Aan ku hambalyayno in ay maalin iideed oo farxadeed ka farxisay ciidammo 22 sannadood samrayay oo heegan ahaa. Boobe Yuusuf Ducaale

Aan ku hambalyayno in ay maalin iideed oo farxadeed ka farxisay ciidammo 22 sannadood samrayay oo heegan ahaa.

Garbihii arradnaa in kastoo, badankood asturmeen, haddana? Hargeysa, 13/8/2013ka,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, http://www.dharaaro.com

Haa….Immika ayaad mooddaa in la soo miiraabay. Hal-hays ayaynu u leenahay cirkii ayaa soo yeel-yeelanaya. Waa marka ay daruuruhu samaysmayaan ee ay is-raadsanayaan si ay u darrooraan. Macallin Gaarriye, murti-dhaadhigii xeel-dheeraha ahaana waxa laga hayaa: “Garoon aan biro lahayn ayaynu ku ciyaaraynaa, markaas ayaan la kala garanayn ka gool dhaliyay iyo ka aan waxba dhalin.” Malahayga guddi garsoor iyo siidhi-walena garoomaddaasi ma ay lahayn.
Haa…..Hadda ayay xukuumaddeenni derbi-ka-adag wax weyn ku soo dartay waddooyinkii shan shanta Kiiloo mitir ahaa ee aynu dhagax-dhiggooda iyo furitaannadooda ku dhego-barjownay. Mar mar ayaad is-odhanaysay kharashka xafladahaa laba-eefka ah ku baxa ayaaba shan kiiloo mitir oo kale noqon lahaa. Waa waxyaabaha ay dadku ku sheekaystaan, iyaga iyo Allahood e’.
Haa……Waa run. Tallaabo togan oo ididiilo leh weeyaan darajooyinkan la bixiyay. Waa ay inaga raageen. Waa la sugay oo la saadiyay. Ciidammadaa u baahnaa….Qarankaa u baahnaa…….dawladnimadaa u bahnayd……..dhiirri-gelinta iyo abaal-marinta ayaa u baahnaa…….horumarkeenna iyo ammaankeenna ayaa u baahnaa.
Haa…..Waa run. Aan hambalyayno xukuumadda, Talisyada Ciidammada iyo Guddidii Qiimayntaba. Wax hore loogu dhici waayay ayay ku tallaabsadeen. Dhiirranaan iyo ku-dhac ayaa meesha ku jira. Haddii qalad dhacayna waxa keenay ku-dhiirrashada, haddii kale sideedii ayay iskaga degemsanaan lahayd.
Haa…….Hadda xisaabtan ayaa taagan. Waa la dallacayaa…….Waa la casilmayaa…..Hadba waa sida qofku u tamariyo iyo hadba sida togan ee loo qiimeeyo. Ma aan sheegin eex iyo qaraabo-kiil lagu tallaabsado. Wax wal oo lagu dhaqaaqaba wax baa ka dhasha. Yaan la diidin haddii uu saluug yimaaddo, waayo wax inagu cusub oo aynu ka maagaynay 22kaa sannadood ayaa dhacay.
Haa…..Waa run. Xukuumadda waa aynu ku hambalyaynaynaa tallaabadan geesinnimada leh ee ay qaadday ciidammadana garbahoodii ku arrad tirtay. Waa guul maantaba haddii ay garbahooda daawanayaan oo aanay hoos u foorarin. Waa guul u suntan xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo ee cabashada badan dulqaadkuna ku yar yahay ee garan weyday Hubaal tilmaan iyo tusaaleba sii oo ha laba-diblayn. Alla waynu qarsanaynaaye, warqaddaa yare e Hubaal maxaa inaga gaadhay. Godka aynu ku dhacnay sida aynu iskaga soo faqnaa, dheer oo dhib leh.
Aan ku hambalyayno xukuumadda darajooyinkan ay bixisay. Aan ku hambalyayno in ay maalin iideed oo farxadeed ka farxisay ciidammo 22 sannadood samrayay oo heegan ahaa. Mid ka mid ah ciidammadaa dallacay oo laba xiddigood ku soo hagaageen, ayaa meel uu ka soo helay garan mayo e’ tilifoon ii soo diray habeen hore. Ku-ye: “Ma Mujaahid Boobaa?” Anna degdeg ugu idhi: “Haa”. Ku-ye: “Neyruushkii ayaa naga kacay oo laba xiddigle ayaan noqday.” Aniguna waan hambalyeeyay, waxaanan kula dardaarmay in uu darajadaa dhaqankeeda iyo milgaheeda yeesho.
Aaan hambalyayno xukuumaddeena moodaysa in aynu jecel nahay dhibteeda iyo xumaanteeda. Xaasha! Sow tii loo soo wada joogay waxa xukuumad la’aan inaga soo qabsaday. Xaasha! In ay dhacdo, dhugucdo, dheellido iyo dhutiso midnaba ma rabno. Aan hambalyayno. Aan ku hambalyayno kartida ay u yeelatay in ay Jamhuuriyadda Somaliland gudaheeda hal maalin oo iid ah ka wada bixiso darajooyinkii. Aan nidhaahno: Hambalyo…Hambalyo. Bal hadda aynu ka dhur-sugno inta ay ku qaddo bogaadintaas niyadda naga ah.
Qawad iyo saluug waa iska jiraa. Ciidammada Qaranka iyo asluubta sidaa carrabka looguma hayo. Waa Bilayska meesha afka laga dhigi la’ yahay. Kolka horeba ciidammadu ma sinnayn. Ciidanka Qaranku wuu ka horreeyay kuwa kale oo waa kii gartay in uu leyli sarkaal ciidammada ugu diro dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Tallaabadaasi ciidanka wax weyn ayay u tartay. Qaranka naruuro ayay u noqotay, Ciidammadiina hankoodii iyo hiyigoodiiba kor ayay u qaadday oo waa taa manta qaar badani garbahoodii daawanayaan ee aan arkayn waxa hor socda ama ka hor imanaya. Qaar muraayadahan la isku daawado ku hor qallalayna waa la sheegayay. Alleylehe inteeda ayay ku sugtay.
Waxa la yaab leh wixii Talis Bilays ina soo maray ee UNDP-dan ku dul kuftay tababar weydiisan waayay. Haddii dalalka qaarkood laga waayay Ictiraafkii ma tababar gaaban oo bilo iyo sannado ah ayaa laga waayay. Ninkii jiray wuxu yidhi: “Haddeer waa la joogaa, hadhow waa la nool yahay.” Waa halkii reer Berbera e’ Taliska Bilayska Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ku leenahay: “Habeen kaama tegin.” Innamada ha kaga masuugina e’ leyli sarkaal iyo tabarba u dira, haddii kale ciidan dhismayaa ma jiro oo laf ayaad toobin ku haysaan.”
Meelaha saluuggu ka muqdaa waa tusaalayaal nool oo aan la dafiri karayn. Waa cadceed shinkeed soo baxday oo aan sacab lagu qarin karayn. Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa wiil dhallinyaro ahaa oo Dugsiyada Sare ku jiri jiray oo SNM ku soo biiray. Toban sannadood oo sidkood go’ay ayuu ka dhex dagaallamayay. Unug wuu dagaal geliyay. Hurin ayuu dagaal geliyay. Koox ayuu dagaal geliyay. Laga yaabee in uu Ururna dagaal geliyay. Waa muddo toban sannadood ah gudahood. Markii dalka la xoreeyay, dal-jirkaa dahsooni wuxu ka mid noqday ciidammadii Bilayska ee Jamhuuriyadda Somaliland. 22kaa sannadood ee dalka lagu jiray intaaba wuxu ahaa oo marba mid haystay mid ka mid saldhigyada Hargeysa mug weyn. Kama dallaco, hoosna ugama dhaco.
Dal-jirkaa dahsooni, maalintii dhaweyd ee derejooyinka la bixinayay ayuun baa la yidhi: “Sarkaal ma mudnid.” Hadda waa wiilkaa dedaalay ee 32kaa sannadood ku soo jiray kaalintaa hoggaamineed ee dhibteeda iyo dhowrteedaba lahayd. Waxba isagu lama hadhin. Lama gacan-qaban oo waayo-aragnimadiisii si cilmiyeysan oo ‘Akaademiya’ looguma rogin sida saaxiibbadiisii ciidammada Qaranka laga yeelay. Waa la hagraday oo immikana la hilmaamay.
Sideedaba noloshu waa laba, aan mid saddexaad lahayn: Waa Fiiro iyo Fal (Theory and Practice). Dal-jirradan cabanaya qaarkood waa kuwaa 32ka sannadood ee Falka ama waayo-aragnimada ah tirsanaya, wax la yareysan karana ma aha. Hadda dee da’ ayaan joogaaye, beryihii aanu ilkaha sare qabnay af-jabhadeedkayagii waxa lagu odhan jiray, sida ay ila tahay: “Xaggee laga dheelaa.”
Gebegebada sheekada:
Hambalyadu waa halkeeda, dedaal se ina faran. Malaa waxa fiican in aynu halkan si farshaxannimo ah ugu adeegsanno Islaantii ninku sheegay in si wanaagsan loo aasay ee kii kale ee la socday yidhi: “Waa haddii axanku raaco.”
Sheekadeennan aynu ku soo qaadannay darajooyinka la bixiyay ayaynu ka dardaarmaynaa oo leenahay: “Waa haddii wixii ay mudnayd raacaan.” Oo maxaa raacaya. Bal kaskayga gaaban aan idiin taxo:
1. Waa in ay xukuumadduu wixii gunno iyo xuquuq kale darajada raaci lahaa dhakhso u bixisaa, haddii kale darajo-bixintii ayaa macno beelaysa. Weliba wasaaradda maaliyaddu waa in ay ka dedaashaa in ay ciidammadaasi xuquuqdooda helaan. Yeynaan arkin Janan ama sarkaal sare oo budulka ku asqoobay, afar-qaadka socodka, illeyn ciyaalkan yar yar ee Kastammada joogaaba ma lugeeyaan e’,
2. Waa in ay saraakiisha iyo guud ahaan ciidammaduba isu dhigaan ciidammo anshax iyo akhlaaq leh. Darajooyinka lagu talay waa in ay abaalkooda mariyaan oo aanay meel baas iyo reero muskood la fadhiisan oo mijin jaad ah suuqa la meeraysan,
3. Inta cabanaysa waa in cabashadooda la dhegaystaa. Waa in la abuuro halkii ay cabashooyinkooda soo marin lahaayeen iyo ciddii go’aanka ka qaadan lahayd. Ma aha in la reereeyo. Ma aha in la beeleeyo. Ma aha in madax-dhaqameedyo ka adeegaan. Ma aha in la urureeyo. Ma aha in siyaasiyiintu la foof-tagto. Waa arrin ciidan ee ha loo daayo qofka cabanayo iyo cidda uu u cabanayo,
4. Xukuumadda iyo Talisyadu waa in ay iska kaashadaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta guud ee ciidammada gaar ahaan saraakiisha si ay u fahmaan xilalkan cusub ee fuulay iyo culayska ka dhalanaya darajadan la siiyay,
5. Ugu dambaynna dadkayagii waaweynaa waxa nagu batay su’aalihii ku saabsanaa darajooyinka, maxaa yeelay ilaa afartan-jirradu aqoon uma laha darajooyinka mana ay arag. Sidaa awgeed agabka war-baahinta waa in loo mariyaa barnaamajyo loogu sharxayo darajooyinka iyo sooyaalkoodii dheera,
Wa Billaahi Towfiiq,

Boobe Yuusuf Ducaale

©Somailand1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: