JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

 

[

 

June 1, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 23aad

Waa ku dhowaad 60 jir iyo sharciyaqaan reer Hargeysa ah, xilkiisa wasiirnimana la cimri yahay intii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dalka hoggaaminayey, waxaannu muddadaas afarta sannadood ku dhow wasiir ka soo noqday labada wasaaradood ee Hawlaha Guud iyo Caddaaladda oo uu hadda joogo.

Hore waxa uu ahaa kornayl ka tirsanaa ciidammada badda ee dawladdii Siyaad Barre, kadibna sannadihii dhowr iyo siddeetamaadkii ayuu ka baxsaday, waxaannu ku biiray halgankii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland, waxana xilligaas madax looga dhigay maamulka saadka ee guutadii 4aad ee dagaalyahannadii SNM, masuuliyaddaas oo sida la sheegay ay isku seegeen mujaahidiin tiro badan, isla markaana sababtay in inta jabhaddii gaadhi ku qaadaan meel cidla’ ah ku dejiyaan.

wasiirka caddaalada

Waa wasiirka keliya ee xogaha laga helay iftiimiyeen in aanay isku san-bannaanayn ilaa toddoba hay’adood oo xidhiidh wada-shaqayneed ka dhexeeyo wasaaradda uu madaxda ka yahay sida maxkamadaha kala duwan, Xeer-ilaalinta, Maxkamadda Sare, taliska ciidanka asluubta, Ururka Qareennada Somaliland, Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka iyo ciidanka booliska.

Sidoo kale, muddadii uu xilka hayey waxa uu astaan lagu wada bartay u noqday khilaafyada agaasimeyaasha ee wasaaraddiisa, iyadoo si gaar ah loogu xasuusto inay mid ka mid ah ilaa saddex agaasime guud guud oo muran soo kala dhexgalay dartii looga beddelay ay xafiiskiisa ku dagaallameen, kadib markii sida la sheegay uu ciidanka ilaalada xarunta wasaaradda ku amray in aannu agaasimuhu foodda soo gelin, halka murannada madaxda ka hoos shaqeeya awgeed isaga laftiisa hore looga wareejiyey Wasaaradda Hawlaha Guud oo Madaxweynuhu u magacaabay markii uu xafiiska madaxtooyada tirsaday.

Intii uu madaxda ka ahaa Wasaaradda Caddaaladda waxa aad loogu bartay farogelin qaawan oo uu si joogto ah ugu sameeyo garsoorka, isagoo sida la sheegay aad ugu hamiya inuu gacanta ku dhigo maamulka garsoorka, waxaanna taas tilmaan u ah boodhka wasaaraddiisa iyo magaceeda oo uu ku jiro arrimaha garsoorka, arrintaasoo bahda garsoorku in badan isku dayeen in laga reebo magaca wasaaradda caddaallada, maadaama bahda garsoorku yahay mid madaxbannaan oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee kala madaxbannaan, qarankanina ku taagan yahay, kuwaasoo kala ah; Waaxda Fulinta (Xukuumadda), Xeer-dejinta (baarlamaanka) iyo waaxda garsoorka.

Sidoo kale, waxa uu dedaallo badan u galay sidii uu hawlaha garsoorka uga saari xubnaha ka tirsan goleyaasha baarlamaanka ee ku shaqaysan jiray mihnadda qareennimada, tallaabadaas oo uu ku guulaystay, goleyaasha xeer-dejintu u meel-marsaday xeer arrintaas ku saabsan.

Waxa lagu tilmaamaa nin aad u dabeecad adag oo aanay cidna hadalka iyo talada toona ku heshiin, waxaanay arrintaasi ka dhigtay inuu go’doon ka noqdo inta badan bulshada Somaliland iyo dhex-galkooda. Waa nin lagu yaqaan inuu had iyo jeer ku jiro iska-caabbin xooggan oo kala hortago cid kasta oo wax dhexmaraan. Waxa kaloo uu aad iskaga foogeeyaa arrimaha ku saabsan reernimada iyo in lagu garab arko cid ay hayb qabiil wadaagaan. Dhinaca kale, waxa uu ka mid yahay wasiirrada xilalka ku raagay ee Madaxweyne Siilaanyo qallinka eriga kala xishoodo.

Waa xisbiyahan dhuuxa iyo lafta ka aaminsan mabaadiida xisbul-xaakimka KULMIYE oo ah halkii uu sallaanka siyaasadda ka soo fuulay, waxaannu inta badan si joogto ah ugu dhex jiray khilaafyada soo noqnoqday ee xisbigiisa ragaadiyey afartii sannadood ee uu xukunka hayey, isagoo sida xoguhu muujiyeen markasta la safnaa cidda ay is-hayaan hoggaanka sare ee xisbiga oo sida la sheegay uu si gaar ah uga soo horjeedo.

Khilaafka cakiran iyo loollanka culus ee xilligan u dhexeeya hoggaanka KULMIYE iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay waxa uu ka mid yahay wasiirrada meesha ugu adag ka taagan, isla markaana aadka u jecel in meesha laga saaro labada guuddoomiye ee ugu sarreeya xisbiga – Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed – iyo weliba masuuliyiinta xisbul-xaakimka ee la aragtida ah, waxaannu maalmihii la soo dhaafay dhowr jeer warbaahinta u mariyey eedaymo iyo hanjabaado kulul oo salka ku haya meel-marinta mowqifkiisa ku aaddan muranka KULMIYE oo waqtigan maraya meel dareenno waaweyn oo cabsiyeed huwan.

Waxa uu ka mid yahay murrashaxiintii ku guul-darraystay tartanka doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday dabayaaqadii sannadkii 2005, kadib markii uu ka mid noqday xubnihii ugu codadka yaraa 20 murrashax oo xisbiga KULMIYE uga tartamay Gobolka Hargeysa ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Sida xogaha laga soo ururiyey iftiimiyeen, dadka taageerayaashiisa ah, ayaa ku tilmaama masuul ku adag ilaalinta shuruucda dalka iyo nidaamka shaqada oo aan cidna ka oggolaan fulinta dano ka baxsan hawsha iyo masuuliyadda wasaaraddiisu ugu xilsaarn tahay, taasina sababtay in dad badan oo uu danaysiyo gaar ahaaneed ka diiday ku dacaayadeeyaan inuu yahay qof aan dadkiisa ixtiraamin.

Waxa kaloo u suurtogashay muddadaas inuu soo saaro dhallinyaro firfircoon oo wax weyn ku soo kordhiyey horumarinta garsoorka Somaliland, kuwaasoo uu uga faa’iideeyey mashruuc hay’adda UNDP ugu talogashay kor-u-qaadista tayada shuruucda iyo dib-u-habaynta garsoorka, barnaamijkaas oo ilaa hadda socda, kana aflaxeen dhallinyaro badan oo noqday garsoorayaal, qareenno iyo xeer-ilaalin ka hawlgala maxkamadaha dalka.

Ku sinnaan saddex sannadood oo uu wasiir ka yahay Wasaaradda Caddaaladda waxyaabaha u qabsoomay ee taariikhda ugu jira waxa ka mid ah dhismaha cusub ee xarunta wasiiraddiisu yeelatay, halka aannu weli ku guulaysan inuu wax ka qabto cabashooyinka tirada beelay ee shacabka reer Somaliland ka tirsadaan hay’adaha garsoorka ee maamulkiisa hoos taga, inkastoo xataa Madaxweynuhu marar kala duwan faraha la galay qorsheyaal iyo shirar lagu damacsanaa in lagu toosiyo qallooca gaamuray ee wehelka u noqday garsoorka dalka, haddana weli dhibaatadaas xal muuqda looma helin.

Ma buurna saamaynta dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasiga ah, marka laga reebo doorka uu ku leeyahay khilaafyada xisbiga KULMIYE ee uu markasta dhinaca ka noqdo.

Dadka naqdiya hab-dhaqankiisa maamul ayaa u arka kornayl ku asqoobay hawlaha siyaasadda iyo maamulka maddaniga ah ee uu dhex dabbaashay, maadaama aqoontiisa rasmiga ah tahay askarinimo iyo hawlo ciidan.

Waxa lagu xantaa nin aad u muran badan oo aan inaba wax tanaasul ah lahayn, tallaabo kastana u qaada si aragtidiisa gaarka ah iyo waxa uu aaminsan yahay ugu meel maraan, sidaa darteedna dabeecaddiisa kakan ka dhigtay goonni-socod iyo nin had jeer cadho badan wejigiisa ka muuqato, cid kastoo xafiiskiisa muraad ka galena kala hortaga muran iyo canaan adag oo ka baxsan milgaha masuul qaran laga doonayo, in kastoo mararka qaarkood la gala kulmo hadalo kaftan iyo haasaawe fiican ah oo ku raaligeliya. La soco wasiirka xiga…..

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

http://www.jamhuuriyamedia.com

kala soo xidhiidh

Email: jamhuuriya@yahoo.com ama jamhuriya@yahoo.com

Xigasho: Jamhuuriya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: