Somaliland “oo qabsatay” xarunta Khatumo

Somaliland “oo qabsatay” xarunta Khatumo

 15 Abriil, 2014, 13:26 GMT 16:26 SGA

Boliiska Somaliland

Ciidammada Somaliland ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Taleex, oo xarun u ahayd maammulka loogu dhawaaqay degaanka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Afhayeen u hadlay ciidamada milleteriga somaliland Korneyl Cismaan Cabdillaahi Saciid ayaa goor dhoweyd u sheegay BBC in ciidamada somaliland -siduu hadalka u dhigay- gaadheen maanta duhurkii magaalada Taleex.

Waxaa uu sheegay in degaankaas uu ka tirsan yahay xuduuda Somaliland.

Afhayeenku wuxuu sheegay in haatan magaalada ay la wareegeen ciidamada somaliland oo si buuxda gacanta ay ugu hayaan hadda.

Ciidammo fara badan

Warar kale oo dadka deegaanka aan ka helnay ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo fara badan oo wata ilaa boqol gaadhi ay weerareen degmadaasi.

Waxaa horey halkaas ugu sugnaa ciidammo ka tirsan maamulka Khaatumo.

Lama sheegin ilaa hdda khasaare dhacay iyadoo warark qaar sheegayaan in ciidammada Khaatumo taabacsani ka baxeen Taleex .

Taleex waxay 180km ka xigtaa bari mgaalada laasacaanood, waana markii ugu horreysay ee Somaliland gaadho Taleex .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: