JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Cali Siciid Raygal, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 27, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaCali Siciid Raygal, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiskaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 19aad

Cali Siciid Raygal, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska: Sannadkii 1963kii ayuu ku dhashay degaannada miyiga ee u dhexeeya magaalooyinka Caynabo iyo Burco. Waxbarashadii dugsiga hoose/dhexe iyo sare waxa uu ku dhammaystay caasimadda Hargeysa iyo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxaannu ka baxay dugsigii sare ee Farsamada Gacanta Hargeysa. Sidoo kale, waxa uu ka soo qaybqaatay halgankii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland kadib gudo-galkii 1988.

Markii ugu horreysay waxa dhexgalka siyaasadda lagu arkay kadib aasaaskii xisbul-xaakimka KULMIYE, gaar ahaan doorashadii ugu horreysay madaxtooyada ee lagaga guulaystay Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisa hadda khilaafka culus ka dhex oogan yahay, isagoo aad uga dhex muuqday ololihii doorashadaas ee xisbigiisu ka sameeyey degaannada gobollada Togdheer iyo Saraar oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Intii xisbigiisa KULMIYE ee uu ka tirsan yahay ku jiray halgankii mucaaradnimada ee uu talada dalka kula wareegay uu tiraba laba jeer kala kulmay khasaare nafeed iyo hantiyeed oo ka soo gaadhay ololihii doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo tii madaxtooyada ee u dambaysay, kadib markii uu shilal gaadhi galay isagoo ku jira hawlihii ololaha, kuwaas oo dad ku dhinteen, sidoo kalena kaga burbureen laba baabuur oo uu gaar u lahaa, halka isaga laftiisana dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen shilalkaas. Sidaa darteed, waxa uu isu dhigaa nin tacab badan kaga maqan yahay kursiga Madaxweyne Siilaanyo ku fadhiyo, xaqna u leh xilka wasiirnimo ee uu hayo.

Markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) loo dhaariyey xukunka dalka, waxa uu isla markiiba u magacaabay Maareeyaha Guud ee Madbacadda Qaranka oo uu hayey muddo laba sannadood ku dhow, isagoo markaa kadibna nasiib u yeeshay in Madaxweynaha oo ay isku degaan ka soo jeedaan markale u dallacsiiyo kursiga wasiirnimada uu haatan isku kala bixiyo.

Waxa uu sannad iyo badhkii u dambeeyey qayb ka ahaa khilaafyada xisbiga talada haya ee KULMIYE oo haatan maraya heerkii ugu xumaa abid, kaas oo werwer aad u culus laga qabo inuu sababo burbur la mid ah kii uu saaxadda kaga baxay xisbul-xaakimkii uu xukunka dalka kala wareegay ee UDUB.

Wasiir Raygal waxa uu ka mid yahay garabka Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa ee sida adag uga soo horjeeda hoggaanka sare ee KULMIYE oo u muuqda inay xilligan ku jihaysan yihiin duufaannadii ugu adkaa ee loollannada xisbiga gudihiisa kaga kaca, inkastoo Muuse Biixi Cabdi ku daray liiska xubnaha Guddida Fulinta uu soo saaray habeenkii Isniinta.

Waxyaabaha lagu xasuusto intii uu xilka hayey waxa ugu muhiimsan tuhunno laga qabo doorkii hab-dhaqankiisa maamul ku lahaa fadeexaddii qabyaaladda ku dhisnayd ee iska horkeentay ciyaartoygii Gobolka Togdheer uga qaybgalay tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland ee badhtamihii kal-hore ku qabsoomay caasimadda Hargeysa, kadib markii laacibiinta kooxda kubbadda cagta ee metelayey Togdheer uu dhexmaray dagaal-qabyaaladeed ciyaartoygu isku fara-saareen, iyadoo arrintaasina sabab u noqotay inay ka hadhaan tartankii ay ku jireen, sidoo kalena gobolkaas muddo saddex sanno ah lagaga ganaaxo tartannada ciyaaraha gobollada dalka.

Sidoo kale, waxa aad loogu dhaliilaa go’aan cadho badan ku abuuray bahda ciyaaraha oo uu ku kala diray xidhiidhadii kala duwanaa ee u dhisnaa wasaaradda, kuna guuldarraystay inuu xidhiidho cusub sameeyo, waxaanay dadka maamulkiisa saluugsan tallaabadaas ku sifeeyaan mid dhaawac weyn u geystay qaab-dhismeedkii maamul iyo horumarkii laga filayey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee madaxda looga dhigay, maadaama uu meesha ka saaray mid ka mid ah masuuliyaddi ugu muhiimsanayd ee loo xilsaaray oo ah horumarinta ciyaaraha.

Sidaa awgeed, dadka rayigaas ka qabaa waxay ku eedeeyaan inuu yahay nin aan munaasib ku ahayn in loo dhiibo hoggaaminta hay’ad qaran oo halbowle ah, kursigana ku fadhiya kalsooni reernimo oo uu ka haysto Madaxweynaha, taasina u saamaxday inuu ku biro liiska wasiirrada loo yaqaan lama-taabtaan ee shidka ugu jira maamulka Madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale, waxa jira dad kale oo aaminsan aragti taa hore ka soo horjeedda, kuwaas oo rumaysan inuu yahay masuul daacad ah oo aad u jecel horumarka dadkiisa iyo dalkiisa, laakiin nasiibku madax uga dhigay wasaarad aan hortii jirin, kuna guulaystay inuu gaadhsiiyo waxqabad aan la dafiri karin oo uu ku soo nooleeyey niyadda iyo rajada malaayiinta da’yarta reer Somaliland oo hortii ka quustay waxtar iyo yididiilo ay ku sugaan wasaaraddooda.

Marka laga eego waxyaabaha u qabsoomay, waxa aad oogu ammaanaa dedaalkii uu galay hirgelinta dhismaha quruxda badan ee imminka xarunta u ah wasaaradda, taas oo la sheego inay ka mid ahayd hammigiisii ugu horreeyey markii uu xilka la wareegay oo uu si xun uga calaacalay dhismihii wasaaraddu ku jirtay waqtigaas oo uu ku tilmaamay mid u muuqaal eg mukhbaarad iyo meel aan munaasib ku ahayn xarun hay’ad qaran.

Waxyaabaha kale ee liiska guusha u galay, waxa ka mid ah in markii u horraysay tartan ciyaareed loo qabto dhammaanba gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasoo noqotay fursad ay isku dhexgalaan, iskuna bartaan da’yarta ciyaaraha ku hawlan.

Waxa lagu xantaa reer-magaal iyo nin aan lahayn aqoon iyo karti maamul oo uu ku hoggaamin karo wasaarad miisaan leh, kuna dhex haftay hawsha baaxadda leh ee loogu dhiibay reernimada. La soco wasiirka xiga…….

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

http://www.jamhuuriyamedia.com

kala soo xidhiidh

Email: jamhuuriya@yahoo.com ama jamhuriya@yahoo.com

 

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

XIGASHO:JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: