JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada:

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 20, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 13aad

Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada: Waa 72 jir muddo dheer ku soo dhex jiray hawlaha maamulka iyo siyaasadda, waxaannu qiyaastii 1942-kii ku dhashay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, halkaas oo uu ku koray waxbarashadiisii hoosena ka bilaabay.

wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada

Waa aqoonyahan isku hawla ururinta waxyaabaha taariikhiga ah iyo taariikhda shaqsiyaadka doorka ka soo qaatay xog-ururinta sooyaalkii taariikheed ee Somaliland soo martay.

Ka hor intii aannu lagu dhawaaqin madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii Kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, isagoo ka soo shaqeeyey magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco, Maydh (Somaliland) Qardho iyo Muqdisho (Soomaaliya), xilkii ugu horreeyey ee siyaasadeedna waxa uu qabtay 1991-kii oo uu noqday Badhasaabka Gobolka Awdal, ka hor intii aanay Somaliland xorriyadeeda dib ula soo noqon.

Shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ku yeesheen magaalada Boorama ee lagu soo doortay marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ahaa guddoomiyihii hoggaaminayey ergooyinka Golaha Guurtida Beesha Samaroon ee martigeliyey shirweynaha oo socday intii u dhexaysay January ilaa May 1993, kadibna waxa uu ka mid noqday golihii ugu horreeyey wakiillada ee shirkaas lagu soo dhisay oo uu ka tirsanaa tan iyo sannadkii 2005.

Markii Golihii Wakiillada ee labaad muddo-xileed ku soo jiray kuraasta u banneeyeen xildhibaannada hadda shaqeeye, waxa uu noqday xubin-sharafeed ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu u magaacabay madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ay isku beel ka soo jeedaan.

Waa wasiirka keliya ee ka soo jeeda beelaha darafyada ee si cad u qira xasuuqii isir-nacaybka ahaa ee taliskii Siyaad Barre ku gumaaday shacabka reer Somaliland, gaar ahaan beesha dhexe (Isaaq), arrintaas oo sida xogaha Jamhuuriya  ka helay tibaaxeen uu ku mutaystay cadaawad iyo jidh-diid kaga yimi dadweynaha gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal.

Sidoo kale, taas beddelkeeda waxa lagu xasuustaa hadal uu ka jeediyey badhtamaha magaalada xudduntiisu taal ee Boorama oo uu ku sheegay in dagaalyahannadii SNM ee dalka xoreeyey iyaguna dhankooda xasuuq geysteen, gaar ahaanna shacabka reer Awdal waqtigii uu socday halgankii dib-u-xoreynta Somaliland dabayaaqadii siddeetamaadkii ilaa horraantii sagaashanaadkii.

Waa hadal-yaqaan sheeko macaan oo si fiican loo dhegaysto hadalkiisa oo u badan dhacdooyin iyo xogo taariikheed oo uu xambaarsan yahay, kuwaas oo uu si farshaxannimo leh ugu gudbiyo dhegaha cid kastoo haasaawe dhexmaro.

Magacaabistii wasiirnimada ee uu hadda hayo oo ku beegnayd bishii March 2012, ayaa dadka arrimaha siyaasadda falanqeeyaa ku sifeeyeen inay ahayd mid ka mid ah tallaabooyinka guulaystay ee Madaxweyne Siilaanyo u qaaday dhinaca nabadaynta beelaha Somaliland, siiba shaqaaqooyin soo noqnoqday, cilinkoodana la saariwaayey oo marar kala duwan dad ugu dhinteen xurguf-dhuleed la siyaasadeeyey oo muddo dheer u dhexaysay shacabka ood-wadaagta ah ee deggan degaannada u dhexeeya gobollada Gabiley iyo Awdal, halkaas oo aanay wax dhibaato ah oo dambe ka dhicin tan iyo markii xilalka wasiirnimo loo magacaabay isaga (Wasiir Garaad) iyo wasiir reer Gabiley ah oo si wadajira loogu tuhunsanaa inay faraha kula jireen hurinta colaaddii iyo dilalkii fooshaa ee degaannadaas ka dhici jiray ka hor intii aanay wasiirrada noqon.

Aragtiyo badan ayaa rumaysan inuu sabab u ahaa xil-ka-qaadistii taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland Jeneral Nuux Ismaaciil Taani iyo xadhiggii Wasiirka Wershadaha Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad) waqtigii uu ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda, kadib markii uu Wasiir Garaad oo isaguna xilligaas ahaa xubin-sharafeed ka tirsan Golaha Guurtida uu ku eedeeyey labadaas masuul oo u dhashay Gobolka Gabiley inay yihiin gacan-ku-dhiigleyaal ka dambeeyey dilal fool xun oo shacab aan waxba galabsan oo reer Awdal ah loogu laayey degaannada muranka dhuleed ka taagnaa ee u dhexeeya labada gobol.

Waa ninkii koowaad ee wasiir ka noqda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Somaliland tan iyo markii la aasaasay, waxaanna xilka uga horreeyey saddex dumar ah.

Dadka saluugsan nidaamkiisa maamul ayaa ku dooda, in hoos-u-dhac weyn ku yimi dhaqdhaqaaqyadii waxqabad ee wasaaradda uu madaxda ka yahay, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqa inay aad isu dhimeen mashaariicdii horumarineed ee wasaaraddu ka heli jirtay hay’adaha caalamiga ah, marka loo eego xilliyadii haweenku wasiirka ka ahaayeen.

Haseyeeshee, taageerayaashiisa ayaa qaba in horumar ballaadhan wasaaraddu ku tallaabsatay muddo laba sanno iyo billo ah oo uu hoggaaminayey, waxaanay aragtidooda markhaati-fur uga dhigtaan dhismeyaasha quruxda badan ee hadda xarunta u ah wasaaradda iyo maamul-daadejinta oo ay sheegeen inuu meel fiican gaadhsiiyey.

Waxa lagu xantaa nin jagada wasiirnimo u ku dhaxlay doorkii uu ku lahaa abaabulkii colaadeed danihiisa gaarka ah ku lammaanaayeen ee uu bulshada degaanka degmada uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Dila kaga horgeyn jiray walaalahooda reer Gabiley ee ooddu u kala rogan tahay, maadaama islaax iyo nabadgelyo buuxdaa ka hirgaleen degaankaas markii fidno-abuurkii loo tirinayey meesha ka baxay, kadib markii uu gaadhay dantii ugu dhex qarsoonayd kicintii iyo tirtirsigii dadweynaha beeshiisa ee uu sida weyn uga dhex muuqday sannadaha badan iyo weliba fidmo laga dhexqabtay shacabka walaalaha ah ee degaanka ku wada nool. La soco wasiirka xiga…..

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

http://www.jamhuuriyamedia.com

kala soo xidhiidh

Email: jamhuuriya@yahoo.com ama jamhuriya@yahoo.com

 

XIGASHO: JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: