JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda:

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 6, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 3aad

 

2. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda: Waxa xilka Wasiirnimo ee uu hayo loo magacaabay 14 March 2012, waxaannu xafiiska kala wareegay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo loo wada qirsan yahay inuu seeska u dhigay dhaqaalaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo talada dalka ku dhaxashay qasnadda dawladda oo haawanaysa sannadkii 2010.

Ka hor intii aannu wasiirka noqon waxa uu tan iyo sannadkii 2005 ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu ka dhex muuqan jiray, waxana iscasilaaddiisii golaha iyo aqbalaaddii xilka Wasiirka Maaliyadda ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ka dhashay doodo kala duwan oo badankoodu diiddanaa inuu qaato wasiirnimo, maadaama uu ku fadhiyey kursi iyo xisaanad ka sarreeya wasiirnimada oo aan cidna ka qaadi karin.

wasiir Samaale

Waxa uu sallaanka siyaasadda ku biiray abuuristii xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisii. Intii ka horreysay waqtigaas waxa uu ahaa macallin, ganacsade iyo khadiib khudbadaha diiniga ah ka jeediya mid ka mid ah masaajidada caasimadda Hargeysa, waxaannu ka mid ahaa culimada waaweyn ee diinta islaamka, ka hor intii aannu u janjeedhsan dhinaca siyaasadda.

Markii ugu horreysay waxa magaciisa si caam ah loo wada maqlay dabayaaqadii sagaashanaadkii oo koox dablay ah ka afduubeen masaajid uu khudbadaha salaadda Jimcaha ka jeedin jiray oo ku yaal magaalada Hargeysa, kuwaas oo muddo toddobaad ku dhow aanno qabiil ugu haystay degaannada buuralayda ee woqooyiga Hargeysa, inkastoo markii dambe shuruud la’aan lagu sii daayey, waxana jira dad rumaysan in falkaas oo aad looga wada xumaaday sabab u ahaa inuu Cabdicasiis Samaale hawlihiisii u wareejiyo dhinaca siyaasadda.

Waa balaaqi hadalladiisa iyo loollannada siyaasadeed dhaabbad (xoojin) uga dhigta aayado qur’aan ah iyo axaadiis diini ah oo uu u daliishado hadba mowduuca siyaasiga ah ee uu makarafoonka u fuulo, si dadweynuhu u rumaystaan dhaliilaha amma difaaca arrimaha uu ka hadlayo.

Waa siyaasi aftahan ah, saaxiib aad u dhowna la ah Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo aan had iyo jeer garabkiisa laga waayin oo aan maalin iyo habeen toona agtiisa ka fogaan, waxana lagu tilmaamaa nin nasiib u helay inuu hantiyo dhagta labaad ee Madaxweynaha, halka dhegta kalena u xidhan tahay Wasiir Xirsi oo saaxiib ku yihiin wax-u-sheegista Madaxweynaha, isagoo tallaabooyinkaasna u qaaday si uu u rumeeyo hankiisa siyaasiga ah, uguna fadhiisto kursi ka meeqaam sareeya xilka wasiirnimo ee uu hadda hayo.

Sidoo kale, waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay ololihii mucaaradnimada ee xisbiga KULMIYE hoggaaminta dalka kaga fara-maroojiyey xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2010, waqtigaas oo uu isagoo ah Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada u jeedin jiray eedaymo aan tiro lahayn oo dad badan nacsiiyey dawladdii UDUB, iyadoo xilligaas lagu tilmaami jiray nin duufsaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee uu ku-xigeenka u ahaa, kuna tallaalay mucaaradad u adeegta danaha xisbiga KULMIYE ka hor doorashooyinkii madaxtooyada ee sannadkii 2010.

Waxa aad loogu sii bartay loollannadii iyo khilaafyadii adkaa ee soo maray xisbul-xaakimka tan iyo intii ka dambaysay markii uu talada la wareegay, kadib markii uu dagaal-siyaasadeed oo culus, ilaa haddana riiqdiisii sii soo socoto la galay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isla markaana geed dheer iyo mid gaabanba ugu fuulay inuu kula tartamo xilka guddoomiyenimada ee xisbiga. Haseyeeshee, waxa damaciisaas biyo qabaw ku shubay dhexdhexaadin iyo ergo ilaa heer madaxweyne ah oo la sheegay inay ku kalifto tanaasulkii uu u sameeyey in aannu guddoomiyenimada KULMIYE kula tartamin Muuse Biixi Cabdi.

Go’aankaas kadibna kama uu dhex bixin khilaaf muddo dheer soo jiitamayey oo dad badan rumaysan yihiin inuu isagu ka dhex istaadhay xisbigiisa KULMIYE, waxaannu markale mus-dambeed daaha dabaddiisa ka haga u noqday garab Madaxweyne-ku-xigeenku horkacayey oo si adag uga soo horjeeday qaabkii xubnaha kale ee hoggaanku u maamulayeen hawlaha shirweynihii saddexaad ee xisbiga oo la soo gebagebeeyey 29-kii bishii April ee la soo dhaafay.

Dadka saluugsan dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasiga ah ayaa ku tilmaama nin go’aannadiisa siyaasiga ahi ku dhisan yihiin xintan siyaasi ah oo uu kaga soo horjeedo hanka iyo damaca Muuse Biixi Cabdi, iyadoo arrintaasina xuddun u ahayd khilaaf daba dheeraaday oo xisbiga hadheeyey afartii sannadood ee uu talada hayey iyo weliba dib-u-dhacyadii faraha badnaa ee ku yimi qabsoomidda shirweynihii saddexaad ee KULMIYE ee dirqiga ku qabsoomay dabayaaqada bishii hore ee April 2014.

Waxa kaloo dadka ka soo horjeeda ku tilmaamaan inuu yahay nin aad ugu fadallo cad karaar-jabinta iyo xagxagashada siyaasiyiinta uu u arko inay duulaan ku yihiin damaciisa mustaqbal, cid kasta oo uu cadaw siyaasadeed u arkana si aan tudhaalo lahayn seefta ugala hartaga.

Hase ahaatee, taageerayaashiisa ayaa u arka siyaasi bislaaday, boog horena aan lahayn, sidaa awgeedna uu Muuse Biixi kaga habboon yahay murrashaxnimada jagada madaxweynimo ee xisbiga KULMIYE uga qaybgali doona doorashada Madaxtooyada ee soo socota, balse waxa uu Wasiir Samaale ku dhiirrashada tallaabadaas shuruud uga dhigay marka Madaxweyne Siilaanyo ka dhargo xukunka, waxana la rumaysan yahay inuu shuruuddaas ku waayey taageero siyaasadeed, maadaama uu caddeeyey in aannu iska garab sharraxi karin haddii Madaxweynuhu markale isa soo taago.

Marka laga eego dhinacyada tacliinta iyo waxqabadka; waa jaamici aqoontiisa maadiga ah iyo ta diiniga ahba wanaagsan yihiin, xagga waxqabadkana waxa diiwaanka markhaatiga ugu jira inuu ku guulaystay in uu kor uga sii qaado halkii uu kaga tegay miisaaniyadda qaranka wasiirkii xafiiska u tiriyey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, taas oo Wasiir Samaale gaadhsiiyey heerkii ugu sarreeyey taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana sannadkii u horreeyey ku guulaystay inuu miisaaniyad-sannadkeedkii xilligaas ku diyaariyo, una gudbiyo Golaha Wakiillada ka hor muddadii loogu talogalay, waxase jira in dad badan cabashooyin xooggan ka muujiyeen qiimaha tacriifadaha cashuuraha badeecadaha ganacsiga oo uu intooda badan kordhiyey muddadii uu xilka wasiirnimada Maaliyadda hayey. La soco wasiirka xiga…..

XIGASHO. JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: