JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 22, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 15aad

Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha:  Waa 58 jir, waxaannu 1956kii ku dhashay degaannada degmada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daad-madheedh. Waxbarashadiisii dugsiga hoose waxa uu ka bilaabay degmada Duruqsi oo ka tirsan Gobolka Togdheer sannadkii 1962, dugsiga sarena waxa uu ka dhigtay magaalooyinka Boorama iyo Burco intii u dhexaysay 1970 – 1974.

Wasiirka Xannaannada Xoolaha waa falanqaynta Jamhuuriya

Badhtamihii sannadkii 1974 ayuu galay kulliyaddii caafimaadka Jaamacaddii Ummadda ee Xamar, halkaas oo uu ku qaatay cilmiga daaweynta iyo qalliinka, waxaannu ka qallin-jabiyey 1980, isagoo shaqadii ugu horreysay ee dhakhtarnimo ka bilaabay Cusbitaalka Digfeer ee Muqdisho, gaar ahaan qaybta qalliinka, kadibna waxa uu 1981kii u soo wareegay Cusbitaalka Guud ee magaalada Burco.

Markii mujaahidiintii SNM ee dalka xoreeyey galeen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa sannadkii 1988kii, waxa uu noqday dhakhtar qalliin oo daaweyn jiray mujaahidiinta dagaallada ku dhaawacma.

Waa dhakhtar xarumo caafimaad oo ilaa hadda u shaqeeya ku leh magaalada Burco oo uu asal ahaan deggan yahay.

Markii ugu horreysay waxa masraxa siyaasadda loogu dhex arkay 27 May 1997kii oo uu ka mid noqday wasiirrada ee uu soo dhisay Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo waqtigaas markale dib loogu doortay madaxweynenimada Somaliland, waxa loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka oo xilligaas la odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada.

Wuxuu ka mid ahaa saddex xubnood ee madaxweyne Cigaal ku wehiliyey hormoodnimada asaasidca xisbiga UDUB – Siciid Maxamed Gees, Axmed Yuusuf  Ducaale iyo Dr. Cabdi Aw Daahir – waxaannu noqday xoghayihii guud ee ugu horreeyay ee xisbigaas.

Intii uu xilka wasiirnimo hayey waxa uu ahaa xubin aad u firfircoon oo marxuum Cigaal ka dhigtay gacan-yare u dhego-nugul fulinta awaamiirtiisa arrimaha siyaasadda saaxiib aad ugu dhow oo aan had iyo jeer garabkiisa laga waayin, muddo yar kadibna waxa uu madaxweynuhu ugu lammaaneeyey wasiirnimadii xil-siyaasadeed kale oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbigii UDUB oo ahaa albaabkii lagu furay abuuritaankii axsaabta qaranka, isla markaana saamayn badanna ku yeeshay fagaarayaasha siyaasadeed ee lagu loollamo.

Inkastoo markii dambe Madaxweyne Cigaal ka rifay mid ka mid ah labadii xil ee ku tolay Dr. Cabdi Aw Daahir oo xilliyadaas loo yaqaanay gacanta midig ee madaxweynaha, kana qaaday wasiirnimadii, haddana uu muddo dhowr sannadood ah ahaa xiddig ka dhex muuqday inta badan siyaasiyiinta waddanka, maadaama uu hagayey ruug-caddaagii rag badan oo han lahaana bahda kala baxay ee qaranka hoggaaminayey oo ku soo daray fagaaraha siyaasadda ee lagu baratamo.

Nasiib-darro markii uu geeriyooday macallinkiisii weynaa oo aannu ka baran wax dhaafsiisan casharkii koowaad ee fardo-fuulka, nasiibna u yeelan inuu ka dhaxlo casharrada ugu muhiimsan cilmiga badweynta siyaasadda oo ah farsamooyinka loo xidho xadhkaha guulaha lagu gaadhi karo iyo sida looga badbaado dabinada fashilaadda, waxa soo foodsaartay guuldarradii koowaad ee siyaasadeed oo meesha ka saartay awoodihii badnaa ee uu haystay, dhabar-jabna ku keentay hankiisii siyaasiga ahaa iyo halkii uu higsanayey, kuna waayey xilkii iyo xubinnimadii xisbiga UDUB ee aasaaskiisii bud-dhigga u ahaa.

Horraantii bishii November 2002-dii, ayaa dibadda looga tuuray xisbigii UDUB ee uu baarqabka ahaa, kadib markii uu damcay inuu Daahir Rayaale Kaahin oo geeridii Cigaal kadib loo dhaariyey xilka Madaxweynaha Somaliland kula loollamo jagada murrashaxnimada madaxweynenimo ee xisbiga uga qaybgalayey doorashadii ugu horreysay madaxtooyada oo dalka ka qabsoontay sannadkii 2003, waxana qasab lagaga qaaday xilkii xoghayaha guud ee uu hayey, dabadeedna kabo la’aan ayuu xisbigiisii kaga dhaqaajiyey.

Muddo markii uu la jiifay jugtii aannu filayn ee ka gaadhay harraatidii lagaga saaray xerada xisbigiisii UDUB uu mulkiyaddiisa isa siiyey, balse baalasha laga dhex rifay markii uu sanka taagay, una muuqday qof duni cusub galay kadib nafla-caaridkii isku tuuray xisbul-xaakimka uu hadda ka tirsan yahay ee KULMIYE oo waqtigaas saaxadda ku cusbaa, kaas oo aannu ku yeelan wax saamayn ah oo sidii UDUB oo kale looga dhex dareemo.

Sabbaaxaddii labaad ee guuldarrada siyaasadda waxa uu la kulmay sannadkii 2005 oo uu mid noqday murrashaxiintii u tartamay doorashadii koowaad ee Golaha Wakiillada, waxaannu noqday murrashaxii ugu codka hooseeyey 15 murrashax oo xisbiga KULMIYE uga tartamay Gobolka Togdheer ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, arrintaas oo iyaduna ku noqotay masiibo aannu meeshaba soo dhigan oo markale mugdi galisay mustaqbalka hankiisii siyaasadeed ee marxuum Cigaal ku ababiyey.

Markii xisbigiisa KULMIYE ku guulaystay talada dalka bishii June ee sannadkii 2010, waxa gashay waxogaa yididiilo ah, waxaannu u hanqal-taagay in Madaxweyne Siilaanyo ku soo daro liiska wasiirrada xukuumaddiisii ugu horreysay, balse wuu ku hungoobay. Hase ahaatee, nasiib-wanaag waxa riyadaasi u rumowday isku-shaandhayntii koowaad ee madaxweynuhu ku sameeyey golihiisa wasiirrada oo uu ku soo baxay xilka wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee uu hadda hayo, waqtigaas oo ku beegnayd bishii January ee sannadkii 2011.

Muddada saddexda sannadood iyo dheeraadka ah ee uu xilka wasiirnimo hayey waxa si gaara loogu xasuustaa doorkii uu ka soo qaatay khilaafkii sannadaha jiitamayey ee kala qaybiyey xisbul-xaakimka KULMIYE, waxaannu si weyn uga dhex muuqday garab uu horkacayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo si adag uga soo horjeeday hoggaanka xisbiga, arrintaas oo dad badan xasuusisay halka uu ku dambeeyey xisbigii macallinkiisii marxuum Cigaal  uga tegay ee UDUB oo gebi ahaanba saaxadda siyaasadda ka baxay, maadaama uu ahaa masuulkii ugu horreeyey ee bilaabay khilaafyada axsaabta qaranka.

Marka la eego dhinaca waxqabadka waxa uu qayb ka soo qaatay hawlihii nabadaynta beelaha Somaliland ee ku colloobay dagaalladii sokeeye, doorkii uu ku lahaa gardaadintii nidaamka xisbiyada badan ee dalka ka hirgalay iyo weliba horumarinta adeegyada caafimaadka oo sida la sheegay uu uga faa’iideeyey mihnaddiisa dhakhtarnimo.

Waxa kale oo dadka dhalliilaa aaminsan yihiin inuu yahay dhakhtar dad oo loo diray caafimaadka iyo xannaanaynta xoolaha nool oo aannu wax aqoon ah u lahayn, iyadoo arrintaasina sababtay in muddadii uu xilka hayey tiraba dhawr jeer dalka Sucuudiga laga soo celiyey xoolo  ka dhoofay dekedda Berbera sababo la xidhiidha dhinaca caafimaadka.

Aragtiyaha naqdiya hab-dhaqankiisa siyaasiga ah, ayaa ku sifeeye nin ku fashilmay ciyaarta siyaasadda ee uu sanqadheeda ku dhex asqoobay, markasta oo uu hunguri qaadana guuldarro iyo qoommamo garoonka kala baxa, halka taageerayaashiisuna niyadda ugu dhisaan inuu yahay siyaasi mustaqbal fiican leh oo filkiisa siyaasadda oo dhan dheer khibradda iyo waayo-aragnimadii hoggaamin ee uu kala hadhay aabbihii dhismaha dawladnimada iyo nidaamka dimoqraadiyadeed ee Somaliland ku faanto, una bislaaday inuu noqdo hoggaamiyaha qaranka ee mustaqbalka dhow.

Waxa lagu xantaa inuu yahay socod-barad iyo ma-gudbe maskax-guur ka qaaday barashadii shaxda siyaasadda ee markii loo bilaabay macallinkiisii marxuum Cigaal wedku kala qaaday, kadibna ku dhex haftay dabbaasha badweynta oo aannu waxba ka baran sida looga badbaado duufaannada dabaylaha siyaasadeed ee hadba dhinac u socda, sidoo kalena guuldarrada saaxiib la noqday, rajana laga qabin inuu weligii guul siyaasi ah meel sare ku gaadho, inkastoo qadarka Ilaahay halkiisa yahay,  marka laga reebo xilka wasiirnimo ee guulwadaynta xad-dhaafka ah kaga helay Madaxweyne Siilaanyo. Waxa kaloo dadka qaar ka aaminsan yihiin inuu yahay nin aan xidhiidh wanaagsan la lahayn bulshada reer Somaliland, gaar ahaan shacabka beesha uu ka soo jeedo oo sida xoguhu tibaaxeen aannu mar qudha taageero buuxda ugaga helin qorsheyaashiisa siyaasadeed. La soco wasiirka xiga….

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

http://www.jamhuuriyamedia.com

kala soo xidhiidh

Email: jamhuuriya@yahoo.com ama jamhuriya@yahoo.com

XIGASHO: JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: