Wefti Somaliland ka caawinaya ictiraafka oo wasiirka arrimaha dibedda Soamlailand Maxamed Biixi Yoonis ku soo dhaweeyey Hargeysa

©Somaliland1991

Mujaahid Muuse Biixi oo khudbad taariikhiya ka jeediyey shir weynihii 3aad ee xisbiga Kulmiye 28-29 April 2014

©Somaliland1991

Halkan ka daawo Sooraan iyo Jawaan oo siyaasiyiin noqday

©Somaliland1991

Halkan ka daawo ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsaday Taleex

Taliyaha guud ee ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland, sareeye guuto, Ismaaciil Shaqale

 

 

 

©Somaliland1991

Somaliland “oo qabsatay” xarunta Khatumo

Somaliland “oo qabsatay” xarunta Khatumo

 15 Abriil, 2014, 13:26 GMT 16:26 SGA

Boliiska Somaliland

Ciidammada Somaliland ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Taleex, oo xarun u ahayd maammulka loogu dhawaaqay degaanka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Afhayeen u hadlay ciidamada milleteriga somaliland Korneyl Cismaan Cabdillaahi Saciid ayaa goor dhoweyd u sheegay BBC in ciidamada somaliland -siduu hadalka u dhigay- gaadheen maanta duhurkii magaalada Taleex.

Waxaa uu sheegay in degaankaas uu ka tirsan yahay xuduuda Somaliland.

Afhayeenku wuxuu sheegay in haatan magaalada ay la wareegeen ciidamada somaliland oo si buuxda gacanta ay ugu hayaan hadda.

Ciidammo fara badan

Warar kale oo dadka deegaanka aan ka helnay ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo fara badan oo wata ilaa boqol gaadhi ay weerareen degmadaasi.

Waxaa horey halkaas ugu sugnaa ciidammo ka tirsan maamulka Khaatumo.

Lama sheegin ilaa hdda khasaare dhacay iyadoo warark qaar sheegayaan in ciidammada Khaatumo taabacsani ka baxeen Taleex .

Taleex waxay 180km ka xigtaa bari mgaalada laasacaanood, waana markii ugu horreysay ee Somaliland gaadho Taleex .

Somaliland oo Qabsatay Degmada Taleex VOA Somali

Somaliland oo Qabsatay Degmada Taleex

QIYAASTA QORAALKA
Ciidamada Somaliland ayaa maanta gudaha u galay oo qabsaday degmada Taleex ee gobolka Sool oo fadhiisin u ahayd maamulka Khatumo. Wararka ayaa sheegaya in degmada ay haatan ka jirto xiisad.

Afhayeenka ciidanka Somaliland, Cismaan Cabdillaahi Saciid ayaa VOA u xaqiijiyay qabsashada Taleex, wuxuuna afhayeenku ku dooday in Taleex ay ka mid tahay deegaannada Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya inay dhaceen iska-horimaad, balse ilaa imika lama xaqiijin karo in khasaare ka dhashay iyo in kale.

Degmada Taleex ee gobolka Sool, waaa goobtii lagu dhisay maamulka Khatumo.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin xiisadda ka taagan Taleex.

Xigasho> VoaSomali

 

Somaliland1991

Iska ilaaliya xayawaanka halista ah *Digniin muuqaal Naxdin leh

DIGNIIN  DIGNIIIIIIIIIIIIIIIIIIN DIGNIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN Muqaal naxdin leh!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

Waxaa dunnida  had iyo jeer ka dhacda dhacdooyin lama ilaawana, oo soo marta dunnida aynu ku dul nool nahay. Waxaa jira dhacdooyin farxad leh iyo qaar naxdin leh.

Dhacdadan aanu maanta akhristayaashayada Somaliland1991, u soo xulnay ayaa waxaa ka mid ah dhacdo naxdin leh oo ka dhacday, dalka Iiraan. Libaax, meel lagu xareeyey oo kii cuntada siinayey aakhirkii  dilay . Waxaa jira xayawaan aan sinaba loo carbiyeyn karin, si kasta oo aad isku deydo in aad carbiso.

 

©Somaliland1991