Diyaaraddii u horeysay ee Ethiopian Airlines oo madaarka Egal Inter. Airport soo caga dhigatay furitaanka ka dib

 

Shirkada Diyaarada Ethiopian Air Line Oo Duulimaadyadeedii Ka Bilawday Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Hargeysa Iyo Wasiirka Duulista Oo Ka Hadlay+Daawo Sawirada


(Hadhwanaagnews) Sunday, September 01, 2013
Hargeysa(HWN):-diyaarada Ethiopian Airline ayaa mudo afar sano ah ka dib maanta si rasmiya u soo fadhiistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-diyaarada Ethiopian Airline ayaa mudo afar sano ah ka dib maanta si rasmiya u soo fadhiistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Diyaaradan oo mudo aan ka soo degin garoonka diyaaradaha caasimada Hargeysa ee Cigaal International Airport ayey u suura gashay inay ka soo degto ka dib markii garoonkaas lagu sameeyey dib habayn balaadhan.


Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?Markii aanu furnay garoonka diyaaradaha sadex maalmood ka dib waxaanu bulshada u sheegnay inaanu ku jirno sidii aanu duulimaadyada u soo kala wareejin lahayn berina qaar ayaa imanaya anaga oo ku rajo wayn inay diyaarada Daallo iman doonto,shaqada halkan laga qabtay waa mid weyn oo sidii loogu tala galay u hir gashay.?

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa mucaaridka xukuumada ka codsaday inay arkaan dedaalka ay sameeyeen isla markaana ku amaanaan wax qabadkooda waxaanu yidhi ?Umaduhu way ku  faanaan waxa wanaagsan ee u qabsooma waanay isku qiraan guulaha ay gaadhaan, wax qabadka xukuumada may ahayn in la qariyo, indhaha caafimaadka qabaana way arkaan kuwa bukana waxaanu leenahay ilaahay shuushka ha ka qaado oo waxa wanaagsan ee aanu qabanaynana ha tuso wixii dhaliila ee nala tusana bina aadanku wuu qaldamaaye waanu u maskax furanahay.?

 

 

 

 

 

 

Ugu danbayntiina wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabadi waxa uu sheegay inay sahamin dheer ku timid diyaarada Ethiopian Airline inay soo fadhiisato  garoonka caasimada waxaanu yidhi ?Haddii aanay bayloodka iyo shirkada diyaarada lihi hubin inay halkaa ka dagayso ama ka kacayso may soo direen daraasad dheerna waa lagu sameeyey, imaanshiyaha diyaaraduhuna waxa uu ku xidhan yahay kolba rakaabka ay hayaan, maalinta ay rakaab yar helaana mid yar ayey soo dirayaan, diyaaradaha kalana waa la mida sida Daallo Iyo Juba.? Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo Hawada Somaliland

Sidoo kale bayloodka diyaaradan waday  oo isaguna dhinaciisa ka hadlay sida uu u arko inuu ka soo dego garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay isaga oo  xukuumada ugu hanbalyeeyey dib u dhiska lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: