JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga:

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

June 4, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 26aad

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga: Waa ayeeyo lixdan jir kor u dhaaftay oo ku dhalatay caasimadda Hargeysa, balse dhalasho ahaan ka soo jeedda degaannada galbeedka Burco.

Waxay ka mid tahay haweenka aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, waxna ku soo baratay dalka gudihiisa iyo Maraykanka oo ay ku noolayd ka hor intii aanay dalka dib ugu soo laaban muddo haatan laga joogo 19 sannadood, waxaanay ku takhasustay cilmiga degaanka, sidoo kalena waa kalkaaliso caafimaad sare oo baratay aqoonta umulisonimada.

shugri-baandare wasiirka falanqaynta

Muddada 20-ka sanno ku dhow ee ay dalka joogtay waxay aad uga dhex muuqatay hay’adaha samafalka waddaniga ah iyo weliba masraxa siyaasadda, waxaanay sida la sheegay Somaliland ka aasaastay sannadkii 1995-ka hay’adda CANDLELIGH oo ah ta ugu weyn ee ka shaqaysa horumarinta degaanka, taas oo sida ka muuqata ay gaadhsiisay heer dad badan ku ammaanaan oo wax weyn ka taray dhibaatooyinka baahsan ee gedaaman degaanka, xafiisyo waaweynna ku leh magaalooyinka gobollada waaweyn ee dalka.

Sidoo kale, waxay hormood ka ahayd koox dumar aqoonyahanno ah oo unkay dalladda ay ku bahoobeen ururrada haweenka aan dawliga ahayn ee NAGAAD oo iyaduna noqotay hay’ad taabbo-gashay oo kaalinteeda haween badan ku hirtaan, iyadoo sida xoguhu tibaaxeen illaa maanta ka mid ah guddiga sare (Board) ee hoggaamiya dalladdaas.

Horraantii sannadihii labada kun ayey gacanta la gashay hawlaha siyaasadda, waxaanay sannadkii 2000 xubin ka noqotay Komishankii Doorashooyinka ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland yeelato, waxaanay door muhiim ah ka soo ciyaartay maamulka hawlihii saddexdii doorasho ee ibo-furka u ahaa nidaamka dimoqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan ee dalka hirgalay dhowr iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay.

Markii la kala diray Guddigii Doorashooyinka Qaranka ee ay ka tirsanayd waxay markale dib ugu laabatay hawlaha hay’adaha waddaniga ah, waxana isla markiiba loo doortay madaxtinimada dalladda NAGAAD oo ay dhowr sannadood haysay, haddana u wareegtay hay’addeeda CANDLELIGHT ee ka shaqaysa horumarinta degaanka takhasuskeedu yahay, taas oo ay madax ka ahayd ka hor intii aan xilka wasiirnimo loo magacaabin badhtamihii sannadkii la soo dhaafay ee 20013.

Waxa lagu tilmaamaa haweenay aad u dhowrsoon oo ka bed-qabta ku-dhex-milanka siyaasadaha xag-xagashada ku dhisan ee siyaasiyiin badan oo reer Somaliland lagu yaqaan, taas beddelkeedana waxay caan ku tahay inay had iyo goor ugu ololayso dhawrista degaanka iyo xuquuqda dumarka ee ka-qaybgalka talada dalka.

Dadka aqoonta gaarka ah u leh ayaa ku dooda in Madaxweyne Siilaanyo gacanta u geliyey Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga masuul ehel u ah hawlaha wasaaraddu qaranka ugu xilsaaran tahay, sidaa awgeedna muddada inkastoo duruufo adag oo dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha horyaallaan, haddana kooban ee ay xilka wasiirnimo haysay ku guulaysatay tallaabooyin taariikhda u geli doona oo wax weyn lagaga qabtay qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan ee wehelka u noqday degaanka sida; mamnuucidda tuulooyin cusub oo dalka laga sameeyo, baabi’inta seerayaal badan oo shaqsiyaad gaar ah iska ooteen, ka-hortagga xaalufinta dhirta, wacyigelinta dhir-beerista, tayeynta xafiisyada wasaaradda ee xarunta Hargeysa iyo dhammaan gobollada Somaliland, hirgelinta mashaariic khubaro caalami ah ku qiimeeyeen heerka waxqabad ee wasaaraddu taagan tahay, tayada shaqaalaha ka hawlgala, gaar ahaan madax-waaxeedyada iyo waxyaabaha u baahan in laga caawiyo si wasaaraddaasi u buuxiso kaalinta horumarinta degaanka ee masuuliyadeedu tahay.

Waxa kaloo dadkaasi xuseen, in Wasiir Shukri dedaal xooggan oo aan nasasho lahayn u gashay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka baahsan ee naafeeyey degaanka, hammigeeduna yahay inay gaadho guulo waxqabad oo weligeed lagu xasuusto muddada ay xilka hayso.

Waa haweenay furfuran oo aad u sheeko badan, inta badanna laguma dhex arko koox dumar oo lagu dacaayadeeyo naanaysta uu bixiyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe ee ah ‘GUURTIDA AAN SHAARUBAHA LAHAYN EE SAAMAYNTA KU LEH TALOOYINKA KA SOO FULA QASRIGA MADAXTOOYADA SOMALILAND.’ Kuwaas oo uu uga jeeday haweenka qaarkood xilalka hayaan ee saaxiibka dhow la ah marwada koowaad ee Madaxweynaha.

Dadka hawlaheeda shaqo dhalliila, ayaa ku tilmaamay inay tahay haweenay aqoonteedu u badan tahay dhinaca NGO-yada, balse aan ka dabbaalan karin hawlaha baaxadda leh ee laga sugayo Wasaraadda loo xilsaaray, gaar ahaan wax-ka-qabashada dhibaatooyinka degaanka, dooxyada iyo biyo-mareennada degaanno badan ka dilay iyo dhuxulaysiga, iyadoo dadka naqdiyaa ku doodeen in Shugri iyo haweenka kale ee xilalka qaranka ka hayaba ay dhaqan ahaan iyo diin ahaanba u fiican tahay inay hawlaha siyaasadda faraha kala baxaan, kuna koobnaadaan guryaha iyo hawlaha qoysaskooda.

Waxa lagu xantaa waxogaa qabyaalad ah oo marar badan hawlaheeda laga dareemo, saamaynteeda siyaasadeedna daciif tahay oo aan talada dalka wax badan laga weydiin. La soco falanqaynta wasiirka ugu dambeeya qormooyinkan….

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

http://www.jamhuuriyamedia.com

kala soo xidhiidh

Email: jamhuuriya@yahoo.com ama jamhuriya@yahoo.com

 

XIGASHO: JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: