May 26, 2014 – Written by Ali jaamac
Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya
Qaybta 18aad
Cali Jaamac Faarax (Buureed), Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda: Waa dhowr iyo lixdan jir ka soo jeeda degaannada bariga Gobolka Sanaag oo dhowaan ku soo biiray liiska siyaasiyiinta Somaliland.
Waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta soo xoolo barkhadoobay ee hore sida weyn uga soo horjeeday qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu xilal wasiirnimo uga soo qabtay maamulladii ku-meel-gaadhka ahaa ee loo dhisay dalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay, gaar ahaan wasaaradaha Xannaannada Xoolaha iyo Madaxtooyada.
Golaha Wasiirrada Somaliland waxa uu ka mid noqday 25kii bishii June ee sannadkii hore oo Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu hadda hayo, wax yar kadib markii uu xamaantiisa ka gurtay xarunta maamulka Puntland ee Garoowe oo dhowrkii sannadood ee u dambeeyey saldhig u ahayd.
Muddo sannad 30 maalmood ka dhiman yihiin oo uu ka tirsanaa xukuumadda Somaliland waxa diiwaanka u galay inuu sabab u ahaa safarkii taariikhiga ahaa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku tegay degmada Laasqoray oo geeska bari ee xeebta dalka oo aannu hortii cagta saarin masuul ka tirsan dawladda Somaliland. Waxa kaloo uu mudddadaas ku guulaystay in wasaaraddiisu mishiinno u qaybiso kalluumaysatada waddaniga ah oo aan iyaguna weligood hore kaalmo toos ah uga helin xukuumadda.
Waxyaabaha kale ee sida gaarka ah loogu xasuusto intii uu xerada siyaasadda Somaliland ku jiray khilaaf cirka isku shareeray oo ka dhex qarxay isaga iyo agaasimihiisii guud ee dhowaan laga beddelay, kadib markii sida la sheegay ay isku maandhaafeen arrimo la xidhiidho maraakiib kalluumaysi laga leeyahay dalka Masar oo hore looga mamnuucay inay ka kalluumaystaan xeebaha Somaliland oo uu markale wasiir Buureed dib ugu fasaxay.
Dadka naqdiya hab-dhaqankiisa siyaasiga ah ayaa ku tilmaama nin doogsin-raac ah oo aan lahayn mabda’ siyaasadeed oo rasmiya, damaciisuna ku dhisan yahay xil-raadis iyo inuu maalin kasta iska dhiibo meesha uu kursi ka helayo, isla markaana aan aaminsanayn qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, maalinta xilka laga qaadana ka hillaaci doona Muqdisho amma Garoowe hadba midkooda uu is yidhaa fursad baa kaaga bannaan.
Waxyaabaha kale ee lagu xasuusto waxa ka mid ah dagaaladii iyo cadaawadii qaawanayd ee uu kaga soo horjeeday Jamhuuriyadda Somaliland xilliyadii uu xilalka wasiirnimo ka hayay maamulka Puntland, iyadoo si gaar ah loo xasuusto doorkii uu ku lahaa dagaalo lagaga soo horjeeday Somaliland oo xilliyo kala duwan ka dhacay degaannada Badhan iyo Dhahar, kuwaasoo sababay in Daahir Rayaale xilkii Wasiirka Gaashaandhigga ka qaado Allaah ha u naxariistee marxuum Aadan Mirre Waqaf bishii April ee sannadkii 2007, waxaannu wasiir Cali Buureed muddadaas ahaa wasiir Maamulka Puntland ka tirsan.
Waxa kale oo lagu dhalliilaa inuu yahay nin aan wax lexejeclo ah u lahayn khayraadka kala duwan ee ku duugan badda Somaliland, kadib markii la sheegay inuu heshiisyo dano dhaqaale ku salaysan la galay maraakiib masuuliyiintii Wasaaradda Kalluumaysiga ee ka xilka uga horeeyey mamnuuceen inay baddaha Somaliland soo galaan.
Laakiin aragtiyaha la dhacsan ayaa ku dooda inuu yahay siyaasi miisaan leh oo buuxin doona kaalin weligeed ku bannaanayd dawladnimada Somaliland oo ah maamul-gaadhsiinta degaannada bariga Gobolka Sanaag oo muddo dheer dayacnaa.La soco wasiirka xiga…..
© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.
http://www.jamhuuriyamedia.com
kala soo xidhiidh
Email: jamhuuriya@yahoo.com ama jamhuriya@yahoo.com
Leave a Reply