
Wa Billaahi Towfiiq,

Boobe Yuusuf Ducaale

©Somailand1991

Halkan ka dhegayso BBC Somali oo waraysi la yeelatay wasiirka arrimaha dibedda, Maxamed Biixi Yoonis

Idaacadda Voa Somali oo waraysi la yeelatay, Ambasador, Dr. Moha Farah Dahir jire

Ambasador, Dr. Moha Farah Dahir Jire, oo la hadlaysa wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry.

Halkan ka dhegayso !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!11

VOA holds with an exclusive interview Public Figure Personnel Dr. Moha Farah about her Life Experience

©Somaliland1991

Dr. Muha Daahir Faarax Jire Oo Haatuf Uga Warantay Siday U Aragto Xilka Safiir-nimo Ee Dawlada Ghana U Magacawday

Dr. Muha Daahir Faarax Jire Oo Haatuf Uga Warantay Siday U Aragto Xilka Safiir-nimo Ee Dawlada Ghana U Magacawday

Accra, August 8, 2013 (Haatuf) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Wadanka Ghana  Miss Hanna Tetteh oo ka wakiil ah Madaxweynaha dalkaas Mr. John Mahamma ayaa Shalay u magacawday safiirka dalka Ghana ee arrimaha bini’aadminimada Drs Muha Daahir Faarax Jire oo ah Suxufiyad reer Somaliland ah.

Ambasador, Dr. Moha Farah Dahir Jire, oo salaamaysa Xogahaya jamhuuriyadda Quruumaha ka dhaxaysa, UN, secretary, Bani Moon.

Dr Muha Daahir Faarax Jire Oo xalay Wargeyska Haatuf khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay iyada oo Ku Sugan Magaaladda Accra ee Caasimadda Dalka Ghana ayaa ka warantey sida ay u aragto xilkaas loo magaacabay, taas oo soo dhawaysay, sheegteyna inay u hagar bixi doonto wax u qabashada dadka tabaalaysan. Munaasabada loo qabtey Suxufiyadaas ayaa waxa ka soo qayb galley madaxda hay’adda u qaabilsan dalka Ghana arrimaha bini’aadminimada gudaha iyo dibadda ee CAT loo yaqaano, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka dibadda u fadhiya magaalada Accra iyo masuuliyiin kale ayaa warsaxafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana soo saartay waxay ku tilmaantay Drs Muha Daahir Faarax Jire Xidig geeska Afrika u dhalatay, kana soo dhex iftay arrimaha warbaahinta iyo gudbinta wararka ee qaaradda Afrika.

Sidoo kale Afhayeen u hadlaysay waaxda gargaarka bini’aadminimada dalka Ghana ee CAT ayaa sheegtay in xilkani ay dawladda Ghana usoo bandhigtay xidigtani yar ee qaaradda Afrika ka soo dhex baxday, iyadoo muujisay karti, iyo hawlkarnimo isla markaana markii shanaad hadda ku soo noqotay dalka Ghana “Waxay noo tahay sharaf weyn in Drs Muha Daahir Faarax Jire ay xilkani naga aqbasho, waxaana ay u tahay farxad weyn CAT iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana” ayaa ay ku tidhi warsaxafadeedkaasi. Mrs Muha Daahir Faarax Jire oo iyaduna munaasabadda lagu magacaabay hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in ay inta karaankeeda ah dhabarka u ridan doonto hawshani loo xil saaray “Ghana waa iftiinka dimuqraaidyadeed ee qaaradda Afrika, waxay ii tahay sharaf weyn inaan markii shanaad imaado Accra isla markaana booqdo meelo badan oo dalka Ghana, waxaanan weligay aanan iloobi doonin soo dhawaynta, iyo wanaaga ay dadka reer Ghana iyo xukuumadda Madaxweyne Mahamma ay ii muujisay muddadii aan halkani joogay,

xilkani maaha mid fudud la i saaray, waxaan isku dayi doona inaan ka shaqeeyo la dagaalanka faqriga iyo sidii caruurta agoomaha ah ee qaaradda Afrika ay u heli lahaayeen gacan iyo taageero” ayey tidhi Drs Muha Daahir Faarax Jire. Ka Dib markii la magacaabay ayey Drs Muha Jire ka qayb gashay munaasabad ay qaramada midoobay iyo hay’adda CAT ugu qaybinayeen cunto iyo daawooyin xarunta agoomaha ee magaalada Accra, iyadoo furtay goobtaasi isla markaana hawshii qaybinta raashinka iyo daawooyinka ka shaqaynaysay. Dhinaca kale Waa markii ugu horaysay oo qof dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland xil diblomaasiyadeed looga magacaabo dal ka mid ah dalalka dunida gaar ahaana hormoodka qaaradda Afrika. Dr. Muha Daahir Faarax Jire ayaa muddo dheer  waxay ka hawl gallaysay xarunta midawga Afrika ee Addis Ababa, iyadoo horana u noqotay madaxii suxufiyiinta qaaradda Afrika, sannadkii 2011-kii ayaa guddoomiye ku xigeenkii  Midawga Afrika dhawaan wuxuu guddoonsiiyey shahaadada Doctorate PHD, wixii intaasi ka danbeeyeyna waxay iskaga dab qaadaysay dhammaanba qaaradda Afrika.

Source: Haatuf

Khudabadii Sheekh Aadan Siiro iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, siilanyo ee salaadii Ciidul Fitriga

Salaadii Ciidu Fidriga Garoonka Xawaadle iyo Khudbadii Sh. Aadan iyo

Madaxweyne Siilaanyo 8 8 2013

 

©Somaliland1991

Sidee baa looga ciiday magaallada Flen/ Daawo Muslimiinta Sweden

 

 

©Somaliland1991

Halkan ka daawo sawiro badan Madaxweyanaha Somaliland Axmed Maxamed M Siilaanyo oo shacabka Somaliland ee Hargeysa kula cidiay

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo Duqa caasimadda Somaliland, Hargeysa, Cabdiraxmaan Solteco

https://i0.wp.com/toggaherernews.com/togga/wp-content/uploads/2013/08/IMG_0645.jpg

 

DHAMBAALKA MADAXWAYNAHA EE CIIDAL FIDRIGA 08/0/2013 iyo mawqidka Somaliland ka qayb galka shirka Brusells

Published on Aug 8, 2013

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxaned Maxamuud Silaanyo oo Bulshada ku Hambalyeyey Ciidal Fidriga

©Somaliland1991

Daawo mr Beanka soomaalida koomiga reer Jabuuti ee Rashid Nuur waa koomi cajiiba (Rachid Nour. ) djibouti comedy club

©Somaliland1991