Daawo inantan, Bahja oo ah farshaxanad da´yar

 

©Somaliland1991

Advertisements

Sawirro madaxweynaha Somaliland Axmed M. M. Siilaanyo oo qasriga madaxtooyada ku qaabiley safiirka Somaliland/Somalia ee dalka Turkiga iyo wefti uu hogaaminayo

 

 

©Somaliland1991

Halkan ka daawo warkii tv qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

©Somaliland1991

Halkan ka daawo safiirka dalka Turkiga u fadhiya Xamar iyo wefti ganacsato ah oo uu hogaaminayo oo ka soo degay Egal International Airport, HRG, Somaliland

 

 

 

©Somaliland1991

Dawladda Ingiriiska, ayaa baarlamaanka dalkeeda u gudbisay mashruuc dhaqaale badan lagu bixinayo oo loogu tallogalay dhinaca ammaanka iyo ka hortaga falalka argagixiso ee wadanka Jamhuuriyada Somaliland.

  Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo iyo wasiirka arimaha dibedda ee dalka Ingiriiska, William Huge oo is gacan-qaadaya

Qoraalka xambaarsan mashruuca Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriisku u gudbiyey baarlamaanka wadankiisa oo lagu baahiyey bogga dawladda UK ku leedahay Internet-ka oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya arkay, waxa lagu yidhi; ?Mashruucani waxa uu xambaarsan yahay xarumo dawladda Ingiriisku dhisayso, awooda xabsi ku haynta eedaysanayaasha inta aanay dacwadoodu furmin, qallabaynta xafiisyo, qalab dhinaca ammaanka khuseeya, iyo bixinta gaadiid aan millatari ahaan loo adeegsan karin oo loogu tallogalay booliska Somaliland, qiimaha mashruucaasi wuxuu ku kacayaa lacag dhan ?643,225 (lix boqol, afartan iyo saddex kun, laba boqol, shan iyo labaatan giniga Ingiriiska ah) oo la mid ah $1,035,541 doollar (hal milyan, shan iyo soddon kun, shan boqol, afartan iyo hal dollar), iyadoo mashruucaasina waafaqayo ama aannu ka hor imanayn barnaamijka ka hortagaha falalka argagixiso ee dawladda Ingiriiska.?

Waxa kale oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska William Hague in lacagtaasi u kala baxayso ?387,909 ($624,502) oo loogu tallogalay kharashka dhismaha xarumaha booliska loo dhisayo, lacag gaadhaysa ?43,389 ($69,853) oo lagu iibinayo mishiino dam-dhaliyeyaal ah, qallabaynta xafiisyada iyo allaabooyin dhinaca ammaanka khuseeya oo ay ku baxayso lacag dhan ?88,863 ($143,062), halka lacag xadigeedu dhan yahay ?38,000 ($61,177) loogu tallogay in lagu daboolo waxyaabaha darruuriga ah iyo xaaladaha degdega ah ee soo baxa muddada mashruucaas lagu jiro.

?Waxa kale mashruucaas barbar socda barnaamijyo ku kacaya ?710,000 ($1,143,043) oo lagu tababarayo ciidammada booliska Somaliland si sare loogu qaado awooda iyo tayadooda si ay u baadhi karaan khataraha argagixiso ee dhici kara, ururinta iyo baadhitaannada cadaymaha laga helo goobaha fal-dambiyeed ka dhaco iyo qaabka kiisaska jira loogu beddeli karo dacwado maxkamadaha loo gudbiyo, iyadoo masuuliyiinta Ingiriisku isla garteen in arrimahaasi aanay khusayn xuquuqda bani?aadamka,? ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriisku ku yidhi qoraalkiisa uu u gudbiyey baarlamaanka si loo meelmariyo.

Qorshaha Boqortooyada UK ugu talogashay barnaamijyada lagu horumarinayo hay?adaha ammaanka Somaliland ee lagaga hortagayo falalka argagixisada ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriisku horgeeyey baarlamaanka, waxa kale oo ku jira mashaariic la xidhiidha horumarinta adeegyada Wasaaradda Duulista iyo Ciidanka Socdaalka Somaliland oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa ?699,465 ($1,126,082 doollar) oo ay ku jirto ?457,263 ($736,157 doollar) oo lagu bixinayo qalab iyo gaadiid loo iibinayo Wasaaradda Duulista iyo ciidanka socdaalka Somaliland.

?Mashruucan waxa ku jira qalabka ammaanka iyo gaadiid la siinayo Wasaaradda Duulista Somaliland oo lagu isticmaali doono madaarada Berbera iyo Hargeysa. Waxa kale oo intaas in leeg la siin doonaa Waaxda Socdaalka Somaliland oo ay u adeegsan doonaan hawlgalada xadduudaha dhinacyada dhulka, badda iyo cirka si ay u dammaanad qaadaan, una hubiyaan cida dhinacyada xuduudaha ka soo gelaysa, kana baxaysa dalka Somaliland, iyadoo dadka socdaalka ah la marin doono baadhitaan ammaan iyo goobaha socdaalka oo la qalabeeyey si dawladda Somaliland awood ugu yeelato inay aqoonsan karto, qabana karto cidkasta oo khatar ku ah ammaanka oo isticmaalaya madaaradda iyo xarumaha socdaalka ee ku yaal xuduudaha,? ayuu William Hague ku yidhi mashruuciisa uu u gudbiyay baarlamaanka Ingiriiska.

Mashaariicda dawladda Ingiriisku ugu tallogashay kobcinta hay?adaha ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa fulintiisu bilaabi doontaa haddii uu ogolaado baarlamaanka Ingiriiska muddada uu ku gudo jiro 14 fadhi oo uu yeelan doono labada toddobaad ee soo socda, balse haddii xildhibaanno ka mid ahi diidaan ama ka horyimaadaan, waa la hakin doonaa mashruucaas, iyadoo la sugi doono ilaa 5 December 2013 in baarlamaanka Ingiriisku ogolaado meel marinta iyo  fulinta barnaamijkaas loogu tallogalay Somaliland.

Xigasho: Jamhuuriya

©Somaliland1991

Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsiyadeeyay Eheladii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamuud Aw Siciid Geedi

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeeyey Gudoomiyaha Shirkada Somcable Maxamed Aw Siciid Geedi

https://i1.wp.com/somaliland24.com/wp-content/uploads/2013/10/Madaxweyne-Siilaanyo1.jpg

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo shil baabuur ugu geeriyooday 19/11/2013 galbeedka Hargeysa.

ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii iyo qaraabadii ay ka tegeena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.

sans-serif”>Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeeyey Gudoomiyaha Shirkada Somcable Maxamed Aw Siciid Geedi oo walaalkii Maxamuud Aw Siciid Geedi  uu ku geeriyooday shilkaasi, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu caafimaad u baryey dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in illaahay caafimaad sareecana uu siiyo  

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

©Somaliland1991

Daawo muuqaal aad u qurux badan waa barnaamij Khadar Maxamed Cakule ka soo diyaariyey gobolka Sanaag

Waa barnaamij aad iyo aad u qiimo iyo qaayo leh . Waa Gobol ka mida gobolada qaniga ah ee Ilaahay SW ku manaystay khayraadka dabiiciga. Bal haddaba Barnaamijka oo uu soo diyaariyey wariye, Khadar Maxamed Cakule.

Sidaa iyo daawasho wacan!!!!

©Somaliland1991