JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Md. Xuseen Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 17, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 12aad

 

Md. Xuseen Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha: Waa qurbo-joog isaga iyo wasaaraddiisuba nidaamka dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland ku soo biireen waqti haatan laga joogo sannad 35 maalmood ka dhiman yihiin.

wasiirka khayraadka Biyaha

Sida dadka aqoonta u leh sheegeen waa aqoonyahan muddo dheer dibadaha ku maqnaa oo magaciisa iyo muuqiisuba ku cusub yihiin saaxadda siyaasadda dalka, marka laga reebo inay walaalo yihiin Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamuud Axmed Cabdulle (Sakhraan) oo ka mid ahaa siyaasiyiintii magaca lahaa ee wax ka soo dhisay qarannimada iyo dawladnimada Somaliland.

Waxa lagu tilmaamaa nin afkiisu gaaban yahay, badanaana keli-socod oo aan shiddo badan lahayn, isla markaana ku af-dillaacsan fagaaraha siyaasiyiintu ku kala muuq dheeraadaan, lagana dareemi karo qariibnimo muujinaysa in aannu la weli si fiican ula qabsan fuulista faraska siyaasadda.

Isku-shaandhayn Madaxweynaha Somaliland ku sameeyey golihiisa wasiirrada 25 June 2013, ayaa madax looga dhigay wasaarad abuuristeeda iyo magacaabistiisu wada socdeen oo laga soo dheegay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo weligeed biyuhu ku lammaanaayeen tan iyo intii Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 23 sannadood ka hor.

Xogaha qarsoon ee aan si cad u soo shaac bixin, ayaa tibaaxay in aannu wanaagsanayn xidhiidhka wada-shaqayneed ee wasaaradaha Macdanta iyo Biyaha oo la kala jiray, kadib markii sida la sheegay madaxda sare ee labada dhinac isku seegeen arrimo ku saabsan maamulka mashaariicda hay’adaha caalamiga ah ugu talogaleen horumarinta adeegyada biyaha ee la saxeexay markii wasaaraddu isku jirtay, iyadoo taasina keentay in Wasaaradda Biyuhu ka guurto dhismeyaasha xarunta Macdanta iyo Tamarta oo markii hore qayb laga siiyey.

Wasaaradda uu wasiirka ka yahay ma laha xarun dhisme dawladeed oo gaar u ah, waxaanay muddada sannadka ku dhow ee ay jirtay deggan tahay guri shacab oo sida la sheegay lacag badan lagaga kireeyey.

Xagga waxqabadka waxa muddadaas kooban ee wasiirradiisu abuurnayd u suurtogalay dhammaystirka qaab-dhismeedka wasaaradda cusub iyo sidoo kale ceel biyood oo laga hirgeliyey meelo kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan degaannada Gobolka Gabiley iyo Togdheer, isagoo xooga saaray sidii biyo ku filan loogu heli lahaa guud ahaanba degaannnada Somaliland.

Waxa lagu xantaa nin xariif ku ah adeegsiga dabeecadaha Maakhiriyeynta loo yaqaan ee lagu sheego dadka soo jeeda Gobolka Sanaag oo u badan marin-habaabin iyo isticmaalka hadallo makeeki ah oo aanay badanaa fahmin cidda loola jeedaa, masraxa siyaasaddana ku soo galay is-miskiinin, afkiisa iyo addinkiisana laga nabadgalay, diyaarna u ah inuu si daacadnimo leh ugu shaqeeyo qarankiisa, sidaa awgeedna aan si sahlan loo fahmi karin ujeeddooyinka dhabta ah ee qaab-siyaasadeedkiisa. Wasiirka xiga la soco cadadka Axadda……

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

XIGASHO. JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: