Go´aammo Sagaal Qodob Ka Kooban Laga Soo Saaray Gunnaanadka Shirweynihii Beesha Sacad Muuse iyo Madaxdhaqameedka Beelaha Somaliland Oo Soo Dhaweeyey

 

 

 

Go´aammo Sagaal Qodob Ka Kooban Laga Soo Saaray Gunnaanadka Shirweynihii Beesha Sacad Muuse iyo Madaxdhaqameedka Beelaha Somaliland Oo Soo Dhaweeyey


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 26, 2013
Agabar(HWN)Shirweynihii loogu magac-daray HOODAALE ee beesha Sacad Muuse ee Somaliland oo muddo afar maalmood ah ka socday degaanka Agabar ee Gobolka Gabiley,ayaa gunnaanadkiisii laga soo saaray go?aamo ka kooban 9 qodob oo isugu jira baaq, taageero

Agabar(HWN) Shirweynihii loogu magac-daray HOODAALE ee beesha Sacad Muuse ee Somaliland oo muddo afar maalmood ah ka socday degaanka Agabar ee Gobolka Gabiley, ayaa gunnaanadkiisii laga soo saaray go?aamo ka kooban 9 qodob oo isugu jira baaq, taageero iyo talo-soo-jeedin, kuwaas oo taabanaya guud ahaan qaranimada, dawladnimada iyo beelah Somaliland.

Go?aamadan oo lagaga dhawaaqay xaflad ballaadhan oo xidhitaankii shirka loogu sameeyey maanta madashii uu ka dhacayey, taas oo lagu martiqaaday madaxdhaqameed fara badan oo isugu jira salaadiin, ugaasyo iyo boqorro kala metalayey guud ahaan beelaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dega lixda gobo lee dalku ka kooban yahay, xildhibaanno Golaha Guurtida ka



tirsan iyo waxgarad kale.

Guddoomiyaha Shirguddoonka shirka qabtay Sheekh Almisha Sheekh Yaxye Ibraahim oo ugu horreyn xafladdaasi hadal ka jeediyey ayaa ka warramay shirkan HOODAALE oo uu sheegay inuu hal-ku-dheg u ahaa wadajir, midnimo iyo iskaashi, kana qaybgaleen 12 beelood oo Sacad muuse ah oo ay kala metalayeen ergooyin tiradoodu dhan tahay 750 ergay oo beeluhu nidaamka hab-raaca dhaqanka ugu soo igmadeen inay si buuxda ugu metelaan.

Sheekh Almis oo madasha ka akhriyey qodobada natiijada ee shirka soo baxday waxa uu yidhi;

“Kadib dooddii, falanqayntii ajandaha, talo-soo-jeedintii iyo warbixinihii ergooyinka waxa shirku soo saaray qoraalkan guud oo ka kooban baaq, taageero iyo talo-soo-jeedin;

1. Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu si buuxda u garab-taagan yahay jiritaanka dawladda Somaliland,

2. Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero buuxda siinayaa halganka ka midho-dhalinta ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland,

3. Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero buuxda siinayaa hoggaanka dawladnimo iyo hab-raaca nidaamka doorashooyinka ee uu ku qotomo dhismaha Qaranka Somaliland,

4. Shirweynaha beelaha Sacad Muuse waxa saldhig u ah adkaynta nabadgelyada,

5. Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu ku baaqayaa in wixii khilaafaad ah ee dalka ka jira lagu dhammeeyo wadahadal iyo is afgarad,

6. Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu xoojinayaa walaalnimada, wada noolaanshaha iyo is dhexgalka dhammaan beelaha Somaliland ee walaalaha ah, gaar ahaan kuwa ood-wadaagta ah,

7. Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu soo jeedinayaa in da?yarta iyagu iska leh mustaqbalka waddanka ay ka waantoobaan halaagga Tahriibka,

8. Shirweynuhu soo jeedinayaa in arrinta Ceelbardaale lagu dhammeeyo wadahadal, nabadgelyo iyo sifo sharci ah,

9. Waxa shirka beelaha Sacad Muuse lagu dhisay guddi horumarineed oo u adeegi doona horumarinta beesha.?

Waxa kale oo hadallo ay natiijada shirka ku faahfaahiyeen halkaasi ka jeediyey Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka tirsan guddi musdambeed u ahayd shirkan, Suldaan Axmed Nuur Samaale iyo Suldaan Maxamuud Siciid oo dhammaantood sheegay in aannu shirkoodu ahayn mid ay beel ama cid kale oo gaar ah kaga tashanayeen ee uu ku saabsanaa wax dan u ah beeshooda iyo dalka Somaliland oo keliya.

Intaasi kadib waxa xafladda ka hadlay madaxdhaqameed fara badan oo kala metalayey beelaha reer Somaliland oo dhan, kuwaas oo si ballaadhan u soo dhaweeyey go?aammada shirka ka soo baxay, isla markaana duco iyo dardaarannaba u jeediyey beesha Sacad Muuse, iyadoo hadallo kaftan iyo duurxulba leh la is waydaarsaday.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ku hadlayey afka beesha Gobolka Awdal (Samaroon), ayaa sheegay in dhammaan qodobada shirka ka soo baxay ay ku raacsan yihiin, loona baahan yahay in la fuliyo, ?Beri baa qolo reerkayaga ah oo diriri dhexmartay isla garteen inay heshiiyaan, markaasaa oday la odhan jiray Ceelaabe yidhi waar walaalahayo aaway? Nin la yidhaa Khadar Daahir ayaa yidhi walaal la helyaaba ´HINNIINI, waa marka ay soo gaadho hadalka annaga nagu xidhiidha ee Ceelbardaale waxaan leeyahay walaal la helyaaba ?HINNIINI. Nabaddu nin walba waa dantiisa ee nin gaar ahi ma leh.

Sacad Muuse-na anigu waxaan ogahay hanti, hub iyo hadal wuxuu dhisaana wuu dhismi, wuxuu dumiyaana wuu dumi, quwaddiina sidaad u tilmaanteen u hirgeliya, sidaad u tidhaahdeen baa la idiinka sugayaa, wixii la idinku maqlay yaanu idinku beenoobin haddii ay ta?yiid dawladeed, dhis iyo Ceelbardaale tahayba, Ilaahayow ha ku beenayn,? ayuu yidhi Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil.

Suldaanka Guud ee beelaha Gableedka Burco (Habaryoonis) Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka shirka ka hadashay waxa uu yidhi, “Waxaan qiraynaa in aad hawl adag qabateen oo ka midho-dhaliseen gebogabadeediina wax wanaagsan ka soo saarteen, intii aannu filaynay inay ka soo baxdo ee wanaag ahayd baa ka soo baxday, waa intii la idiinka bartay ee la idiinku yaqaanay. Arrinta Ceelbardaale waxaannu jecelnahay sidaa aad u ballanqaadeen inay labadiina dhanba u dhammaato, wixii idinku adkaada waxaannu diyaar u nahay in aannu idinla qabano, golahan haddii lagu soo hadalqaadayna waxaan filayaa inay dhammaanayso.”

Waxa kaloo uu taageeray in la la is garabtaago dawladda talada haysa, “Dawladda maanta jirtaa waa hubaal oo in la isgarabtaago ayey u baahan tahay, anigu dawlad ka wanaagsan oo ina soo martay tan jirta maan arag, laakiin waa laga yaabaa in dadka qaar iyagu si kale u arkaa. Dhabtii Libaaxa ee xagayanaga waad nooga yaacdeen uun ee horta waxay ahayd in aad na tidhaahdaan horta dhab Libaax laguma gamo,”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani.

Suldaanka Guud ee beelaha Bariga Burco (Habarjeclo) Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa sheegay in ay aqbaleen natiijada shirka oo ay wanaagiisiina arkeen, balse loo baahan yahay fulintiisa.

Isagoo ka hadlayey natiijada shirka oo uu ku saleeyey erayo kaftan ah waxa uu yidhi, “Sacad Muusow awooddii aad noo sheegi jirteen waad noo muujiseen, waanuna aqbalay, laakiin faraxayga waan la kala hadhayaa oo waxaan aad u farxayaa markaad waxa shirka ka soo baxaa u eekaadaan Sacad Muuse ee aad fulisaan. Waxaan ku celinayaa Sacad Muusow kuruskii Geella ayaad sheegan jirteen oo annaguna aannu idinku ogolayn ee waxa maanta shirkan ka soo baxa ee ummadda u muuqda ayaanu idinku qiimaynaynaa, waa shir aad Somaliland-tii aad u faani jirteen oo dhan aad u qabateen, waqtigii loo baahnaa ayaad qabateen, caqli iyo cilmiba waanu idinku tuhusanahay, waana run oo idinkama eegayno mucaaradad iyo waxaa.”

Suldaanku waxa uu ku baaqay inay si degdeg ah loo fuliyo qodobka ku saabsan colaadda Degaanka Ceelbardaale oo u dhexeeya Galibay iyo Dilla, “Waxa laga hadlay meel buktay oo aan qoon ku lahaa, waa Ceelbardaale ee qoladiinan bogga iyo beerkaba isa saaraysay (Sacad Muuse iyo Samaroon) waxaan idin leeyahay maanta kadib Ceelbardaale dambe waa la isku hayaa yaanay dhegtayadu maqlin, haddii kale waxaa aad sheegaynayseen waxba kama jiraan,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Suldaan Cabdillaahi Sul. Cali Muuse.

Waxa kale oo xafladda xidhitaanka shirweynaha beesha Sacad Muuse ka hadlay, Suldaan Aadan Cumar Faarax oo u hadlayey beesha Ciidagale, Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil iyo Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo ka mid ah Garaadada beesha Dhulbahante, Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlay afka beesha Toljecle, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah salaadiinta beelaha Samaroon, Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, Suldaan Naasir Sul. Cabdi Ismaaciil oo u halday beesha Gabooye, Suldaan Maxamed Maxamuud (Indho-case) oo ka tirsan salaadiinta beesha Ciise Muuse, Sheekh Faarax Sh. Cabdillaahi oo ku hadlayey afka beesha Madigaan, Sheekh Cumar Axmed Furre oo ku hadlayey magaca meesha Akisho, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac oo metalayey beesha Ayuub, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ciyaaraha Cabdi Siciid Raygal oo ku hadlayey afka beesha Ciise, Xildhibaan Caydiid Muxumed oo ka socday Golaha Guurtida, Chief Caaqil Ismaaciil oo ku hadlayey afka beesha Baha Muuse, Siciid Aadan Guuleed, oday Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab), Abwaan Yuusuf Shaacir oo halkaasi ka tiriyey tix gabay ah iyo dad kale, kuwaas oo dhammaantood si wayn u soo dhaweeyey qodobada go?aammada ka soo baxay shirka beesha Sacad Muuse oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwa dan u ah guud ahaan qaranka iyo ummadda reer Somaliland, iyagoo kula dardaarmay madaxdhaqameedka iyo hormuudka beesha inay fulintooda u hawlgalaan.

Gebogabadii waxa shirka soo xidhay Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi oo si wayn ugu mahadceliyey salaadiinta iyo garaadada beelaha Somaliland ee ka aqbalay martiqadkii ay u fidiyeen ee shirweynaha HOODAALE, sidoo kalena waxa uu u mahadnaqay shirguddoonkii, guddiyadii kale ee ka shaqeeyey hirgelinta shirweynaha sida guddiga ganacsatada, guddiga mus-dambeedka iyo ergooyinkii shirweynaha oo uu sheegay inuu ku salaysnaa aayo-ka-tashi beesha dhexdeeda ah iyo danaha guud ahaan reer Somaliland.

Waxaannu xusay in dhammaan wixii ka soo baxay shirweynaha beeshu ay sharci yihiin oo lagu dhaqmi doono, isla markaana laga shaqayn doono fulintooda.

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: