Mujaahid Muuse Biixi oo fariin adag u diray dadka xaqiraya Xasuuqii shacabka Somaliland Somaliland Genocide

725-19xfaR.AuSt_.55

http://togaherer.com/radio-togaherer-xabaalaha-masalaha-ee-koonfurta-magaalada-hargaysa-oo-maanta-aas-baladhan-loogu-sameeyay-44-marxuun-oo-laga-soo-saaray-xabaalo-wadaareed-ku-yaalla-xaafada-badhka-ee-magaalada-hargay/

Wasiirka Cadaalada Oo Sheegay Inaanay Jirin Meel Ay Somaliland Ku Aqoonsatay Inaan Xasuuq Lagu Samayn Kana Hadlay Xabaal Wadareedyo Laga Helay Hargeysa


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 09, 2014 17:48:43
Horta Somaliland meel ay ku aqoonsatay inaan xasuuq lagu samayn garan maayo kii ka dhacay Jaziira dad reer Somaliland ah ayuu ku wajahnaa oo dawlad ayaa gaysatay, wixii waqooyi ka dhacayna dawlad ayaa gaysatay oo dadka reer Somaliland ayey ku dhacday

Hargeysa(HWN):-Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka hadlay xasuuqii loo gaystay shacabka somaliland wakhtigii xukunka dawladii Siyaad Bare.

Wasiirka wasaarada cadaalada oo faah faahin ka bixinayey aas loo sameeyey dad reer Somaliland ah oo laga helay xabaal wadareedyo si arxan daro ah loogu aasay ayaa waxa uu sheegay in wixii ka dhacay wadanka Somaliland uu ahaa xasuuq ay gaysatay dawladii dhexe ee somaliya.

 Ugu horayn wasiirka cadaalada Somaliland oo ka hadlaya aaska ay maanta u sameeyeen dadkaas laga helay xabaal wadareedyada ayaa wax auu yidhi”Aaskani waxa weeyaan hawl mudo dhawryo toban sanadood ah  socotay oo ay gacanta ku hayeen guddida baadhista xasuuqa Somaliland oo ahayd in wixii dalkan ka dhacay sideetamaadkii ilaa sagaashankii  oo ahaa


xasuuq balaadhan kaas oo ka dhacay magaalooyinka waa weyn ee somaliland kuwaas oo ay ku duugan yihiin xabaalahoodii xasuuqa  oo hore loo calaamadiyey, marag furadii markii ay arimahaasi dhacayeen ka war bixiyeyna  la ururiyey oo aad loo hayo, mudadii uu shaqaynayey xafiiska guddida baadhista xasuuqa Somaliland  waxa uu la xidhiidhayye  xafiiska xuquuqda aadamaha ee qaramada midoobay iyoa xafiisyada kale ee caalamiga ah sida hay’adda Amnesty kuwaas oo laga codsanayey in arinkaas xasuuqa la eego oo caalamka soo fara geliyo  oo cid dhex dhexaad ah loo helo wixii Somaliland ka dhacay nala eegta oo baadha.” Ayuu yidhi wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo u waramay voa.
Wasiirka cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlaya sida lagu xaqiijin karo in dadka maanta la aasay loo gaystay xasuuq ayaa waxa uu yidhi “waxa lagu garan karaa marka xabaasha la baadho waxa loogu tagaa calaamado xaqiijinaya  dadkaasi intaanay dhiman in nolol lagu qabtay inay mayd ahaayeen, waxa lagu garan karaa calaamado kale oo sheegaya in inta la qabtay si arxan daro ah loo dilay sida loo aasay ayaana lagu garan karaa oo way iska hor iyo dabo jeedaan, rasaastii lala dhacay ayaa ka muuqata lafahooda oo dal daloolisay oo qofkay dhakada kaga dhacday iyo kay lafta jabisayba laga arki karaa, qaarkoodna qumacyadii ayaa jidhka fadhiistay  iyada oo xabaalaha la faqay laga helayo birtii qumaca, xadhkihii layskugu xidh xidhay iyaga oo nool  si aanay u baxsan ayaa la helayaa, markaas wax isku qaldami kara maaha qof duumo dishay oo si caadi ah loo aasay iyo dadka sidaas oo kale loo laayey.”

Wasiirka cadaalada Somaliland ayaa waxa uu sheegay inaanay Somaliland aqoonsan in wixii loo gaystay shacabkeedu aanu ahayn xasuuq, waxaanu tilmaamay in dawladii dhexe ee somaliya ay xasuuqyo kale ka gaysatay gudaha magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu bar tilmaameedsanayey shacabka ka soo jeeda Somaliland waxaanu yidhi “Horta Somaliland meel ay ku aqoonsatay inaan xasuuq lagu samayn garan maayo kii ka dhacay Jaziira dad reer Somaliland ah ayuu ku wajahnaa oo dawlad ayaa gaysatay, wixii waqooyi ka dhacayna dawlad ayaa gaysatay oo dadka reer Somaliland ayey ku dhacday, dadka Somaliland waxa gaadhay meelna kamay  dhicin, haddii intii uu qaranka somaliyeed burburay ee hubku  gacanta dadweynaha galay dad wixii uu is yeelay tooda way ka duwan tahay ntan Somaliland ka dhacday,  qarankii dadka masuulka ka ahaa ee cashuurta uu qaadayey ku ilaalin lahaa ee masuuliyada iyagu ka saarnay inay nolol wanaagsan u hor seedaan oo ay ku hogaamiyaan ayaa gaystay oo loo tirinayaa, qabiil loo tirin maayo qof qofna loo tirin maayo” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay wasiirka cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: