JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne SiilaanyoAxmed Cabdi Kaahin, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 31, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 22aad

Axmed Cabdi Kaahin, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta: Waa dhowr iyo konton jir ka soo jeeda degaannada degmada Saylac ee xarunta Gobolka Salal. Waxa uu ka mid ahaa shan xubnood oo beeshiisa ugu jiray golihii hore ee wakiillada Somaliland, markalena dib isugu sharraxay doorashadii tooska ahayd ee dadweynuhu codkooda ku soo doorteen golaha hadda shaqeeya, balse wax yar ka hor maalintii codbixinta ku dhawaaqay inay ka hadheen tartanka, kadib markii ay saluug weyn ka muujiyeen qaabkii loo maamulay goobaha codaynta oo ay ku doodeen in laga reebay degaanno badan oo looga codayn lahaa.

wasiirka dib-u-dejinta

Tan iyo intii waqtigaas ka dambaysay mar qudha laguma dhex arag masraxa siyaasadda, waxaannu ku foofay danihiisa gaarka ah, waana qunyar-socod lagu tilmaamo miskiin siyaasadeed.

Hase ahaatee, waxa uu markale faraska soo fuulay markii la furay ururradii siyaasadda ee ka qaybgalay doorashadii goleyaasha degaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqadii 2012, isagoo ka tirsanaa siyaasiyiintii madaxda ka ahaa urur-siyaasadeedkii hadhay ee XAQSOOR oo sida ka muuqatay ololihiisii doorashada uu wakiil uga ahaa degaannada Gobolka Salal ee uu dhalasho ahaan ku abtirsado.

Markii urur-siyaasadeedkiisii meesha ka baxay, isla markaana dhammaadeen cabashooyin xooggan oo masuuliyiintii XAQSOOR ka tirsanayeen qaabkii codbixinta doorashada loo maamulay kadib, waxa uu nasiib u yeeshay inuu Madaxweyne Siilaanyo u yeedho, kuna daro liiska golaha wasiirrada xukuumaddiisa.

Xilka wasiirnimo ee uu imminka hayo waxa loo magacaabay bishii June ee sannadkii hore, waxana madax looga dhigay mid ka mid ah wasaaradaha aan tamartooda iyo taagtoodu buurnayn ee dawladda Somaliland, waxaannu ku qasbanaanaday inuu la qabsado duruufaha dhaqaale ee weyda ka dhigay wasaaraddiisa.

Muddada sannadka ah ee xilka hayey saamayn la dareemi karo kuma uu dhex yeelan loollannada siyaasadeed ee dalka gudihiisa ka socda, waxana lagu sheegaa nin xidhiidh siyaasi ah oo qoto-dheer la leh dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu marar badan safarro kala duwan ku tagay. Waxa kaloo muddadaas loo tiriyaa inuu dedaal weyn u galay qaboojinta xiisado colaadeed oo markii uu xilka la wareegay ka dhex oognaa shacabka degaanno ka mid ah gobollada Awdal iyo Salal oo ay dhex yaalleen tabashooyin la xidhiidha dad la kala dilay, kadib doorashadii goleyaasha degaanka.

Waa wasiir inta badan maalintii ka maqan xafiiskiisa oo sida la sheegay uu maalin kasta wax saacad ka yar fadhiisto, waxana sida xogaha falanqayntani tibaaxeen uu had iyo goor ku mashquulsan yahay kala-horista martida uga timaad degaannada Saylac ee uu ka soo jeedo oo aan badanaa kala-go’ lahayn.

Dadka aadka u taageera ayaa u arka siyaasi sumcad iyo taageero culus ku dhex leh bulshada degaannada Gobolka Salal ee uu ka dhashay, sidaa awgeedna ku guulaystay inuu meesha ka saaro tabashooyin fara badan oo shacabka degaannadaasi ka tirsanayeen dawladda Somaliland.

Waxyaabaha u qabsoomay intii uu wasiirka ahaa waxa ugu muhiimsan dhammaystirka cusub ee hadda xarunta u ah wasaaraddiis, dhismeyaal illaa 500 guri gaadhaya oo koonfurta caasimadda Hargeysa looga dhisay dadka danyarta ah ee deganaa hareeraha garoonka weyn ee kubbadda cagta oo intooda badan dhowaan loo raray, halka kaadhadh loo qaybiyey kumanaan qoys sabool ah oo iyaguna deggan xaafadda State House-ka, kuwaas oo la qorshaynayo in iyagana musqbalka dhow loo raro dhul dan-guud ah oo looga qoondeeyay daafaha caasimadda, lana filayo in looga dhiso guryo ay degaan ka hor inta aan la rarin.

Waxa lagu xantaa inuu yahay nin loo dhiibay xil-siyaasadeed ka miisaan culus aqoontiisa maamul iyo kartidiisa oo aannu qaadi karin, taasina saamayn ku yeelatay hoggaaminta hawlihii adeegyada horumarineed ee laga rajaynayey wasaaradda uu madaxa ugu sarreeya ka yahay. Falanqaynta wasiirka xiga la soco Axadda…..

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

http://www.jamhuuriyamedia.com

kala soo xidhiidh

Email: jamhuuriya@yahoo.com ama jamhuriya@yahoo.com

XIGASHO:JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: