JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta:

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 28, 2014 – Written by Ali jaamac
Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 20aad

Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta: Waa dhowr iyo konton jir ka soo jeeda degaannada Gobolka Sool. Waxa uu markii ugu horreysay fagaaraha siyaasadda Somaliland ku biiray maalin kadib markii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay 27-kii July 2010kii oo uu ka mid noqday golihii wasiirrada ugu horreeyey ee Madaxweynuhu dhisay, xilligaas oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, balse sannad kadib ayaa loo beddelay wasaaradda uu hadda joogo.

wasiirka Hawlaha Guud

Ka hor intii aannu wasiirka noqon waxa uu maamule ka ahaa mid ka mid ah xawaaladaha lacagaha ee dalka ka shaqeeya oo sida xogaha laga helay xuseen uu saamiga ugu badan ku leeyahay, ilaa imminkana u shaqaysa. Waxa kaloo xogahaasi tibaaxeen inay sidoo kale u shaqeeyaan ganacsiyo kala duwan oo u samaytay ka hor intii xilka qaban iyo intii uu jagada wasiirnimo hayeyba.

Waa wasiirka keliya ee aan lahayn askar ilaalo ah, si caadi ahna suuqyada ugu dhexmara gaadhi yar oo uu gaar u leeyahay. Inta badan ma kaxaysto baabuurka dawladda ee qoran, kaas oo uu kaga rawaxo xarunta wasaaraddiisa.  Waa nin xarrago badan, toddobaad kastana maalin amma laba lagu dhex arko rayiisle uu ka xiirto oo ku yaal badhtamaha caasimadda Hargeysa, garoonka siyaasaddana ku jila aamusnaanta faraha badan ee is-muujintu ka madhan tahay.

Sida muuqata ma badna dhaqdhaqaayadiisa siyaasadeed ee masraxa lagu cartamo, marka laga reebo door uu ku leeyahay khilaafyada cakiran ee ka dhex aloosan xisbul-xaakimka KULMIYE oo had iyo jeer la safnaa dhinacyada sida adag uga soo horjeeda hoggaanka xisbiga, waxaannu ka mid yahay wasiirrada ay saaxiibka dhow yihiin wasiirka awoodaha badan ee Madaxtooyada.

Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumadda Somaliland ee ku guuldarraystay inay xidhiidh siyaasadeed oo wanaagsan la yeeshaan shacabka degaannada Gobolka Sool ee ay metelaan, tegistooduna ku yar tahay.

Aragtiyaha aadka u taageera ayaa u yaqaan masuul ka soo baxay xilkii iyo masuuliyaddii qaranka ee loo igmaday, kana xoroobay musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo ummadeed, sifooyinkaasina u saamaxeen inuu ka mid noqdo wasiirrada ugu muddada dheer xukuumadda KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo ku aaminay hawsha uu u xilsaaray.

Haseyeeshee, dadka aadka u naqdiya ayaa ku sifeeya nin xilka qaranka ee loo dhiibay uga faa’iidaysta danihiisa gaar ahaaneed, hanti fara badanna ka tabcaday, dayro iyo quusna ka ah dadka uu magacooda xafiiska ku fadhiyo, wasiirnimadana ku haysta u-dhego-nuglaanta iyo iska-dhaadhicinta iyo weliba gunnaynta Wasiirka Madaxtooyada oo balaayo-xijaab iyo dayr adag uga ah in seefta Madaxweynaha ee xil-ka-qaadista wasiirradu mar qudha jiidho afarta sannadood ee xukuumadda KULMIYE jirtay.

Muddada afarta sannadood ah ee wasiirka ahaa diiwaanka looguma hayo waxqabad taariikhda u galay oo uu ku soo kordhiyey labada wasaaradood ee loo kala beddelay, marka laga reebo qurxinta dhismaha xarunta wasaaradda uu hadda madaxda ka yahay.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusan doono waxa ka mid ah hoos-u-dhaca ku yimi adeegyada wasaaraddiisu qaranka u hayso iyo daciifnimada hay’adaha wasaaraddiisa hoos taga oo ay ugu horayso wakaalada korontada dawladda ee Hargeysa oo fadhiidnimo iyo shaqo la’aan ka socoto, dhawaana mar qudha mishiinnada laydku wada fadhiisteen, taasoo sababtay in qaybo badan oo caasimadda ahi mugdi noqdaan.

Waxa lagu xantaa bakhayl lacag jecel oo afka boodh u marsada cid kastoo wax soo moodda, sidoo kalena keli-socodnimada badan ee uu caanka ku yahay ku qariya musuqmaasuq casriyeysan oo uu ku leexsado hantida qaranka ee masuulka looga dhigo ilaalinteeda. La soco wasiirka xiga…..

 

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

http://www.jamhuuriyamedia.com

kala soo xidhiidh

Email: jamhuuriya@yahoo.com ama jamhuriya@yahoo.com

XIGASHO: JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: