Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Yugandha oo xafiiskiisaa Kampala, Uganda, ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Yugandha oo xafiiskiisaa Kampala, Uganda, ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis

 

Qaar ka mida saxaafadda /warbaahinta dalka Uganda oo waraysi la yeelanaya wasiirka  arrimaha dibeda ee dalka Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis.

Xigasho: Hadhwanaagnews

 

DAAWO SAWIRADDA- Xoggo Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Booqashadii Uu Dhawaan Ku Yimi Uganda Wasiirka Khaarajiga Ee Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Wadanka Uganda


Xigasho: Hadhwanaagnews

(Hadhwanaagnews) Saturday, December 07, 2013
Kampala-(HWN)- Muxuyadiin Maxamed Cabdiqaadir, oo xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews ee Kampala, uu

Kampala-(HWN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,  oo weheliyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Dr Mxamuud Cabdillaahi Sifir, oo booqasho laba maalmood qaadatay ku yimi dhawaan magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala, ayaa kulmay Wasiirka Khaarajiga ee wadanka Uganda.
Ujeedada safarkaa ay Wasiirku iyo Safiirku ku yimaadeen dalka Uganda iyo waxyaabihii ay kawada hadleen madaxdii ay la kulmeen waxa aanu wax ka weydiinay Muxuyadiin Maxamed Cabdiqaadir, oo ah ganacsade Somalilander ah oo haysta dhalashada dalka Uganda, isla markaana ah
Guddoomiyaha shirkadda ganacsiga ee lagu magacaabo Trust Logistics, oo xarumo ku leh dalalka Uganda, Kenya, Rwanda, Burindi, iyo South Sudan, oo si weyn isagu uga soo shaqeeyay xil gaar ahna iska saaray suurta-gelinta booqasahadan Wasiirka Iyo Safiirku ay ku yimaadeen dalkan Uganda oo ah tii u horaysay ee nooceeda ah ee uu Wasiiral Khaaraji ka socda Somaliland uu ku yimaado dalka Uganda lana kulmo Wasiir dhiggiisa ah.Muxuyadiin Maxamed Cabdiqaadir, oo xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews ee Kampala, uu wax ka weydiiyay ujeeddada booqashadda Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxdii ay la kulmeen ayaa sheegay in booqashada Wasiirku ay ka danbaysay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Wasiirka khaarajiga ee Uganda, waxaanu carabka ku dhufta Weftigan uu Wasiirku hor kacaayay in dalka Uganda loogu soo dhaweeyay hab maamuus heerkiisu aad u sareeyo, waxaanu tibaaxay in intii ay joogeen Kampala Wasiirka iyo wakiilku ay si wada-jir ah ula kulmeen Wasiirka Khaarajiga ee dalka Uganda oo ku maamuusay qado sharaf, iyaga oo sidoo kale kulamo la qaatay madax sar-sare oo ka tirsan dawladda Uganda, iyaga oo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii xidhiidhka labada dal ka dhexeeya loo sii xoojin lahaa, maadaama dalka Uganda uu xubin ka mid tahay urrur goboleedka IGAD, sidoo kelena ay taariikh hore ka dhaxaysay labada dal ee Somaliland iyo Uganda, isla markaana ay ku nool yihiin dad badan oo u dhashay Somaliland.

Muxuyadiin Maxamed Cabdiqaadir, waxa kale oo uu sheegay in la filayo in dhawaan Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland uu booqasho tan la mid ah uu ku tago dalalka Rwanda Iyo Burindi.waxaanu xusay in uu sida uga dhakhsaha badan ugu soo laaban doono dalka UgandaWasiirka khaarajiga ee Soomaaliland, isaga oo sheegay hawl deg-deg ah oo soo food saartay uu ugu baxay Wasiirku dalka Britain.

Booqashadan Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya, oo ay si weyn wax uga qoreen Wargeysyadda waaweyn ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sidoo kale intii ay joogeen dalka Uganda waxa ay kulan la qaateen odayaasha iyo ganacsatada Somaliland ee ku dhaqan dalka Uganda,oo uu hor kacayooday Cabdirisaaq Siraaji iyaga oo wefitigu u sheegay odayaasha ay la kulmeen in ay ka shaqayn doonaan sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo labada ummadood, waxaanay Wasiirku u ballan qaaday odayaasha in uu si deg-deg ah ugu soo noqon doono dalka Uganda, isla marakaana uu sida dhakhsaha badan u soo magacaabi doono wakiil cusub oo Somaliland u fadhiyi doona dalka Uganda si loo sii anba-qaado isku xidhka xidhiidhka labada wadan iyo isku xidhka dadka Somaliland ee ku nool Uganda iyo dawladda Somaliland.

Sidoo kale, Rashiid Jaamac, oo ah masuul u dhashay Somaliland oo heysta dhalashada dalka Uganda, oo isna wax ka weydiinay safarka Weftigan ayaa tibaaxay in booqashadda wefigan heeka sare ah ee ka socda Somaliland ay wax weyn ka tarayso sii xoojinta xidhiidhka labada dal.

Weftigan Wasiirka Iyo Wakiilka waxa garoonka diyaaradaha ee Kampala ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland ee Uganda, C/risaaq Maxamuud Daa?uud (Sheeko), Xoghayaha guud ee Urrurka Ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaha dalka Uganda iyo aqoonyahan Maxamed Cali Sagax (Libaaxo), iyo xubno kale oo ka socday Jaalliyadda iyo ganacsatada Somaliland ee ku dhaqan Uganda.

KALA SOCO SHABAKADDA WARARKA EE CAALAMIGA AH EE HADHWANAAGNEWS QEYBO KALE OO DHEERAAD OO KU SAABSAN BOOQASHADA WEFTIGANI AY KU YIMAADEEN UGANDA

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

himilo_10@yahoo.com

TEL 00256 792418157

Hadhwanaagnews.com/Office

Kampala/Uganda

 Xigasho: Hadhwanaagnews

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: