JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne SiilaanyoAadan Axmed Warsame, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiga:

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 24, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 16aad

 

Aadan Axmed Warsame, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiga: Waa nin magaciisa iyo muuqaalkiisuba ku cusub yahay saaxadda siyaasadda. Sida dadka aqoonta u leh sheegeen waa aqoonyahan qurbo-joog ah oo dhowaan dalka ku soo laabtay.

wasiirka Falanqaynta Jamhuuriya

Waxa xilka wasiirnimo loo magacaabay badhtamihii sannadkii hore, waxana madax looga dhigay mid ka mid ah wasaaradaha ugu fadhiidsan ee dawladda Somaliland, taasoo Madaxweyne Siilaanyo baabi’iyey markii uu xukunka qabtay, kana dhigay wasaaraddii xidhiidhka goleyaasha ee hore u jirtay waax ka tirsan Wasaaradda Madaxtooyada, balse wuxuu dib abuuray dabayaaqadii bishii June ee 2013-kii oo uu magacii hore ee wasaaradda ku kordhiyey labada qaybood ee cilmi-baadhista iyo tignooliga, wasiirna uga dhigay Md. Aadan Axmed Warsame.

Wasaaraddiisa waxa xarun u ah dhisme aad u kooban oo ka soo horjeeda albaabka qasriga Madaxtooyada laga galo, shaqaalaheeduna aad u kooban yihiin, dhaqdhaqaaqeeduna aad u yar yahay. Waxa kaloo wasaaraddani illaa hadda ka qatan tahay dhismeyaasha quruxda badan iyo dib-u-dhiska lagu sameeyey dhammaan xarumaha wasaaradaha dhiggeeda ah ee ku yaal caasimadda Hargeysa.

Muddo sannad maalmo ka dhiman yihiin ah oo uu xilka hayey mar qudha kama uu dhex muuqan fagaaraha siyaasintu ku loollamaan, dadka arrimaha siyaasadda aadka ula socda iyo bulshada Somaliland badankooduna magaciisa iyo muuqaalka wejigiisa toona ma yaqaanaan, sida ka muuqatana waa nin aan weli la qabsan is-muujinta siyaasiga ah iyo la-hadalka iyo war-siinta qalabka warbaahinta.

Waxa si gaar ah loogu xasuustaa muddada uu wasiirka ahaa dhacdo dadka arkay amma maqlay ka yaabisay oo saxaafaddu ka faafiyeen gaadhiga gaarka ah ee uu ku shaqeeyo Wasiir Warsame oo 4 January 2014 ku dhacay godka biyo-mareenka ee dhinaca bari kaga dheggan xarunta taliska ciidanka asluubta Somaliland ee magaalada. Inkastoo sida la sheegay aannu wasiirku xilligaas la socon baabuurka, haddana waxay arrintaasi noqotay dhacdo dad badan oo goob-joog u ahaa aad uga qoslisay, si goonni ahna loogu tilmaansado marka magaciisa iyo xilkiisa la soo hadal-qaado, kadib markii la arkay gaadhiga wasiirka oo isagoon wax khasaare ah gaadhin si fiican u dhex taagan gunta hoose ee biyo-mareenka oo labada dhinac ka dhisan.

Ma jiraan xogo intaa dhaafsiisan iyo raad-raac la xidhiidha dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha u qabsoomay intii uu xafiiska fadhiyey. La soco falanqaynta wasiirka xiga oo aad u xiiso badan Axadda…..

XIGASHO:JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: