Faallo: madax- dhaqameedyada dawladda federaalka Somaliya ka socdaa deg deg Somaliland looga mustaafuriyaa

 

guddoomiyaha weftiga

Sida aynu la wada socono waxa dalka yimid, 7 april 2014, dad iyagu yidhi waxa  aanu nahay weft madax- dhaqameedyo, ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Somalia. Odeyaashan oo uu soo diray Sheekh Xasan, Madaxweynaha dawladda federaalka Somalia,  dalka aynu jaarka nahay ee Somalia. Intii aanay iman ayaa waxaa warbaahinta lagu soo qoray in odeyaal tiro in ka badan 50 odey ay Somalland, imanayaan.

Odeyaashan oo intii aanay Xamar  ka soo ambo-bixin kulan gooniya la yeeshay madaxweynaha federalka Somalia, Sheekh Xasan. Waxaana la isla soo meel dhigay ajande hoose oo qarsoon. loo ballan qaaday gunadooda in ay helayaan, marka ay hawshaa ka soo baxaan. Waxa ay soo ingaydh kiraysteen diyaarad. Waxaanay ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, ee ku yaala caasimadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaa hubaal ah in ay dalka la yimaadeen ajande qarsoon, oo laynagu beer laxaaawsanayo oo somali weyn ah.

Hadalada ka soo yeedhaya waxaa ka mid ah. ´ama ujeedadda ay leeyihiin waanu u soconaa ama aanu u nimid Somaliland waa

1- Isbarasho

2- Is dhex gal bulsho

3- Aqoon korodhis xalinta khilaafaadka iyo dawlad wanaaga iyo sidii aad nabad u dhisateen

4. Waxa ay sheegeen in ay ka kooban yihiin madax-dhaqameedyo oo kaliya

5- Anagu siyaasad uma socono.

 

5 taa qodob ayaanu ku soo uruurinay wixii afkooda ka soo baxay

Hase yeeshee xaqiiqdu taa aad bay uga duwan tahay. Sida aan xaga hore ku soo sheegay waxay wadaan qorshe iyo ajande qarsoon.

Taasina maaha mid sinaba shacabka Somaliland aqbali karaan.

Haddii ay hoos ugu dhaadhacano 5 qodob

waxa ay in tusayaan in ay yihiin, dad la soo dirsaday, oo la yidhi hawshaa sooo fulaya.

Waa maxay isbarashada meesha taalaa, ma imika ayaa la is baranayaa??? ma isbarasho ayaa isku keen laaban, cajiib!!!!!, 30 sanno iyo in ka badan ayey is naqaanay.  Ta ay u  socdaan  waa boodh isku qaris.

q 2aad

Is dhex gal bulsho, imikaba dadku way isku socdaan labada dhinacba, Somaliland waxaa ku nool oo ka shaqaysta dad ka soo haajiray, dalkaa aynu jaarka nahay ee Somalia, oo qiyaastoodu gaadhayso 150 000 oo qof. Tana waxaan u arkaa boodh isku qaris,

q 3 aad

Aqoon korodhsi, xaga nabada iyo maamul wanaaga, iyo horumarka.

waa boodh isku qaris., wax ka qarsooni ma jirto habka ay Somaliland nabad u samaysteen iyo dariiqa ay u soo mareen.

q 4 aad

Waxa ay sheegeen in weftigoogu yahay madax-dhaqameedyo.

Tani waa been weyn oo cad

waxaa ku jira siyaasiyiin, Ganacsato, la taliyeyaal madaxweyne, saraakiil militari, oo dhar cada.

q 5 aad

Madax-dhaqan-meedyo ayaanu nahay , siyaaysaad uma socono.

Tana waa been, waxa soo diray, oo hawsha u soo igmaday , madaxweynaha federaalka, Somalia, Sheekh Xasan. waa been,  anagaa isa soo abaabulnay. Waxaa si cad uga danbeeya, madaxweynaha federaalka, Somalia, Sheekh Xasan

Yaaney been inagu maaweelinin, aduunyada ma jirto waxaan salka ku haynin siyaasayad, siyaasadu waxa ay gashay ilaa ciyaarihii. iska daa wax kale.

Waa boodh isku qaris, waxaa hubaal ah in ajandahood qarsoono yahay,

caalamkana u sheegaan, oo uu waliba ,, madaxweynaha federaalka, Somalia, Sheekh Xasan. caalamka u sheego in uu madax-dhaqameedyo ayaan u diray dalk oo dhan. oo Somaliland ku jirto.

oo gacanta ayey iigu jiraan, odayaasha ayaa ii sii gogol xaadhay in aan soo booqdo Somaliland.

 

Dawladda Somaliland ayaa haystaa , fasaxa ay u siisay in ay dalka Somaliland yimaadaan. Waa in ay cadayso sababta ay ugu ogolaatay.

Waa in shacabka Somaliland si weyn ula xisaabtamaan dawaladda Somaliland.

 

waxa aan soo jeedinayaa in si deg deg ah dalka looga mustaafuriyo. Arrintani waxa ay dhaawac weyn ku tahay, jiritaanka Somaliland. Khatarna ku keeni karto amaankeeda.

Waxaa waxaad looga cadhoodo ah .iyagoo Somaliland joogo in maanta mar uu  BBC  da waraysi siiyey guddoomiyaha weftigan, uu lahaa erayga waqooyiga, xaguu ka odhan lahaa Somaliland, taasi waa quudhsi..

Si deg deg ah dalka ha looga mustaafuriyo, yaanu waagu ugu baryin……..

Cadnaan Yaasiin, Hargeysa, Somaliland

©Somaliland1991

 

 

 

Taasina waa been cad, ee waxa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: