JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 14, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 10aad

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta: Waa caalim diinta islaamka si fiican u yaqaan. Waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii qoriga sitay ee qaybta ka soo qaatay halgankii SNM ee dib-u-xoreynta Somaliland oo uu dhowr jeer ku dhaawacmay.

wasiirka diinta

Markii dalka lagu soo noqday waxa uu u baydhay dhinaca barashada diinta iyo abuurista hawlo ganacsiyo najaxay oo ilaa hadda u shaqeeya, isagoo ka dhex muuqday culimada la karaameeyo ee dalka ka hor intii aannu hawlihiisii sheekhnimada iyo baayac-mushtariga ku saddexayn qooraansiga masraxa siyaasadda Somaliland.

Dhaqdhaqaaqyadiisii ugu horreeyey ee u-janjeedhsiga hawlaha siyaasadda waxa uu ka bilaabay xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE wax yar kadib aasaaskiisii oo ku beegnaa 45 maalmood keliya ka hor doorashadii koowaad ee Goleyaasha Degaanka oo dalka qabsoontay sannadkii 2003, waxaannu ka mid noqday golaha dhexe ee xisbiga oo uu illaa imminka ka tirsan yahay.

Waxa lagu tilmaamaa nin aan dadka iska weynaysiin oo cid kasta hadalkooda dhegaysta, kuna guulaystay muddadii uu xilka hayey inuu isu soo dhoweeyo qaybaha culimada ee marar badan isa-seeggu dhexmari jiray.

Dadka aan la dhacsanayn ee saluugsan ayaa ku sheega nin ka madhan nidaamka maamulka dawliga ah, sidoo kalena kelidii isku koobay awoodihii maamul ee wasaaradda, sidaa aawadeedna taasi keentay inay wada-shaqayn kari waayaan saddex agaasimeyaasha guud oo afar sannadood oo uu xilka wasiirnimo hayey wasaaraddiisu yeelatay oo laba ka mid ah looga beddelay markii ay is-qabsadeen.

Aragtiyaha dadka taageersan ayaa rumaysan inuu yahay masuul daacad ah oo jecel, aadna u soo dhoweeya cid kastoo aqoon iyo waxtar ku soo kordhinaysa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee uu madaxda ka yahay iyo guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse nasiib-darro kaga dhacday inuu helo agaasime guud oo garab iyo gaashaan ugu noqda horumarinta hawlaha muhiimka ah ee wasaaraddiisu qaranka ugu xilsaaran tahay, kana shaqeeya masaaliixda ummadda iyo isu-soo-jiidka dadka wax kala tirsada.

Geesta waxqabadka waxa faan iyo guul u ah inuu kor u qaado heer argagax lahaa oo uu adeegyada wasaaradda markii uu xafiiska fadhiistay, gaar ahaan dhinacyada dhismaha xarunta wasaaradda oo uu ka raray halkii uu xilka kula wareegay oo ahayd meel aad u dayacan, kor-u-qaadista bilicda iyo tayada xafiisyada waaxyaha kala duwan, hawlgelinta xafiisyada isu-duweyaasha gobollada dalka, dhiska masaajid laga hirgeliyey gudaha qasriga Madaxtooyada oo markii ugu horreysay Madaxweyne Siilaanyo nasiib u yeeshay inuu Jimce kasta dadkiisa kula tukado.

Waxa lagu xantaa wadaad raadadkii dhaqanka jabhadnimadu ka muuqdaan oo aan la qabsan dhigista shaxda siyaasadda, waxtarkiisuna liito, qabyaaladdana yaqaan oo dadka kala xigtaysta, isagoo sidoo kale lagu sheego inuu yahay sheekh luqaddiisa Carabigu u sahashay inuu mashaariicdaso hay’ado khayri ah oo dalalka Carabta iyo kuwa islaamkaba ka dhisan, isla markaana dhaqaale ka hela arrimahaas. La soco wasiirka xiga…..

XIGASHO. JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: