Wefti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Adis Abeba kula kulmay raysal- wasaare ku xigeenka Ethiopia ,Tedros Adhamom

Wafti ka Socda Somaliland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadu oo la Kulmay Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimahaa dibeda itoobiya , Dr tedros Adhanom.

89

in dib loo hawlgeliyo lana soo celiyio duullimaadyadii shirkada ethiopian airline ku samayn jirtay….


Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu u dhignaa sidan:-
wafti culus oo ka socda Jamhuuriyada somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha debeda ee somaliland mohamed bihi yoonis. oo a weheliyaan wasiirka arimaha gudaha, cali mohamed warancade. wasiirka duulista hawada, mohamoud hashi abdi.wakiilka somaliland u fadhiya itoobiya, Adan nuh dhule iyo safiirku xigeenka safaarada addis ababa ,Ayaanle salaad diiriye . ayaa kulan balaadan la yeeshay raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimahaa dibeda itoobiya , Dr tedros Adhanom xafiiskiisa.
kulankaasi oo qaatay waqti aad u dheer, waxay labada dawladood masuuliiintii metelaysay si mugleh uga wada hadleen xidhiidhka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal itoobiya iyo somaliland
masuuliyinta labada dal, waxay isla garwaaqsadeen baahiyaha labada bulsho ee walaalahi u qabaan in ay iska kaashadaan Arimaha nabad gelyada, dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada iwm.

falanqayn dheer iyo qiimayn sugan ka dib, waxay masuuliyiinta labada wadan si mugleh isula qaateen .

in la xoojiyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan
in la dhiirigeliyo ganacsiga iyo maalgashiga
in dib loo hawlgeliyo lana soo celiyio duullimaadyadii shirkada ethiopian airline ku samayn jirtay somaliland hergaisa

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: