Maxaad Ka Ogtahay Marxaladihii Maamul Ee Uu Soo maray Tv-ga Qaranka Somaliland, Maxaad-se Kala Socotaa Qodobada Ay Adkayd In La Saxo Ee Hirgalay Intii Uu Xilka Hayay Maareeye Khadar Cali Gaas, Xog Dhab Ah.

Telefeeshinka Qaranka Somaliland oo la aasasay sannadkii 2005, wuxuu ahaa mid baahintiisu koobnayd, isla markaana tayo ahaan dhismihiisa shaqo badani ka dhinayd, caqabadahaas waxaa u dheera Tv’ga Qaranka qoritaanka shaqaale ku magacaaban inay ka hawlgalayaan Tv-ga oo tiro ahaana kabadan kuwaas oo masuul kasta oo losoo magacaaba si xad dhaaf ah uu u qorijiray, Sidoo kale Muq-maasuqa nidaamka maamul ee Tv-ga ayaa ahaa mid gamuurmay oo xididadu u aasmeen.

Markii Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo xilka la wareegtay waxaa la filaayay in isbadal ku yimaado qorshaha hagitaan ee Telefeeshinka, balse marka laga reebo baahinta oo la gaadhsiiyay waddamada Yurub taas oo iyana ay ku lamaaneyd dilaalis iyo musuq maasuq, majirin wax kale oo laga qabtay, iyadoo nasiib darada dhacday ahayd inay ku guul daraysteen tiro Wasiiro ahaa oo losoo magacaabay xal u helida mushkiladii haysatay Tv’ga, kuwaas oo kala ahaa Cabdillaahi Geeljire, Axmed Cabdi Xaabsade iyo Boobe Yuusuf Ducaale, waxayna ku sii kordhiyeen culayskii haystay hawl maal meedka Tvga. Arrinta layaabka lahayd ee kamid noqotay mahadhooyinkii soo maray qalooca nidaamka maamul ee Telefeeshinka ayaa ahayd, hawlaha shaqo iyo xoga ogaansho ee maaliyada oo uu si buuxda gacanta ugu hayay Agaasime waxeedkii maamulka iyo lacagta ku magacawnaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Yare.

Maareeyaha tv qaranka Jamhuuriyaadda Somaliland, Khadar Xasan Cali Gaas, oo kulan la qaatay dhigiisa mareeyaja tv qaranka Ethiopia

Waxaa iyana jiray shaqaale ku qornaa waddamada Yurub, sida Sweden iyo Faransiiska oo been abuur ah, sidoo kale waxaa diwaan gashanaa shaqaale xad dhaaf ah oo loogu magacaabijiray (Shaqaalaha Kaydka Tv’ga) , kuwaas oo aan la aqoon meel ay ka hawlgalaan balse gunada lacagtooda si toosa loo qaadan jiray, halka ay Wariyayaal magacyo ajaanib lihi ku magacawnayeen Magalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa, Waxaa intaas dheera qalab la’aanta Tv’ga haysatay oo gaadhsiisnayd in cajaladaha wararka iyo Barnaamijyada lakala copy- gareeyo afar jeer, Iyadoo dhibtaas oo dhami jirto ayuu Agaasimihii Yurub ee Tv’ga Qaranka oo wakhtigaas ahaa Mareeyaha hadda Khadar Cali Gaas, wuxuu safar shaqo ku yimi waddanka Somaliland, wuxuuna Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ahaa agaasimihii guud iyo Wasiirkii xiligaas u soo bandhigay cadadka u dhaxeeya shaqaalaha Yurub ee ku magacawnaa Tv’ga iyo liiska dhabta ah ee uu hayo isagoo codsaday in musharka shaqaalahaas isaga lagu soo hagajiyo oo lagala xisaabtamo, maadaama oo aanu garanayn magacyada dadkan aan la aqoon meelay ka hawlgalaan ee hadana mushaharka loo diro, arrintaas oo xudun u noqotay murankii caanka noqday ee Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo Wasiirkii wakhtigaas iyo agaasime waaxeedkii Maaliyadu si weyn ugasoo horjeesteen qorshahaas iyagoo u arkaayay mid docwareemaya isku xidhnaanshihii Musuq-Maasuq, kaas oo ahaa mid dareen ahaan jiray balse ay adkayd wax ka qabashadiisu, maadaama oo ay nidaamka marin jiriin, waxaana cadaatay haddii ay cadaato in magacyo aan jirin lacag lagu qaato ina taasi keenayso fashil hor leh, iyadoo aakhirkii ay dhacday inuu Xilka ka qaado Madaxweynaha Somaliland Wasiirkii Warfaafinta, isla markaana si lama filaan ah uu Dikreeto Madaxweyne ugu magacaabay Maraayeha Telefeeshinka Qaranka Khadar Cali Gaas.

Markii uu xilka la wareegay Khadar Cali Gaas, waxaa isdul fuushana dhibaatooyinkaas oo ahaa qaar soo taxnaa ilaa aasaaskii Tv’ga, waxaana caqabad aan yarayn ahayd wax ka qabashadooda, wuxuuse masuulkan oo ay ka go-nayd inuu wuxuun qabto wajahay dhibkaas, isagoo ugu horeyntii xooga saaray helitaanka gaadiid loogu adeego hawlaha Telefeeshinka, waxaana u suurto gashay inuu Tv’ga u iibiyo laba gaadhi si deg deg ah, kuwaas oo kala ahaa Seeraf iyo Bas lagu rawixiyo shaqaalaha. Sidoo kale wuxuu bilaabay wax ka qabashada Musuq-maasuqa ragaadiyay Telefeeshinka, arrintan oo ahayd caqabadii ugu dhibka badnayd, wuxuuna Khadar Cali Gaas oo kaashanaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/rashiid Jibriil Yuusuf iyo Agasimaha waaxda farsamada ee Wasaaradda Axmed Saleebaan Weyne, ku guulaysteen joojinta lacagtii la magacbay Dhiigbaxa Qaran, taas oo ahayd lacagtii dulsaarnayd kirada hawada ee Tv’ga, lacagtaas oo bilkasta dhamayd 50,000$ (Konton Kun Oo Doolar).

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray shaqaalihii beenta ahaa ee ku qornaa Telefeeshinka, waxaana si caadana ugu baaqday Qaranka Somaliland lacag gaadhaysa Hal Milyan oo Doolar, Waxayna talaabadaasi keentay in Dhiig Bixii Qaranka Ka Qubanaayay istaagay, Arrintaas oo uu kala kulmay Mareeyahan xilka ku cusbaa dagaal badan iyo colaad aan xadlahayn, maadaama oo ay bulshada Somaliland ku adagtahay in mar la wada saxo nidaam soo taxnaa sannado badan, isla markaana arrinta Musuq-maasuq ee uu dagaalka ku qaaday ahay mid meelo badan ilka ku lahayd.

Waxaa iyana xusid mudan inay horyaaleen markuu arrintaas ka faro xashay, qodobo kale oo aan tiro lahayn kuwaas oo ay kamid ahayeen, dhisida hoolalka Tv’ga iyo kala xidh-xidhkooda, iyagoo ahaa hoolal isu furan, iibinta Kamarado lagu hawlgalo, dhigida Kamarado Studio’ga u gaara, la xisaabtanka shaqaalaha tirada badan ee aan waligood dibso iyo doohtoona la odhan, hagaajinta Studio’yada Wararka, nidaaminta goobaha ay ku hawlgalaan Editors-yadu, joojinta musuq-maasuqa malafsiga ah ee ragaadiyay tayada wararka iyo Barnaamijyada, arrimahaas oo iyaguna ahaa qaar aan si dhibyar loo hirgalin karin isla markaana wax looga qabankarin, waxaana jirta in qofkii shaqaale ahaan lays yidhaahdo xisaabtan mari uu isu arkaayo mid aan lala xisaabtami karin maadaama oo uu yahay shaqaale dawladeed ama cidi keentay, taas oo keenta inuu reer dabada galiyo, sidoo kale waxaa u yaalay Maareeyahan inuu si uun u hirgaliyo baahinta tooska ah ee Tv’ga (Live) oo aanu hore u lahayn Tv-gu.

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: