JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 13, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 9aad

Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta: Waxa uu liiska xubnaha Golaha Wasiirrada ku biiray bishii June ee kal-hore (2013). Hore waxa uu ahaa sarkaal sare ka tirsan Baanka Somaliland iyo bangiyadii dawladdii Siyaad Barre oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay.

Wasiir Abgaal

Waxa fuulista faraska siyaasadda lagu dhex arkay ku sinnaan muddo hadda laga joogo lix iyo toddoba sannadood, waqtigaas oo ka dhex muuqday siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE oo xilligaas mucaarad xooggan ku ahaa xukuumaddii UDUB ee uu hoggaamin jiray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ay isku beel ka soo jeedaan, waxaannu safka hore kaga jiray ragga sida adag u dhaliili jiray.

Haseyeeshee, waxa si gaar ah loogu xasuustaa isbeddel siyaasadeed mar keliya mowqifkiisii mucaaradnimo u jeediyey muxaafidnimo uu si lama filaan ah ugu taageeray adeerkii Rayaale bil keliya ka hor markii uu xukunka kaga guulaystay xisbigiisii KULMIYE ee uu guushiisa ka hordhacay, waxaannu muddadaas kooban noqday madfac muxaafidiintii UDUB iskaga waabin jireen warbihii cuslaa ee mucaaradku talada dalka kaga fara-maroojiyeen.

Dadka dhaliila ayaa sheega in weji-gabax siyaasadeed oo fool xun ku hubsaday markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxtooyada ee Madaxweyne Siilaanyo iyo KULMIYE ku guulaysteen, kadib markii si caaddifad qabyaaladeed ka muuqatay waqti aan munaasib ahayn seegay fursad qaali ah oo uu wax kula qaybsan lahaa xisbigiisii uu ku wacad-furay maalmihii guushiisu soo uraysay.

Haseyeeshee, dadka taageera ayaa ku tilmaama si fiican ula qabsaday isbed-beddelka dabaylaha siyaasiga ah ee Somaliland, meel kastoo uu joogana xero mucaarad iyo mid muxaafidba ka dhex muuqda, markastana saamayntiisa laga dareemo saaxadda siyaasadda, sidoo kalena taageero ballaadhan oo siyaasadeed ku leh degaannada Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo.

Muddo markii uu ku jiray ciil-kaambi ka dhashay guuldarradii ka raacday taageeradii aan sii raagin ee uu u fidiyey xukuumaddii UDUB, kadib wuxuu dib isaga xaadiriyey xisbigii uu inaadeerkii ka raacay ee KULMIYE, tallaabadaas oo lagu tiriyo inay noqotay guushii ugu muhiimsanayd ee noloshiisa soo marta oo ah, in Madaxweyne Siilaanyo oo uu si qaawan u weerari jiray xilligii mucaaradnimada ahaa u cummaamado kursiga wasiirnimo ee uu haatan ku fadhiyo.

Dhinaca waxqabadka muddo sannad maalmo ka dhiman yihiin oo uu xilka hayey, waxa uu ku guulaystay inuu kor u qaado isku-xidhnaanta xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo shacabka reer Awdal oo sida la sheegay markii hore daciif ahaa. Waxa kaloo uu wax ka qabtay wanaajinta xidhiidhka wada-shaqayneed iyo is-fahamka shirkadaha isgaadhsiinta madaxbannaan iyo wasaaraddiisa, faham-darradaas oo loo aaneeyo inay sabab u ahayd xil-ka-qaadista ilaa 26 wasiir oo xafiiska uga horreeyey Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal.

Waxa lagu xantaa qabiili aan lahayn mowqif siyaasadeed oo meel sugan loogu hagaago, isbed-beddelkiisa badanna ku qotomo danaysi shaqsi ah iyo inuu raaco maalinba meesha uu dantiisa gaar ahaaneed ka dhex arko. La soco wasiirka xiga….

 

XIGASHO. JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: