JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka:

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 10, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 6aad

Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka: Waa aqoonyahan qurbo-joog ah oo garoonka siyaasadda ku soo biiray markii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo talada dalka ku guulaystay oo loo magacaabay xilka wasiirnimo ee uu ilaa hadda hayo.

wasiirka Qorshaynta Qaranka

Waa nin aad u dhawrsoon oo aan faraha la gelin waxyaabaha ka baxsan shaqada iyo hawlaha wasaaraddiisu u xilsaaran tahay, kana fayow ku-milanka siyaasadaha xagxagshada u badan ee siyaasiyiinta Somaliland ku caan baxeen.

Waa xafiis-joog hawl-maalmeedkiisa shaqo ku dhammaysta xafiiskiisa. Waxa uu ka mid yahay laba wasiir oo ka badbaaday hab-dhaqanka lagu yaqaan wasiirrada xukuumadda oo intooda badan caadaysteen inay saacadaha shaqada joogaan qasriga Madaxtooyada, laguma arko gudaha Madaxtooyada, marka laga reebo ka-qaybgalka shirarka wasiirrada iyo waqtiyada hawlo shaqadiisa ku saabsan kaga xidhmaan, saamayntiisana lagama dareemo saaxadda siyaasadda ee uu ku afar-jirsaday.

Waxa uu safka hore kaga jiraa xubnaha loogu ixtiraamka badan wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee xilalka haya, waxana lagu tilmaamaa masuul isku kalsoon oo dedaal badan iyo daacadnimo u huray inuu kaalintiisa ka qaato horumarka waddankiisa, mana jiraan amma ma badna cid ceeb ka sheegta ammase cabasho ka muujisay muddo afar sannadood ah oo uu xafiiska fadhiyey.

Waxa lagu xantaa nin ka arradan hab-dhaqanka bulshada Somaliland ku wada nool yihiin, sidoo kalena aan qaabilin dadweynaha aan shaqo ugu tegin, kana oodan dhex-galka shacabka uu madaxda u yahay.

Wasiirka Qorshaynta ayaa sidoo kale lagu xantaa inuu yahay shaqsi aan u dhego nuglayn, isla markaana ku fiicnayn ka jawaabista dhalliilaha kala duwan ee loo jeediyo xukuumada uu ka tirsan, gaar ahaan marka laga hadlo tabashooyinka degaanka uu ka soo jeedo ee Saaxil, arrintaasoo inta badan wasiirrada kale ee xukuumadda kula jiraa caan ku yihiin, balse Dr. Sacad ma dhex-galo amma kuma milmo wax aan ahayn shaqadiisa iyo hawlaha uu qaranka wakiilka uga yahay, arrintaasina waa mid lagu ammaanay.

Dhinaca waxqabadka waxa u yaal rikoodh taariikhda ugu jira oo ah inuu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee ku guulaysta diyaarinta qorshaha shanta sanno ee horumarinta qaranka Somaliland iyo weliba istaraajiyad uu u dejiyey adeegyada horumarineed dalka kontonka sannadood ee soo socda. La soco wasiirka xiga cadadka Axadda…..

 

XIGASHO. JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: