Halkan kaa daawo booqashadii wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ku yimid Sweden

Ujeeddada Wefti Culus oo Dawladda Somaliland u Dirtay Dalka Sweden

May 22, 2014 – Written by Ali jaamac

Weftiga oo ay xubno ka yihiin wasiirro iyo afar maayir oo caasimadda Sweden ee qaaradda Yurub ka degaya Jimcaha berri

Hargeysa (Jam)- Wefti culus oo ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa inay safar ku tagaan dalka Sweden ee qaaradda Yurub Jimcaha berri, kuwaasoo aan ilaa hadda si cad loo ogayn ujeeddada socdaalkooda.

Qoraal ka soo baxay dalladda guud ee jaaliyaddaha Somaliland ee wadanka Sweden oo nuqul ka mid ahi Jamhuuriya soo gaadhay xalay, waxa lagu sheegay in wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, isla markaana xubno ka yihiin maayirradda magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama iyo Gabilay ay dalka Sweden gaadhi doonaan Jimcaha berri, kuwaasoo kulamo kala duwan la yeelan doona qurba-jooga iyo madax ka tirsan wadanka Sweden.

Wasiirka khaarajiga, wasiir-ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshadda, maayirrada Hargeysa,  Boorama, Berbera iyo Gabiley

 

“Dalladda guud ee Jaaliyadaha Somaliland ee dalka Sweden waxa ay shacabweynaha Somaliland ee ku dhaqan dalkan Sweden la socodsiinaysaa in dalkan Sweden ay imanayaan wefdi culus oo ka socda xukuumadeenna Somaliland maalinta Jimcaha ee ay taariikhdu tahay 23/05-2014, haddii Ilaahay yidhaah, kuwaasoo kala ah; Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda marwo Shugri Xarriir Ismaacil, maayirrada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), Berbera Md. Cabdishakuur Maxamed Xasan, Gabiley Md. Shucayb Maxamed Muuse, Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi iyo fannaannada caanka ah ee Sahra Halgan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Dalladda Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden.

Weftiga ka socda dawladda Somaliland, ayaa sida qoraalka lagu sheegay kulamo kala duwan la yeelan doona muwaadiniinta qurba-jooga ah ee ku nool magaalooyinka wadanka Sweden, iyadoo sidoo kale la filayo in weftigaasi kulan iyo shirar la yeeshaan masuuliyiin iyo madax ka tirsan dawladda Sweden.

Ilaa hadda si cad looma shaacin ujeeddada weftiga Somaliland ku tagayaan dalka Sweden, balse, waxa la filayaa inuu xidhiidh la leeyahay hawlaha aqoonsi-raadinta ah ee dawladda Somaliland ku jirto.

XIGASHO: JAMHUURIYA

 

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: